
Dunida Islaamka waxa ay waayahan dambe la kulantay, fidnooyin la mida ah habeen gudcura, kuwaas oo badankood ka dhashay xadgudubka iyo fahamka khaldan, ee laga fahmay nusuusta shareecada. Dad badan ayaa fududeystay in ay Muslimiinta ku xukumaan bidco, gaalnimo, shirki, iyo jaahilnimo, arrimo khilaafi ah oo ay horey uga hadleen imaamyada iyo culimada Islaamka owgood. Dadkani ma aysan fahmin sirta ka dambaysa cimriga dheer ee diintan, in ay tahay kala duwanaanta oo la aqbalo in uu Islaamku ku booriyey, kuna dhaqmeen culimada ummadda tan iyo bilowgii ilbaxnimada Islaamka.
Dhibaatada ay korinayaan kuwa fidnada wada waxa ay ka dhalatay maqnaashiyaha; edebta, dooda iyo xeerarka khilaafka, waana arrin ka reebi lahaa qofka doonaya barashada cilmiga xadgudubka, haddii uu ujeedkiisu yahay raadsashada xaqa, ee uusan noqon mid raacaya hawadiisa ama caadifaddiisa. Alle waxa uu yiri: {Yaa ka baadi badan, kan raaca hawadiisa, isaga oo aan hanuun Eebbe ka haysan?}.
Habdhaqankii Salafka waxa uu ahaa marka ay iskhilaafaan; dabacsanaan iyo hadal fiican, waayo? Taaa ayaa ugu dhow tarbiyada nafta iyo jebinta madax-adaygga. Sidaba uu Alle yiri: “Bixi midda ugu wanaagsan, isla markaasina midkii aad col ahaydeen waxa uu noqonayaa saaxiib dhow”. Mar kale Alle waxa uu yiri: “U sheeg addoomadayda in ay yiraahdaan hadalka ugu fiican; shayddaanka waxa uu galaa dhexdooda, waxa uuna Shayddaanku bini-aadamka ku yahay cadow muuqda’e”.
Rasuulkii Alle ﷺ waxa uu ahaa mid dabeecad fiican; ma ahayn caytame, mana ahayn mid aflagaadooda oo wax caaya. Culimada Islaamka waxa ay raaceen anshaxa Rasuulka ﷺ xataa marka ay isku khilaafaan. Tusaale ahaan; waxa aynu aragnaa Imaam Al-Dahabi oo si qurux badan u amaanaya Imaam Taqiyuddiin Al-Subki, inkastoo Imaam Subki uu ka mid ahaa culimada Ashcaarida, kuwaas oo uu khilaaf weyn kala dhaxeeyey Ibnu Taymiya, oo ah sheekhii Al-Dahabi.
Culimada ummadda ma ahayn kuwo dadka qalad ku eedeeya iyaga oo aan hubin, mana ahayn kuwo dadka jaahilnimo ama khiyaano ku tuhma. Waxa ay aaminsanaayeen in asal ahaan Muslimiintu yihiin kuwa caddaalad leh oo wanaagsan iyo hadalka dadka gaar ahaan kan culimada in lagu fasiro fahamka ugu wanaagsan intii suurtagal ah. Sidaa darteed, taxaddarka eedeynta waa la doorbidaa, dulqaadka fahmaduna waa mid faa’iido badan. Waayo culimadaasi waxa ay hadlaan iyaga oo leh tiir sharci ah, xataa haddii aysan si cad u xusin, taasina waa qaacidada ay isticmaalaan fuqahadu, marka ay arrimaha sharciyada ka hadlayaan iyaga oo aan daliiladooda caddeyn.
Sidoo kale, culimada xadiiska (muxaddisiinta) waxa ay dadka cambaareyn jireen oo kaliya, marka la eegayo arrimaha sanadka xaddiiska (riwaayadda), laakiin dhinacyada kale, waxa ay ahaayeen dadka ugu malada iyo edebta wanaagsan, asturana jaahilka, wajiga fura. Mana ahayn dabeecadahooda Cey iyo yasmo.
Mid ka mid ah fitnada waqtiyadan dambe dhacday ayaa ah, in dad badan ay iska dhigaan culimo iyaga oo aan lahayn dabeecadihii culimada. Waxa ay dadka ku khiyaameeyeen qaylo badan iyo hadal caaddifadeed, waxa ayna isku qurxiyeen labis culimeed, halka ay ka maran yihiin asalka cilmiyeed.
Al-Xaafid Ibnu Rajab Al-Hanbali waxa uu leeyahay: “Markii uu batay khilaafka dadka ee arrimaha diinta, oo uu kala duwanaanshahooduna badatay, waxaa ka dhashay in ay is necebaadaan, is caayaan, iyaga oo mid kasta u maleynaya inuu Alle dartiis u neceb yahay!.. Waxa uu sii raaciyay ibnu Rajab “Waxaa halkan ku jira arrin qarsoon, oo u baahan in la garto, Imaamyo badan ayaa laga yaabaa in ay yiraahdaan hadal aan xoog badan lahayn, iyaga oo ku dadaalaya helayana ajarkiisa ( waa imaamyada gaaray daraja jitihaadka), waana laga cafinayaa khaladkooda. Laakiin kan raacsan ma gaarayo darajada sheekhiisa, maxaa yeelay? Uma raacsana in uu hadalka sheekhu yiri moogiye. Taasna waxa ay keenaysaa in hadalka raacaha ay ku jirto in la sharfayo sheekhiisa, uuna muujiyo magaciisa, kana ilaaliyo in lagu sheego khalad. Tani waa dhaawac weyn oo in xaqa loo hilliyo wax u dhimaya, waana arrin aad u muhiim ah in la fahmo”. Sida ku cad: [Jaamicul Culuum Wal-Xikam].
Saxaabada, taabiciinta, iyo dhammaan imaamyada Islaamka waxa ay ka fogeeyeen hawadooda, waxayna u jeesteen xaqa, iyaga oo ilaalinaya walaalnimada Islaamka in ay ka sarrayso khilaafkasta, maadaama walaalnimadaasi tahay tiirka diinta lagama maarmaan ka u ah jiritaankeeda, xitaa haddii ay kala duwanaadaan aaraa’da iyo dhiraandhirinta masaa-isha.  
W/Q: Dr Cali Jumcah 
W/T: Cabdimaalik saciid


