Qaar ka mid ah dadka, waxa ay doonayaan in ay hadalka Eebbe ka dhigaan mid laga doodi karo, laga dhiiban karo aragtiyo iyo fikrado iyagoo ku andacoonaya xorriyadda, mar doonaya in ay ka qaadaan xurmada iyo qadarka uu leeyahay, mar kalana sheegaya; in ay iyagu u qalmaan arrintaas oo ay karti u leeyihiin. Laakiin dhammaan arrimahaas waxa ay ka baxsan yihiin hab-raaca cilmiyaysan, iyaga oo daba-ordaya guuxa dadka iyo sawaxanka bulshada.
Adigu ma lihid awood luqadeed, si aad u fahanto (Quraanka), mana lihid saldhig iyo asaas cilmiyeed oo fahamka saxda ahi lagu gaaro. Waxa aad la timaadaa fikrado u eg mala-awaalka dadka sakhraansan; qofka sakhraansan marka uu si buuxda u sakhraamo, waxa uu arkaa waxyaabo mala-awaal ah, sida “maroodi ka soo baxaya darbi isagoo midabkiisu yahay guduud/casaan-xigeen (pink) kuna ah weerar”. Tani waxa ay u keentaa in indhihiisu guduutaan, sababo la xiriira sakhraanka, sidaas darteed, Carabtu waxa ay arrintaas ugu yeeraan “سمادير السكارى” oo macnaheedu yahay: beenhawaaska sarkhaanka ama khayaali arag.
Sidaas darteed, haddii qofku uusan haysan agabkii ka caawin lahaa fahamka saxda ah, uusanna garaneyn hab-raaca cilmiyaysan ee loo fahmo Quraanka, haddana uu rabo in uu Eebbe ku murmo isagoo aan lahayn aqoon, haysan hanuun iyo kitaab haga, wajigiisana dadbaya kibir awgiis, xaaladdiisu waxa ay ka dhigan tahay kii ay Carabtu ku tilmaameen “سمادير السكارى” beenhawaaska sakhraanka ama khayaali arag.
WQ: Dr. Cali Jumcah
WT: Cabdimaalik Saciid


