Waxaa qoray Ayuub Xaaji Axmed
————โ——————
๐๐จ๐ฐ๐ช๐ข๐๐ค๐ ๐๐๐ง๐ข๐ข’๐๐๐๐๐ฆ๐ค๐ ๐ฆ๐๐ซ๐ค๐ ๐ฎ๐ฎ ๐ ๐จ’๐๐จ๐จ๐ง๐ฌ๐๐ง ๐ฒ๐๐ก๐๐ฒ.
Mowqifka banii’aadamka marka uu go’doonsan yahay wuxuu noqon karaa mid maaddi ah – sida uu yahay dhaqanka reer Galbeedka ama mid fikradeed sida uu yahay dhaqanka Islaamka.
Muslimka waxaa laga doonayaa inuu qaado hal fikrad oo saldhig u ah noloshiisa: Jacaylka wanaagga iyo nacaybka sharka.
Marka uu qofku gooni isu taago, oo kalinimo ku jiro, wuxuu dareemaa bannaani weyn oo koonka ah. Laakiin sida uu bannaanidaas u buuxiyo ayaa ah midda go’aamisa nooca dhaqankiisa iyo ilbaxnimadiisa,
tusaale ahaan:
astaamihiisa gudaha iyo dibadda iyo doorka taariikhd ee uu bulshada kaga jiro.
Habka Koowaad: Qofka wuxuu eega agagaarkiisa hoose ama waxa ku hareeraysan. Wuxuu ku dadaalaa in uu helo, hantiyo, la xariiro waxyaabaha maaddiga ah. Indhihiisa wuxuu u adeegsadaa sidii uu wax u arki lahaa una hantiyi lahaa. Habkan wuxuu dhalinayaa dhaqan ku saleysan tignoolajiyad iyo xukun, kaasoo xoogga saara horumar maaddi ah iyo awoodda lagu maamulo nolosha.
Habka Labaad: Qofka wuxuu eegaa Samada kaddibna wuxuu ku fikiraa Sancada makhluuqaadka Eebe, wuxuu suโaal ka keenaa waxa ka sareeya jiritaanka muuqda. Wuxuu raad raacayaa xaqiiqda, iimaanka, iyo akhlaaqda. Habkan wuxuu dhalinayaa dhaqan ku saleysan ilbaxnimo iyo iimaan.
—
Fikradaha Islaamka iyo Midda Reer Galbeedka
Dhaqanka reer galbeedku wuxuu doorbiday habka koowaad, wuxuuna xoogga saaray wax soo saar, tignoolajiyad, iyo muuqaal qurux badan. Halka dhaqanka Islaamku uu xoogga saaray midda labaadโtaas oo ah xoojinta akhlaaqda, aaminaadda Gaybka ( wax aan wali dhicin), iyo in la raadiyo xaqiiqda nolosha.
Muslimka waxaa lagu waajibiyey in uu qaato hal aragti: jacaylka wanaagga iyo nacaybka xumaanta. Sida uu Qurโaanku leeyahay:
“Waxaad tihiin ummad tan ugu khayr badan taas oo looso daahiriyay dadka; waxaad faraysaan wanaagga, waxaad reebaysaan xumaanta, waadna rumaysan tihiin Ilaahay.”
(Aal Cimraan 3:110)
Gabagabo
Goโdoonka qofku ma aha kaliya xaalad nafsi ah, balse waa fure muhim u ah fahamka ilbaxnimooyinka. Sida uu qofku uga jawaabo dareenka bannaanida ayaa si toos ah u saameeya dhaqankiisa, fikirkiisa, iyo doorka uu ku leeyahay taariikhda aadanaha.
๐๐จ๐จ๐ฅ๐๐ง๐ค๐ ugu horreeya
Kuma ayaan ahay? Yaan ku aftirsanaaya ( Ma qiyam diineed baan u nisba sheegtaa mise Cunsur (Bulsho/Dal/qabiil) ayaan u nisbad sheegtaa?
Waa su’aasha go’aaminaysaa masiirkaaga qofeed iyo sida aad ugu guulaysan karto dunidaan uu loollanka hareereeyay.
Qofka dhallinyarada ah haddii uu garto qofka uu yahay waxaa u fududaanaysa in uu garto waxa uu halkaan u joogo, sababta loo abuuray taasna waxay ka caawinaysaa in uu waqtigiisa ilaaliyo.
Haddii aad ku aftirsato diin, waxyi, Samo, malaa’ig, ambiyo, xalaal, xaaraan , Karaahi, baadil waa waxa micnaha u samaynaaya nolosha, halka reee galbeedku marka ay ubadkooda baraayaan waxa la yiraahdo (Identitiy) ama aftirsiimada ay ku barbaariyaan ubadkooda, “waxa aan nahay Cunsur ama bulsho ku aftirsata luuqad sida ( Faransiis, Taliyaani IWM.)”
Tusaale haddii aad maanta la kulanto qof dhallinyara ah ee faransiis ah oo aad waydiiso kuma ayaad tahay, jawaabta ugu horreysa ee uu kusiinaayo ma aha mid diin ku qotonta sida “waxaan ahay islaam, Kirishtan IWM balse waa jawaab ku qotonta cunsur ama Bulsho, jawaabtiis ugu horraysaa waa : waxaan ahay muwaadin faransiis ah.
Ka muslim ahaan, adiga ayaa iska leh doorashada, in aad tiraahdo ” Waxaan ahay addoon ilaaheey” ุงูู ุนุจุฏุงููู” ama in aad noqotid ุ ุนุจุฏุงูููุ ูุนุจุฏ ุงููุทูุ ูุนุจุฏ ุงููุจููุฉ ุงูุฎ.
Aniguse waxaan ku leehay ูููู ุงูููููู ุฃูุนูุจูุฏู ู ูุฎูููุตูุงูููู ุฏููููู
“Dheh, waxaan Caabudaaya Alle, aniga oo u kali yeelaaaya cibaadadiisa”
Wax qurux badan maaha in addoonimadu kugu fara badato.
Nebi muxamad NNKH waxa uu yiri “
“ุชุนุณ ุนุจุฏ ุงูุฏููุงุฑุ ูุนุจุฏ ุงูุฏุฑูู ุ ููุนูุจูุฏู ุงูุญูุตุฉุ ุฅู ุฃุบุทู ุฑูุถููุ ููุฅููู ููู ู ููุนูุทู ุฎุทุ ุชุนุณ ูุงุชูุณุ ูุฅุฐุง ุดูู ููุง ุงูุดุ ุทููู ููุนูุจูุฏู ุขุฎุฐ ุจูุนูููุงูู ููุฑูุณููู ูู ุณุจูู ุงูููุ ุฃุดุนุซ ุฑุฃุณูุ ู ุบุจุฑุฉ ูุฏู ุงูุ ุฅู ูุงู ูู ุงูุญุฑุงุณุฉุ ูุงู ูู ุงูุญุฑุงุณุฉุ ูุฅู ูุงู ูู ุงูุดุงูุฉ ูุงู ูู ุงูุดุงูุฉุ ุฅู ุงุณูุชูุฃูุฏูููู ููู ู ููุคูุฏูู ูููุ ูุฅู ุดูุน ูุง ูุดูุน”
Qaybta hore ee xadiiska waxay dhaleeceyneysaa dadka adduunka ku jeclaaday maal iyo raaxo, noloshoodana u hurey wax la taaban karo.
Qaybta dambe waxay ammaaneeysava addoonka Alle u hibeeyey naftiisa – ka aan muuqaal iyo sharaf ka helin bulshada, balse llaahay agtiisa ku fadhiya darajo sare sababtoo ah daacadnimadiisa, tawfiiqdiisa, iyo u adeegidda diinta si kalsooni ah.
