Rasuulka Alle ﷺ waxa uu yiri, sida uu wariyay Abuu Hurayrah RC: “Janada ma geli doontaan ilaa aad rumaysaan Alle, mana rumaysaan ilaa aad is jeclaataan. Ma idin tusaa wax haddii aad samaysaan aad is jeclaan doontaan? Dhexdiinna ku faafiya salaanta”. (Saxiix Muslim)
Faafinta salaanta, waa astaanta Islaamka uu leeyahay, ficil ahaanna ka dhex muuqata bulshada, iyada oo xaqiijinaysa jacaylka ku jira qalbiga iyo laabta Muslimka, una beddelaysa ficil muuqda oo uu kula dhaqmo dadka kale. Marka la isi salaamayo, waxaa lagu muujinayaa nabad gelyo gudeed, dadka kalana waxaa lagu dareensiiyaa xasillooni iyo ammaan. Waxa kale oo salaantu ay dadka ku tababartaa jacaylka nabadda, kuna dhiirrigelisaa in loo qaato; nabaddu in ay tahay astaan iyo dariiq nololeed.
Xadiiskan, waxa uu tilmaamayaa mid ka mid ah qaababkii uu nebigu ﷺ adeegsan jiray, si uu asxaabtiisa u baro fikradaha iyo akhlaaqda suubban,  iyada oo ku salaysan “weydiin iyo waraysi”. Nebigu ﷺ waxa uu maskaxdooda ku furi jiray su’aalo, si ay uga fakaraan, mararka qaarna waa uu sugi jiray, si ay iyagu uga jawaabaan, marna isaga ayaa jawaabta siin jiray, taas oo u ahayd tababar ay ku gaaraan rabitaanka cilmidoonka iyo ka fikirka xikmadaha. Su’aasha nebiga ﷺ ee xadiiska ku jirta, waxa ay xambaarsan yihiin; u tilmaamidda hadaf muhiim ah, oo Muslimka laga rabo inuu gaaro, waxa uuna tusayaa; dariiqa loo maro si hadafkaas loo helo, waa jacaylka bulshada dhexdeeda. Sidaa darteed, waxa uuna adeegsaday ficil muujinaya is kaashi iyo jacayl, isla markaana, waxa uu caddeeyay in salaanta oo la faafiyaa ay tahay dariiqa lagu gaaro jacaylka.
Su’aasha uu Rasuulku ﷺ weydiiyay waxa uu uga gol lahaa; in uu kiciyo maskaxda iyo qalbiga qofka wax baranaya, si uu mar kasta ugu baraarugsanaado raadinta wanaagga iyo sida lagu gaari karo.
Nebigu ﷺ waxa uu u dejiyay salaanta ay Muslimiintu isi salaamayaan; edaab iyo hab dhaqan nidaam leh. Tusaale ahaan: haddii uu la kulmo qof saaran gaadiid mid lugaynaya, kan gaadiidka saaran ayaa salaanta billaabaya; haddii uu la kulmo qof soconaya mid fadhiya, kan soconaya ayaa salaanta billaabaya. Sidoo kale, qofka kali ah waxa uu salaanta ku bilaabayaa kooxda, midka yar waxa uu salaamayaa midka ka weyn. Tani waxa ay muujinaysaa dhowr dhaqanwanaag oo ay ka mid tahay: ixtiraamka qofka keliya ah, ixtiraamka dadka badan iyo ixtiraamka dadka waaweyn.
Abuu Hurayra laga weriyay in uu Rasuulku ﷺ yiri: “midka gaadiidka saarani ha salaamo kan lugaynaya, kan lugaynaya ha salaamo kan fadhiya, kooxda yarna ha salaanto kooxda badan”. (Saxiix al-Bukhaari) Sidoo kale, waxa uu nebigu ﷺ yiri: “kan yar ha salaamo mid weyn, midka socdana ha salaamo kan fadhiya, kooxda yarna ha salaamto kuwa badan”. (Saxiix al-Bukhaari). Sidaas darteed, ma arkeysid dad is ag mara iyaga oo aan is salaamin ama mid walba uu sugayo in kan kale salaanta billaabo, taas oo keeni karta in jidka laysla maro iyadoo aan la isi salaamin. 
Waxaa kaloo laga weriyay Abuu Ayuub al-Ansaari in uu Rasuulku ﷺ yiri: “Uma banaana qofka in uu walaalkiis ka haajiro (hadalka ka goosto) wax ka badan saddex habeen; iyaga oo kulmaya, midba midka kale uu ka jeedsanayo, waxaana kheyr badan helaya midka salaanta billaaba”. (Saxiix al-Bukhaari)
Marka salaantu ma aha oo keliya salaan caadi ah, ee sidoo kale waa bilowga is afgaradka, is cafinta iyo ka tagidda nacaybka. Tani waa sawir nolosha ku ilaalinaya naxariista, wadajirka iyo iskaashiga bulshada.
 
Lasoco qaybta 2aad
WQ: Dr Cali Jumcah
WT: Cabdimaalik Saciid
		
		
			


