NABAD WAARTA OO KU DHANSAN CADDAALAD IYO ASTUR. (1)

Diinta Islaamka waxa ay si weyn u danaynaysaa nabadda bulshada, iyadoo ka dhigaysa mid ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan diinta iyo tiirarka shareecada toosan, maadaama ay si dhow ula xiriirto danta guud ee ummadda Islaamka iyo masaalixda dadka. Mid ka mid ah tiirarka ugu horreeya uguna muhiimsan nabadda bulshada waa: In laga fogaado dulmiga iyo ku xadgudubka dadka kale. Alle SWT waxa uu yiri: (Alle ma jecla kuwa dulmiga badan) [Aal-Cimraan: 57], waxa uu kaloo yiri: (Alle ma hanuuniyo qoomka dulmi sameeyayaasha ah) [Al-Maa’ida: 51], Sidoo kale waxa uu yiri: (Ha ku xadgudbina, Ilaah ma jecla kuwa ku xadgudba) [Al-Maa’ida: 87].

Rasuulka ﷺ waxaa laga weriyey axaadiis badan oo muslimiinta
ka caawinaya dhisidda nabadda bulshada, ilaalinteeda iyo ka fogaanshaha dulmiga iyo xadgudubka. Jaabir ibnu Cabdillaah waxa uu weriyay in Rasuulku ﷺ yiri: “Ka digtoonaada dulmiga, maxaa yeelay dulmigu waa mugdiyaal maalinta Qiyaame, kana digtoonaada bakhaylnimada, waayo bakhaylnimadu waxa ay halaagtay kuwii idinka horreeyey, waxa ay ku keentay in ay dhiig daadiyaan oo ay baneystaan waxyaabaha ka xarriman”. (Waxaa saxiixiisa ku soo saaray Al-Muslim). Xadiiskan waxa uu u dhigayaa muslimka manhaj (hannaanka) tarbiyeysan oo ku dhisan ka fogaanshaha dulmiga iyo bakhaylnimada, waxa uuna iftiiminayaa cawaaqibkooda adduunka iyo aakhiro. Adduunkan waxaa yaalla dhiig daadin, xarrimanayaal la xalaashaday iyo amni darro bulshada dhexdeeda ah; aakhirana waxaa yaalla cadaab iyo mugdi. Islaamkuna kaliya waxa uu hirgalaa marka caddaalad ay taallo dadka dhexdooda iyo naftooda. Islaamkuna waxa uu kaliya jirayaa marka la helo iscafis, deeqsinimo iyo u saldhigidda mabaadi’da nabadda bulshada.

Rasuulka ﷺ waxa kaloo ina barayaa; tiir kale lagu gaaro nabadda bulshada, waana: “In aan la daba socon ceebaha dadka kale”. Waxa uu weriyey Ibnu Cumar: Rasuulku ﷺ waxa uu fuulay minbarka, isaga oo cod dheer ku dhawaaqaya waxa uuna yiri: “kuwa Islaamka afka baarkiisa uu yahay, ee iimaanku uusan galin qalbigoodow, ha dhibina muslimiinta, ha ceebeynina, hana daba soconnina ceebahooda, waayo cidda daba socota ceebaha walaalkiis muslimka ah, Ilaah ayaa daba soconaya ceebtiisa, cidda Ilaah daba socdana wuu fadeexadeynayaa xitaa haddii uu gurigiisa dhexdiisa ku dhuumato”. (Waxaa soo weriyey Tirmidi). Waxaas oo dhan waxa ay raacayaan aayadda Alle uu ku leeyahay: (Ha is basaasinina) [Al-Xujuraat: 12].

Nabadda kuma hirgasho bulsho dhexdeeda, haddii aan laga tegin dulmi, gardarro iyo dhibta. Waxaana xusid mudan in Rasuulku ﷺ adeegsaday cod sare si uu u saameeyo dhegeystayaasha hadalkiisu, waxa uuna xambaarsanaa digniin iyo cabsi gelin si loo tuso halista weyn ee dambigan.

Lasoco qaybta xigta

WQ: Dr Cali Jumcah
WT: Cabdimaalik saciid

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top