SALAANTU WAA FURAHA WADA-JIRKA (2)


Amniga bulshada, waa heerka ugu sarreeya ee laga gaaro nabadda. Waxaa Abuu Hurayrah RC laga weriyey in Rasuulka Alle ﷺ uu dul istaagay dad fadhiya, oo uu ku yiri: Ma idiin sheegaa kuwa idin kugu kheyrka badan iyo kuwa idiinkugu sharta badan? Waa ay aamuseen. Waxa uuna ku celiyey saddex jeer. Markaas nin ka mida ayaa yiri: Haa, noo sheeg Rasuulkii Allow, kuwa noogu kheyrka badan iyo kuwa noogu sharta badan. Waxa uu yiri nebigu ﷺ : “Kiinna idinkugu khayrka baran waa kan la filanaayo kheyrkiisa, lagana nabad galayo shartiisa; kan idinkugu sharta baranna waa kan aan laga filayn wax kheyr ah, oo aan laga nabad gelin shartiisa”. (Waxaa soo saaray xadiiskan imaam Al-Tirmidi). Kheyrku ma ahan oo keliya; in salaanta la faafiyo, ee waa in lagu dadaalo joogteynta salaanta iyo samaha. Rasuulka ﷺ waxa uu tilmaamay, in qofka ugu kheyrka badan uu yahay; kan kheyrkiisa ay dadku rajo ka qabaan, isla markaana ay ka nabad galaan shartiisa. Taasi waxa ay ka dhigan tahay in uu noqdo qof bulshada oo idil ay ku dareemaan xasillooni iyo ammaan.

Waxaa ku soo arooray Saxiixul Muslim; in Rasuulka Alle ﷺ uu yiri: “Janada ma galo, qofka uu deriskiisu ka nabad gali wayay dhibkiisa”. Nebiga ﷺ waxa uu farayaa in la nabad geliyo deriska, taas oo macnaheedu yahay in aan waxyeello loo geysan. Waxa uu xitaa ku boorinayaa heer ka ugu sarreeya, oo ah in deriska laga ilaaliyo xumaan kasta oo la filan karo, taas oo aan suuroobayn ilaa uu muslimku joogteeyo wanaagga iyo salaanta dariskiisa. Macnaha deriska ee Islaamku, waa mid ballaaran; waxa uuna ka koobanyahay muslim iyo gaal, xor iyo addoon, taajir iyo sabool, qaraabo iyo shisheeye, kuwo dhow iyo kuwo fog, shakhsi iyo bulshooyinba. Marka la nabad geliyo deriska, waxaa la gaari karaa nabadda guud oo bulshada dhexdeeda ah, taas oo horseed u noqota amniga bulsho ee dhabta ah.

Sida uu diinka Islaamku u caddeeyay edebta salaanta iyo qaabkeeda, waxa uu sidoo kale tilmaamay in la jacaylaado deriska. Imaam Al Qasaali waxa uu ku sheegay kitaabkiisa (Ixyaa Culuumin diin) qaar ka mid ah akhlaaqdaas, waxa uuna yiri (Allaah ha u naxariistee): “Xuquuqda deriska waxaa ka mid ah: in salaanta lagu billaabo, in aan hadalka lagu dheerayn, in aan wax badan laga waraysan xaaladdiisa, in la booqdo marka uu xanuunsado, in loo tacsiyeeyo marka uu dhib gaaro, in lala qaybsado murugada, in la bogaadiyo marka uu farxad helo, in lala dareemo farxadda, in laga saamaxo qaladaadkiisa, in aan la raacraacin ceebihiisa, in aan lagu dhibin dhismaha guriga, in aan lala wadaagin masharaafta biyaha, in aan laga xannibin waddada gurigiisa, in aan laga fiirin waxa uu guriga u sito, in la qariyo wixii ceeb ah ee lagu arko, in la caawiyo haddii ay dhibaato ku dhaco, in laga warhaayo gurigiisa marka uu maqanyahay, in aan lagu sheekaysan, in la eeg eegin ehelkiisa, in aan indhaha lala raacin adeegayaashiisa, in si naxariis leh loola dhaqmo ubadkiisa, in la baro inta uusan ka aqoonta u lahayn arrimaha diintiisa iyo dunidiisa”.

Dhammaad

WQ: Dr Cali Jumcah
WT: Cabdimaalik saciid

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top