W/Q: Dr. Ibraahin Al-fiqhi.
Waxaa Tarjumay: Ayuub Xaaji Axmed
๐๐๐ง ๐๐จ๐จ๐ฐ๐๐๐.
Nooc nolosha ku noolaada oo aan garanayn waxa uu doonayo, mana yaqaan yoolasha uu gaari karo. Yoolkiisu waa in uu helo cunto iyo cabitaan ku filan . Laakiin haddana marna kama daalo cabashada duruufaha nololeed ee adag.
๐๐๐ง ๐๐๐๐๐๐.
Nooc garanaya waxa uu doonayo, laakiin ma garanayo sida uu u gaadho, wuxuuna sugayaa qof u tilmaama oo gacanta ka qabta, noocan dadka ka midka ah ayaa ka dhib badan nooca koowaad.
๐๐๐ง ๐๐๐๐๐๐ฑ๐๐๐.
Nooc garanaya yoolkiisa iyo sida uu u gaari karo, laakiin ma aaminsana awoodiisa, wuxuuna bilaabaa tallaabooyin uu ku gaaro hadaf ama wax, laakiin ma dhammaystiro. wuxuu iibsadaa buug laakiin ma akhriyo … sidaas ayuuna marwalba iska ahaadaa, ma billaabo tallaabooyinka guusha, haddii uu bilaabo wuu joojiyaa. Noocan ayaa ka dhib badan labada nooc ee hore.
๐๐๐ง ๐๐fa๐ซ๐๐๐.
Wuxuu garanayaa waxa uu doonayo, wuxuuna garanayaa sida uu u gaadho, wuxuuna ku kalsoon yahay awoodiisa, laakiin waxaa saameyn ku yeeshaa dadka kale, markasta oo uu wax qabsado wuxuu maqlaa cid u sheegta โHanaankan faa’iido ma leh leh, waxaad u baahan tahay inaad waxan si kale u sameyso, oo aad habkale tijaabisoโ.
๐๐๐ง ๐๐ก๐๐ง๐๐๐.
Nooc garanaya waxa uu doonayo, wuxuu garanayaa sida uu u gaadho, wuxuuna ku kalsoon yahay awoodiisa, saamaynna kuma yeeshaan fikradaha dadka kale marka laga reebo kuwa wanaagsan, wuxuuna gaaraa guul dhaqaale iyo mid shaqo. Laakiin marka uu guul gaaro wuxuu dareemaa caajis, wuxuuna iska dayacaa fikirka, hal-abuurka iyo sii wadista guusha…
๐๐๐ง ๐๐ข๐ฑ๐๐๐.
Noocan wuxuu garanayaa yoolkiisa, wuxuu garanayaa sida uu u gaadho, wuxuuna ku kalsoon yahay hibada iyo awoodaha uu Ilaahay (SW)siiyay,
wuxuu maqlaa fikradaha kala duwan, wuuna ka faa’iidaystaa, wuxuuna awoodaa inuu ka adkaado caqabadaha iyo dhibaatooyinka, marka uu dadaal kasta sameeyo, wuxuuna qaataa sababaha oo dhan isagoo ku kalsoon Ilaahay, wuxuuna gaaraa guul midba midka kale ka dambeyso, wuxuuna sii wataa dadaalkiisa ilaa uu ka gaaro guusha.
๐ฌ๐ข๐๐ ๐ฎ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ซ๐ข ๐ ๐๐๐ฒ๐๐๐ ๐:
–Inkastoo aan ahay kan ugu dambeeya xilligiisa—- Waxaan keenayaa wixii kuwii hore awoodi waayeen.
–Haddii qofkeenna uu doonayo guul,——laakiin wuxuu ka soo toosaa hurdada isagoo soo daahay,
–Markasta wuxuu ka cabanayaa lumista waqtiga, ——mana garanayo sida uu waqtigiisa u habeeyo si uu uga faa’iidaysto daqiiqad kasta,
–Haddii intaas oo dhan uu doonayo guul, sidee buu ku gaari karaa ..– Wuxuu waayi doonaa sababaha guusha kadibna wuxuu eedayn doonaa nasiibka.
๐๐ก๐๐ง๐ญ๐ ๐ง๐จ๐จ๐ ๐๐ ๐ก๐จ๐ซ๐ (๐ค๐ ๐ค๐จ๐จ๐ฐ๐๐๐ ๐ข๐ฅ๐๐ ๐ฌ๐ก๐๐ง๐๐๐) ๐ฐ๐๐ ๐ค๐ฎ๐ฐ๐ ๐ฅ๐ ๐๐ข๐ฅ๐๐ฒ ๐จ๐จ ๐ฌ๐๐๐จ๐จ๐ฅ ๐๐ก .. ๐ฐ๐๐ฑ๐๐ ๐๐ข๐ฅ๐๐ฒ ๐๐๐๐ฃ๐ข๐ฌ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ญ๐๐ฆ๐๐ซ-๐๐๐ซ๐ซ๐จ, ๐ฐ๐๐ฑ๐๐ ๐๐ข๐ฅ๐๐ฒ ๐ค๐๐ฅ๐ ๐๐ฎ๐ฐ๐๐ง๐๐๐ง๐ฌ๐ก๐จ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ค๐๐ฅ๐ฌ๐จ๐จ๐ง๐ข ๐ฅ๐’๐๐๐ง ๐ง๐๐๐ญ๐๐๐, ๐ฐ๐๐ฑ๐๐ ๐๐ข๐ฅ๐๐ฒ ๐ญ๐๐ฆ๐๐ซ-๐๐๐ซ๐ซ๐ข๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ก๐ข๐ฆ๐ข๐ฅ๐ฅ๐๐๐ ๐ ๐๐๐๐๐ง .. ๐๐ ๐๐ข๐ ๐ญ๐จ๐จ๐ง๐จ๐จ๐ฐ ๐๐ฎ๐๐ฎ๐ซ๐ซ๐๐๐๐ง.
W/Q: Dr. Ibraahin Al-fiqhi.
