Aqoon Wadaag ku saabsan codeynta af-soomaaliga

Isniin; 25-Agoosto-2025. Guddoomiye ku xigeenka naadiga marwo Ruweida Suleiman Mohammad iyo qaar kamid ah xubnaha naadiga Garaadkobac ayaa ka qeyb galay Aqoon wadaag xiiso badan oo ku saabsanaa “Codeynta Af Soomaaliga” kaas oo lagu qabtay xarrunta Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA.

Madashan waxaa ka soo qeybgalay aqoonyahanno kala duwan, qorayaal, abwaanno iyo arday wax ka barata jaamacadaha dalka. Mowduucan muhiimka ah waxaa soo jeediyey xeeldheere afeed Cabdiwali Maxamed Shariifka oo ka mid ah aqoonyahannada xarunta dhexe ee Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga.

Mowduucaan waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayey ciwaano kala duwan oo ay kamid yihiin:

1- Codadka Hadalka (Phonetics)

2- Booska codaynta (place of articulation)

3- Habka codaynta (manner of articulation)

4- Codayn (Phonology)

5- Xeerarka codaynta.

Naadiga Garaadkobac waxa uu marwalba u taagan yahay kobcinta maanka bulshada iyo sare u qaadidda xirfadaha Akhriska, Qoraalka iyo Hoggaaminta Bulshada.

_____________

Afhayeenka naadiga; Abdi Yusuf Abdi

Xafiiska Warfaafinta GK

Iimayl: Garaadkobac@gmail.com

Taleefan: +252 61 8352775

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top