Qormadii 2aad.
Kolkii Cali uu seexday gogoshii nebiga N.N.K.H, waxaa u yimid raggii ay dirsadeen Quraysh, iyaga oo goobaya nebiga n.n.k.h. balse iyaga oo aan arkayn ayuu Ka baxay albaabka waliba iyaga oo taagan, madaxyadooda ayuu carreeyay isaga oo akhrinaya:
﴿وَجَعَلْنَا مِن بَيْنِ أَيْدِيهِمْ سَدًّا وَمِنْ خَلْفِهِمْ سَدًّا فَأَغْشَيْنَاهُمْ فَهُمْ لَا يُبْصِرُونَ﴾.
Waxaa aan horay iyo gadaal Ka yeelnay teed, sidee kale waxa aan daboolnay araggoda.
Markuu dillaacay waagu, waxa ay arkeen booskii nebiga oo uu jiiftay xalay Cali, waa ay yaabeen, waxa ayna Ku yiraahdeen; Cali aaway saaxiibkaa? Waxa uuna ugu jawaabay ma arag. Waxaa soo dagtay:
﴿ وَإِذْ يَمْكُرُ بِكَ الَّذِينَ كَفَرُوا لِيُثْبِتُوكَ أَوْ يَقْتُلُوكَ أَوْ يُخْرِجُوكَ ۚ وَيَمْكُرُونَ وَيَمْكُرُ اللَّهُ ۖ وَاللَّهُ خَيْرُ الْمَاكِرِينَ﴾.
Waxa aad xasuusataa rasuul Allow, xilli ay Ku dhagrayeen gaaladii Makah, si ay kuu celiyaan ama ay kuu dilaan amaba ay kuu bixiyaan, waxa ay ahaayeen kuwa dabin kuu maleegaya, Alle ayaasa Ka abaal marindoona, mid abaal mariyana waa kan ugu wanaagsan.
Nebiga N.N.K.H waxa uu Cali faray in uu bixiyo amaanooyinkii uu hayay, illeen Quraysh waxa ay ahaanyeen Kuwa U dhiibta amaanada, iyaga oo haddana leh; waa beenaale. Cali waxa uu ahaa mid gacanyare U ah Nebiga Nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaadeene, xillina muusan Ka agtagi jirin suubanaha. 
Intaas kadib nabiga waxa uu u yimid Abuubakar, Isaga oo diyaariyay wixii ay ku safri lahaayeen, isla markiiba waa ay dhaqaajiyeen, Abuubakar waxa uu soo qaaday dhammaan hantidiisii, waxa ay u jiheysteen gaarusowr, (غار الثور ) , waa god ku yaalla buur Mako u jirta wax aan badnayn, waxa ayna joogeen muddo sadex maalin ah, Abuubakar wiilkiisa Cabdullaahi oo ogaa halka ay joogaa ayuu ku yiri inoo soo ogow waxa ay dadku sheegayaan. Inta ay Ku jireen godka, waxaa U keenaysay cunnada Abuubakar gabadhiisa Asmaa, waxaa xilligaa dhacay dhacdooyin badan oo la yaab leh, ugu dambaynsa waxa ay nabiga iyo saaxiibkii u hayaameen magaalada Yasrib.
Kolkii ay gaareen Yasrib (يثرب) waxaa Lagu soo dhaweeyay gacmo furan, quluub xaaran iyo lulidda caleemo cagaaran, oo bixinaya farriin U dhacaysa sidan: Rasuulki Allow kusoo dhawoow meel lagaa jecelyahay, laguugu sugayay iyo kuwii garabka kuu noqon lahaa baddalka Quraysh, waxa ayna qaadayeen:
طَلَعَ ٱلْبَدْرُ عَلَيْنَا
          مِنْ ثَنِيَّاتِ ٱلْوَدَاع
وَجَبَ ٱلشُكْرُ عَلَيْنَا
              مَا دَعَا لِلّٰهِ دَاعَ
أَيُّهَا ٱلْمَبْعُوثَ فِينَا
      جِئْتَ بِالْأَمْرِ ٱلْمُطَاع
جِئْتَ شَرَّفْتَ ٱلْمَدِينَة
         مَرْحَبًا يَا خَيْرَ دَاع.
Soo dhawayn kadib, Yasrib oo qaadatay magaca (Magaaladii nebiga) Nabad iyo naxariis korkiisa ha ahaadeene, ayuu suubbanuhu Ka yagleelay dowladdii Islaamka, ee kala gaartay dhammaan daafaha caalamka, sidoo kale reer Madiino waxa ay iyaguna qaateen (أنصار رسول الله) gargaarayaashii Rasuulka, ugu dambbaynna nebigu waxa uu asxaabtii ku go’doon sanayd Makah U idmay in ay ka soo tagaan, iyaguna waxa ay qaateen (مهاجرين), hijradiina halkaa ayay ku soo idlaatay, waxaan taagmay calankii Islaamka.
Dhamaad.
Tixraaca labada qormo.
١- سورة- يس.
٢- سورة الأنفال.
٣- سيرة النبوية لابن هشام.
٤- طبقات الكبرى لابن سعد البغدادي.
٥- أنوار المحمدية من مواهب اللذنية، يوسف النبهاني.
٦- فقه السيرة، محمد سعيد البوطي.
٧- سيرة النبوية لابن حبان.
		
		
			


