Midda koowaad: Haddii laguugu imtixaanay Jeclaanshaha Nafta waxa ay dooneyso Ama Ay Naftaadu ku hoggaamiso;
• Xalka: Dib u eeg xisaabtaada salaadda.
• Caddeynta: Alle wuxuu yiri, “Markaa kadib iyaga waxaa bedelay jiil aan wanaagsaneyn oo dayacay salaadda oo raacay hawada nafta.””ﻓﺨﻠﻒ ﻣﻦ ﺑﻌﺪﻫﻢ ﺧﻠﻒ ﺃﺿﺎﻋﻮﺍ ﺍﻟﺼﻼﺓ ﻭﺍﺗﺒﻌﻮﺍ ﺍﻟﺸﻬﻮﺍﺕ
Midda labaad: Haddii aad dareento murug iyo guuldarro.
• Xalka: Dib u eeg Xiriirka aad la leedahay Hooyada Ama Aabahaa
• Caddeynta: Alle wuxuu yiri, “Alle waxa uu ii dardaarmay in aan Hooyadeey u sama-fal, Mana i ahaysiinin ku kibir badan oo Caasi ah.”
“ﻭﺑﺮﺍً ﺑﻮﺍﻟﺪﺗﻰ ﻭﻟﻢ ﻳﺠﻌﻠﻨﻲ ﺟﺒﺎﺭﺍ ﺷﻘﻴﺎً”
Midda saddexaad: Haddii aad dareento niyadjab iyo cidhiidhi.
• Xalka: Dib u eeg xisaabtaada Qur’aanka.
• Caddeynta: Alle wuxuu yiri, “Ruuxii ka jeesta Xuskeyga, waxaa u sugnaaday nolol cidhiidhi ah.”
” ﻭﻣﻦ ﺃﻋﺮﺽ ﻋﻦﺫﻛﺮﻱ ﻓﺈﻥ ﻟﻪ ﻣﻌﻴﺸﺔً ﺿﻨﻜﺎ”

