W/Q: Ayuub Xaaji Axmed
Safarkaan waxaa loo qaybiyey afar marxaladood oo mid walba kaalin muhiim ah ku leh horumarka shaqsiga. Aynu mid kasta si faahfaahsan u eegno:
1. ๐๐จ๐ฆ๐๐จ๐ซ๐ญ ๐๐จ๐ง๐ (๐๐๐ ๐ ๐ ๐๐๐๐ฑ๐๐๐.-
Qaybtaan: qofka waxa uu dareemaayaa deganaan iyo in aysan waxba ka maqnayn balse uu ku jiro jawi dagan oo bilaa buuq ah. Qofka waxa uu ku war-wareeganaayaa hal xaalad ama Nolol aan isbeddal iyo horumar toona lahayn isaga oo dareemaaya Raaxo iyo Xasilooni Nafeed taas oo ku sababbaysa Cabsi iyo marmarsiiyo, waxa uuna ka baqaaya in uu wax cusub sameeyo.
Si kooban marxaladdaan waxa uu qofku ku jiraa jawi isku filnaansho ah oo aan culeys lahayn, isaga oo baqdin ka qaba wax walba oo cusub ama cabsi leh
2. ๐ ๐๐๐ซ ๐๐จ๐ง๐ (๐๐๐ฒ๐ง๐๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐๐ฌ๐ข๐๐)
Qofka marka uu goโaansado in uu kabaxo confort Zone-ka, waxa uu geli doonaa marxaladda cabsida. qaybtaan waa mid qofka uu dareemo kalsooni yaraan iyo cabsida waxa cusub ee uu dariska la noqday. Waxyaabaha lagu garto marxaladdan waa:
Kalsooni Laโaan: qofka waxa uu ka cabsadaa challenge-ga uga imaanaayo waxaan cusub ee uu bilaabay ama hadallada ay dadka kale ka dhihi doonaan.
Sidookale xaaladaani waxa u qofku si qotodheer ula tacaalaayaa Dhibaatooyinka iyo Mushkiladaha soo wajahaaya, Qofku waxa uu si fiican ula tacaalayaa caqabado iyo aragtiyo aan wanaagsanayn, taas oo uu u arko in ay caqabad ku yihiin horumarkiisa.
3. ๐๐๐๐ซ๐ง๐ข๐ง๐ ๐๐จ๐ง๐ (๐๐๐ ๐ ๐ ๐๐๐ฑ๐๐๐ซ๐๐ฌ๐ก๐๐๐)
Marka uu qofku goโaansando in uu horay usii socdo, waxa uu galayaa aagga waxbarashada, halkaas oo uu ku baranaayo xirfado cusub iyo qaabab cusub oo uu dhibaatooyinka u wajaho. Marxaladdan waxaa uu qofka ku baranaaya Xallinta Dhibaatooyinka, waxa uu baranayaa sida uu dhibaatooyinka ugu wajahi lahaa si caqli iyo xirfad ku salaysan, Sidookale Inta uu qofku ku jiro aagga waxbarashada waxa uu kobcinayaa kalsoonidiisa iyo awooddiisa ah in uu la qabsado xaalado cusub Iyo fahamka in Khaladaadku yihiin Casharro: Qofku waxa uu fahmayaa in khaladaadku aysan ahayn wax laga cabsado, balse ay yihiin casharro uu ku sii fiicnaan karo, waxna ka baran kara.
4. ๐๐ซ๐จ๐ฐ๐ญ๐ก ๐๐จ๐ง๐ (๐๐๐ ๐ ๐ ๐๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐๐ซ๐ค๐)
Tani waa marxaladda ugu dambeysa, ee uu qofku helo xurriyad iyo horumar dhinac walba ah. Marxaladdan waxaa lagu gartaa qofka oo gaara yoolal sarreeya, waxa uuna dareemaaya awood iyo in uu gaaray riyooyinkiisa.
Astaamaha marxaladdan waxaa ka mid ah:
Hansare: Qofku waxa uu dejiyaa himilooyin waaweyn oo ku wajahan horumarinta naftiisa iyo xirfaddiisa.
Horumarinta Riyooyinka. Qofku waxa uu dareemaa dhiirrigelin iyo hami uu ku xaqiijiyo riyooyinkiisa iyo yoolasha uu tiigsanayo.
Gaarista Ujeeddooyin cadcad. Ugu dambeyn, qofku waxa uu fahmaa ujeedada noloshiisa, waxa uuna gaarayaa guulo muhiim ah.
๐๐๐๐-๐ ๐๐๐จ:
Safarka horumarku waxa uu ka billowdaa in qofku ka baxo meel raaxo leh (Comfort Zone), isagoo maraaya Xeyndaabka cabsida (Fear Zone), Xeyndaabka waxbarashada (Learning Zone), ilaa uu ugu dambeyn gaaro heerka horumarka (Growth Zone). Safarkan waa mid adag, balse waxa uu qofka u horseedi karaa in uu gaaro guulo waaweyn oo noloshiisa ah.

