NABAD WAARTA OO KU DHANSAN CADDAALAD IYO ASTUR. (2)

Waxa uu weriyey Abuu Hurayra, Alle haka raalli noqdee, in uu yiri Rasuulku ﷺ: “ha is xasdina, ha is khiyaano-suuqaynina, ha is nicina, hana is dib-jeedinina, midkiinna yuusan ku dul iibin badecada walaalkiisa “suuqa la jooga”, noqda addoomo Alle oo walaalo ah. Muslimku waa walaalka muslimka kale,, ma dulmiyo, ma dhagro, mana yaso. Taqwadu (cabsida Alle) waa halkan, waxa uu tilmaamay laabtiisa saddex jeer, xumaan waxaa qofka ugu filan, in uu yaso walaalkiisa muslimka ah. Dhammaan muslimka waxaa laga xarrimay muslimka kale dhiiggiisa, maalkiisa, iyo sharaftiisa”. (Saxiix Muslim).

Sidaas dartee, Rasuulku ﷺ waxa uu ku bixinayaa dardaaranno guud oo dhameystiran, korna u qaadaya jacaylka iyo nabadda muslimiinta dhexdooda ah, si ay u xoogeysato midnimadooda una adkaato. Eraygiisa ah “ha is dib jeedinina” waxa uu ka dhigan yahay: ha kala tagina, ha ka jeedinnin walaalkaaga wajigaaga si xumaan iyo nacayb ah. Waxaana laga fahmayaa in laga reebayo muslimka in uu ka dhega xirto walaalkiis, oo uusan siin fursad uu ku cabbiro waxa ka dhex guuxaya, waayo dibjeesigu; waa ixtiraam-darro aad ku samaynayso qofka. U dibjeedintu waxa ay keentaa, in labada dhinacba aysan gaarin xal nabadeed oo suurtogalinaya in ay ku wada socdaan, taas oo horseedi karta, in la adeegsado xeelado xun ama rabshado si ay isu muujiyaan labada dhinac.

Waxaa laga weriyey Cabdullaahi bin Cumar Alle ha ka raalli noqdee in Rasuulka Alle ﷺ uu yiri: “Muslimku waa walaalka muslimka kale. ma dulmiyo, mana dayaco, qofkii u gargaara walaalkiis, Alle ayaa gargaari doona, qofkii ka fayda muslimka dhib, Alle ayaa ka faydidoona dhib ka mid ah dhibaatooyinka maalinta Qiyaame. Qofkii astura muslim, Alle ayaa asturi doona Maalinta Qiyaame”. Xadiiskan, waxa uu xoogga saaraya muhiimadda ay ka qaybqaadashada baahiyaha dadka kale iyo u gurmashada leedahay, si aasaas loogu dhigo nabadda bulshada muslimiinka ah. Muslimku ma dulmiyo walaalkiis, mana dayaco oo kuma eegto cadowga. Rasuulku, waxa uu kugu dhiirrigelinayaa in walaalkaaga aad u istaago, u gargaaro, dabooshana ceebihiisa, adigoo ku bishaaraynaya in qofkii sidaas u sameeya walaalkiis, uu Alle isaga a garab istaagi doono adduun iyo aakhiro, isaga oo leh awood aan xad lahayn.

Sidoo kale, Abuu Daawuud waxa uu soo saaray xadiis kale, oo muhiim ah, dadka oo dhanna baraaya isu imaansho iyo is walaalaysi, si nabadda loo sugo. Cabdullaahi ibnu Cumar waxaa laga weriyay: Rasuulkii Alle ﷺ in uu yiri: “Qofkii Alle magangalo, magangaliya; qofkii Alle wax idinku waydiisto, siiya; qofkii idiin yeera, ka jawaaba; qofkii idin wanaajiyo, u abaalguda; haddii aydan helin wax aad ku abaal-guddaanna u duceeya, ilaa aad u maleysaan in aad abaalgudkiisii guddeen”.

Halkaan, Rasuulku ﷺ waxa uu adeegsaday eray guud “qofkii” si uu hadalka u kulmiyo dhammaan bulshada, iyadoon loo eegayn caqiidadooda. Waxaa halkaas laga fahmayaa mabda’a ah: in la magangelyo kii dalbada, la siiyo wax uu waydiistay, la aqbalo casuumaddiisa, laga abaalgudo wixii wanaag ah, xitaa haddii aan la heyn wax kale oo lagu abaalgudo, ugu yaraan waa in lagu abaalgudaa duco. Rasuulku ﷺ waxa uu halkaas ku muujinayaa, heerar kala duwan oo lagu faafinayo nabadda: marka hore, in aad dadka ka dhowrto dhibka, marka xigana, in aad u horseeddo wanaag iyo khayr bulshada. Labaduna waa nabadayn.

Dhamaad

WQ: Dr Cali Jumcah
WT: Cabdimaalik saciid

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top