Tarjume: Ayuub Xaaji Axmed
————————————————————-
saddaxleyda Koowaad:
Saddex Waxyaabood oo Aadan Dooran Karin:
1. ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐ ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐๐ฅ๐๐ญ๐๐ฒ: Waa qaddar kaa baxsan, Waxa aad timaadaa adiga oo aan dooran dalkaaga si lamid ah waqtiga aad dhalatay, dunida ayaad imaanaysaa waxa aadna arkaysaa adiga oo nool marka doorasho kuma lihid adigu
2.๐๐๐๐ฅ๐ข๐๐ค๐๐๐ ๐: Ma dooran kartid aabaha iyo hooyada kuu dhalay. Sidoo kale, waalidkuna ma dooran karaan qofka u noqonaya ilmahooda. Waxaad ka dhalatay dad, qabiil, iyo goob juqraafi ah iyada oo aad lahayn doorasho, sidaa aawgeed, ma jirto sabab lagu faano.
3. ๐๐ ๐๐จ๐จ๐ซ๐๐ง ๐ค๐๐ซ๐ญ๐ข๐ ๐ฆ๐ข๐๐๐๐ค๐๐๐ ๐: Midabkaaga ma aha mid aad ka dooran karto. Waxaa laga yaabaa inaad midab jeclaan karto ama mid kale necbaan karto, laakiin xulashada kuguma xirna adiga. Saddexdan arrimood waa kuwa ka horreeya jiritaankaaga.
Saddaxleyda Labaad:
Saddex Wax oo aad Dooran Karto:
1.๐๐๐ฆ๐๐๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ ๐ง๐จ๐ฅ๐จ๐ฌ๐ก๐ ๐ฐ๐๐๐๐๐ ๐ญ๐๐๐ง: Guurka maโaha qaddar iyo nasiib sida dadka qaarkood sheegaan; waa doorasho barax laโ, adiga ayaa dooranaaya cidda aad guursanayso qasab laโaan, Waxa aad u guursan kartaa si jacayl ah, si caado ah, ama xitaa waali ama dan gaara
2. ๐ ๐ข๐ค๐ซ๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐ฆ๐ข๐ง๐ฌ๐๐ง ๐ญ๐๐ก๐๐ฒ: Mabda’a fikirkaaga ee aad taageerto, aragtida siyaasadeed ee aad ku dadaalayso hirgalinteeda iyo farriinta aad u aragto raaciddeeda inay xaq tahay.
3.๐๐๐๐ฑ๐ข๐ข๐๐ค๐ ๐๐๐ ๐ฅ๐ ๐ง๐จ๐จ๐ฌ๐ก๐๐ก๐๐ฒ: Waa qof aad la wadaagto xanuunka iyo rajada. Waa qof aad ku aragto hididiilladaada iyo murugadaada intaba. Xiriir-wadaagga ama shaqa-wadaagga: Waa qof aad la wadaagto farxadaha iyo dhibaatooyinka. Waxaa laga yaabaa in aad saaxiib la noqoto qof; dantaada awgeed, laakiin danta maโaha mid waarta. Waxaa kale oo dhici karta in aad qof xiriir shaqo la yeelato si aad u gaartaan ujeeddooyin gaar ah, laakiin marka ujeeddooyinkaas la gaaro, xiriirku wuu dhammaan.
Marka goโaanka kala tagga la gaaro, qof kastaa waxa uu sheegi karaa in xiriirku dhammaaday, taas oo ku tusaysa in xiriirka noocaan ah uusan ahayn mid qasab ah ama waajib ah. Sida uu ninkii suubanaa ee Khidr (CS) u sheegay nabi Muuse (CS): “Tani waa kala taggaygii aniga iyo adiga.” Waxaa laga baran karaa in xiriirro badan oo nolosha ah aysan waajib ahayn, balse ay ku xiran yihiin xaaladaha iyo duruufaha gaarka ah.
Saddaxlayda Saddexaad:
Saddex Wax Oo La Badali Karo:
1. ๐๐๐๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐ง ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐ข๐ข๐ง ๐ซ๐๐ฃ๐จ ๐๐ฆ๐ ๐ฌ๐ก๐๐ซ๐๐:
Haddii aad ku nooshahay meel aan ku siinayn rajo ama sharaf, waxaa muhiim ah in aad ka fakartid beddelka. Nolosha ku sii jiritaanka meel khaldan adiga oo aan wax isbeddel ah samayn waxay noqonaysaa ka tagidda farriintaada, ka cararida xaqiiqada iyo aqbalidda dullinimo aan wax qiimo ah lahayn.”
2.๐๐๐ฆ๐ฆ๐๐๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ง ๐ค๐ ๐๐ก๐๐๐๐ฒ๐ง๐ข๐ง ๐ฎ๐ฃ๐๐๐๐๐๐๐ ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐,
Lammaanaha aan ka dhabaynin ujeeddada guurka, oo aadan ka helin kalgacal, naxariis, iyo xasillooni, maaha arrin biniโaadannimo in aad la sii noolaato iyada oo aan la gaarin hadafka aasaasiga ah ee nolosha. Si kastaba ha ahaatee, kuma habboona inaad ka cararto nolosha adigoo lammaanaha beddelaya sababbo aan macno lahayn awgood.
3.๐๐ข๐ฌ๐๐ข๐ ๐, ๐ฎ๐ซ๐ฎ๐ซ๐ค๐, ๐๐ฆ๐ ๐๐ซ๐๐ ๐ญ๐ข๐๐ ๐๐ข๐ค๐ข๐ซ๐ค๐:
Xisbi, urur, dariiqo, ama madrasad fikir, ma aha xikmad in aad weligaa xubin ka sii ahaato xisbi guuldarraystay, urur dhammeeyay ujeeddooyinkiisii, dariiqo waqtigeedi dhaaftay, ama madrasad fikir oo aan la jaanqaadi karin baahiyaha casriga ah. Ku xidhnaanta koox waa baahi baniโaadannimo, laakiin ku sii jiritaanka meel aan xaqiijinayn hadafkeedu waa qalad istiraatiiji ah
saddaxlayda Afaraad:
Saddex Wax Oo Aan Loo Baahnayn in La Bedelo:
1. ๐๐๐๐ญ๐๐๐๐: Jidhku waa uu isbeddelaa, wuu koraaa, oo wuu gabooba, laakiin ka digtoonow gabowga nafta. Ha ka welwelin mustaqbalka si xad dhaaf ah, hana isku dayin inaad ku noolaato meel ka baxsan taariikhdaada ama waaqicigaaga
2. ๐๐๐ฃ๐๐๐: Noloshu ma laha macno rajo laโaanteed. Haka dhagaysan dadka in aan wax rajo la abuuri karin. Nolosha rajo laโaantu waa silic, waayo, Ilaahay wuxuu abuuray xanuunka iyo rajada oo wada jira, wuxuuna ka dhigay dhibka iyo fududeynta kuwo wada socda
3.๐๐ฎ ๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐๐๐ง๐ฌ๐ก๐๐ก๐ ๐ฎ๐ฃ๐๐๐๐๐จ ๐ฌ๐๐ซ๐ซ๐๐ฒ๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ก๐๐ซ๐๐ ๐ฅ๐๐ก:
Waxaa laga yaabaa in aad beddesho ujeeddooyinkaaga waaweyn, laakiin waa muhiim in aad yeelato ujeeddooyin aasaasi ah oo haga noloshaada. Haddii ujeeddooyin laga waayo noloshaada, waxaad noqotaa qof caadi ah oo aan horumar iyo isbeddel ku samayn noloshiisa. Waxa aad noqonaysaa qof aan isbeddelin sannadba sannadka ka dambeeya, xitaa ilaa dhammaadka cimrigaaga
Ugu Dambayn:
Waa waqti cusub, waxaana jira isbeddelo ka soo billowday Suuriya, balse aysan ku joogsan xuduudahaas oo keliya. Waa xilligii caalamiyeynta, halkaas oo fikradaha ay u gudbaan xuduudaha si la mid ah waxyaabaha kale. Maaha caqligal in aan dunida la macaamilno oo aan ku koobnaano oo keliya waxyaabaha ku socda farsamooyinka kala duwan, anagoo iska indha tirayna gudbinta fikradaha iyo aragtiyada,
Waxaana muhiim ah in aanan iska indha tirin fikradaha gudbaya. Haddii aadan lahayn awood cilmi ku salaysan oo aad ku oggolaato ama ku diido aragtiyo cusub, waxaad ku guuldarreysanaysaa inaad la qabsato waaqica. Maskaxdaadu adiga oo kaliya kuguma koobna; waxa aad nooshahay xilli aad la wadaagto dadka kale. Sidaas darteed, waa in aad si xoog leh u diyaarisaa naftaada. Ha isku dayin in aad u noolaato sidii hore, maxaa yeelay, qofka aan isbeddelin, xaaladaha ku hareeraysan ayaa isbeddelaya, waxaana uu ku dambaynayaa inuu keligiis ku hadho dunida isbeddelaysa isagoo aan dhaqaaqin.”

