Khamiis; 31-Jul-2025, Guddoomiyaha Naadiga Garaadkobac Mudane Ugaas Nour Abdi Farah iyo qaar kamid ah xubnaha naadiga ayaa ka qeybgalay seminar ay si heer sare ah u soo agaasintay xarunta Dhaxalreeb kaas oo ka dhacay Hotel Jawhara.
Seminarkan ayaa ciwaankiisa waxa uu ahaa “Dhisidda kartida hoggaamineed ee jiilka cusub”, waxaana bixinayay Bashiir Cabduqaadir Macallin, oo ah khabiir hoggaamineed iyo Bare jaamacadeed.
Ujeeddada iyo muhiimadda ugu weyn ee seminarkan loo qabtay ayaa ahayd in kor loogu qaado kartida hoggaamineed ee jiilka cusub.
Garaadkobac marwalba waxa uu u taagan yahay kobcinta maanka iyo sare u qaadidda xirfadaha Akhriska, Qoraalka iyo Hoggaaminta Bulshada.
Sawirro:














Nadiga garadkobac ee aqriska iyo qoral ka
Wa nadigii igu nidamka iyo hab sami u socodka Wanagsan iyo Sidey ugu dadlayan kobcinta maskaxda dhalinyarda good
Sidokale hormarin nafed Ayn kabartay Inan ka tirsana iyo jogteynta aqriska radinta waxyalahan jecla waxa badan ban kabartay ku dhexjirkoda kan faiday wan uga mahadcelonaya waxa walibo wangsan