𝗪𝗮𝗮 M𝗮𝘅𝗮𝘆 N𝗼𝗼𝗰𝘆𝗮𝗱𝗮 u𝗴𝘂 W𝗮𝗮𝘄𝗲𝘆𝗻 𝗲𝗲 T𝗮𝗸𝗼𝗼𝗿𝗸𝗮?

Jaadadka takoorka waxaa ugu waaweyn afar nooc oo kala ah:

1. 𝗧𝗮𝗸𝗼𝗼𝗿𝗸𝗮 𝘁𝗼𝗼𝘀𝗸𝗮 𝗮𝗵: Takooridda tooska ah waxay dhacdaa marka qofka loola dhaqmo si ka hooseysa qiyamkiisa iyo mudnaantiisa.

2. 𝗧𝗮𝗸𝗼𝗼𝗿 𝗱𝗮𝗱𝗯𝗮𝗻: waa in qofka marwalba loo muujiyo hab dhaqan aan habboonayn oo ay ka muuqato soocid.

3. 𝗛𝗮𝗴𝗮𝗿𝗱𝗮𝗮𝗺𝗼: waxa ay noqon kartaa in marwalba lagu sameeyo hab dhaqan qofka hoos u dhigi kara.

4. 𝗗𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝘁𝗮𝘆𝗻: waa marka qofka loola dhaqmo si aan wanaagsanayn taas oo ay sabab u tahay ku lug lahaanshaha takoorka. Siyaabaha qofka loo dhibaatayn karo waxaa ka mid ah: in lagu tilmaamo in uu yahay dhib-abuure, marwalbana aan loo oggolaan in uu wax ka qabto hawlaha bulshada.

𝗦𝗶𝗱𝗲𝗲 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗵𝗼𝗿𝘁𝗮𝗴𝗶 𝗸𝗮𝗿𝗮𝗮 𝗧𝗮𝗸𝗼𝗼𝗿𝗸𝗮?

Faquuqa waxa uu kamid yahay hab dhaqanada aan habboonayn ee ka dhex jira bulshada, siyaabaha ugu wanaagsan ee looga hortagi karo waxaa kamid ah in lagu baraarugo iswehelsashada, iswalaaleysiga, iscaawinta iyo isgarabjoogga wakhtiyada adag.

Marnaba qof ha dareensiinin in uu liito taas cagsigeeda ka dhigo rafiiqaaga, soo dhawey oo dareensii in uu idinka dhaxeeyo dareen walaalnimo.

Qeybta 2aad

Qore: Cabdi Yuusuf

Tixraac: Google (Wikipedia)

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top