Hijradii nebiga Nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.

Qormadii 1aad.

Muslimiinta qaybo badan oo Ka mid ah, waxa ay u dabbaal-dagaan maalmahaan oo kale, si ay U xasuustaan hijradii nebiga n.n.k.h. iyo yagleelidda dawladdii Islaamka, ee uu dhidibada U taagay suubanuhu nabad iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.

Bal aan dib u laabanno Hijrada Ka hor.

Islaamku waxa uu ahaa mid Ku fidaya si qarsoodi ah, walow ay jireen dhibaatooyin Fara badan oo muslimiinta lagu haayay, Quraysh waxa ay ahayd mid gumaadda, boobta xil iyo xoolo waxa uu haysto qofkii ay ku maqlaan in uu galay diinka Islaamka. Xilligaas muslimiinta waxa ay ahaayeen kuwo lagu dulmi falo, taagtooduna ay tahay mid aan buurnayn, markasta waxa ay Ku kaftami jireen Quraysh dhibaatayntooda iyo xayiraadda ay Ku hayaan, illaa ay si foolxun U dilaan dhowr qofood oo ka mid ahaa dadkii raacay nebiga n.n.k.h.

Waxa ay damceen marar badan in ay dilaan nebiga, balse waxaa Ka hortaagnaa adeerkii Abuudaalib, oo u ahaa gaashaan iyo buur adag oo Ku teedan nebiga, taas oo aysan Quraysh Ka soo gudbi Karin. In kastoo ay Ku isku dayeen Quraysh in ay nebiga Nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaadaane, Ka hor joogsadaan dacwada, ma ahayn mid dhag jalaq u siiya, mana ahayn mid Ka hawajaba dacwada fidinteeda.

Kolkii uu arkay suubanuhu culayska taagan, ayuu ugu duceeyay labo Cumar mid kamida ah in uu Alle Ku xoojiyo diinkiisa, abshire durbadiiba waxaa islaamay Cumar ibnu Khadaab, farxad iyo raynrayn Ka dib Cumar waxa uu bannaanka keenay dacwadii lala gambanayay muddada dheer. Balse dhibkii intaa Kuma hakan, waxaa billowday xilligii mugdiga oo waxaa geeriyooday muddo Ka dib Abuudaalib nebiga adeerkii, waxaana halkaa Ku burburay darbigii adkaa ee Kala dhexyaallay Quraysh iyo nebiga Nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaadeene.

Ka dib markii uu u dulqaadan waayay nebiga N.N.K.H culayskan xadka dhaafay, waxa uu miciin biday reer Saqiif oo deggana Daa-if bal in ay U gargaaraan, kuna sharafoobaan u adeegidda diinta Alle, balse waa kuwaa ku gacan sayray, iyaga oo kula kacaya fal aan habboonayn, waa ay ka soo saareen Daa-if. Nebiga waxaa safarkaa Kula lamaanna Sayd ibnu Xaarisata, isaga oo dhabannada haysta ayuu ku yiri: Rasuulki Allow sideen ugu laabanaynaa iga oo inoosoo dhibaateyay reer Quraysh? Nebiga N.N.K.H waxa uu Ku yiri: Alle waa mid aqbalkiisu uu yahay dagdag, Isaga ayaana kaalmo inoo fidinaya, halkaan waxaa Ka dhacay arrimo badan oo lala yaabo, ugu dambeynsa waxa uu u labtay nebiga Makah.

Marba marka Ka dambeysa dhibku waa uu sii siyaadaya, balse goortii ay ogaadeen Quraysh in saxaabadu Ka baxayaan Makah, ayay Ka baqeen in nebigu la boxo, waxa ay ku heshiiyeen in ay iska soo saarto laf kasta oo Quraysh ka mid ah nin xoog leh, yaqaanana sida loogu dagaallamo seefta, si ay u dilaan rasuulka, eedduna aysan ugu habsan hal laf oo kaliya, balse Alle Wayne ayaa Jibriil ugu faray nebiga habeenkaas in uusan seexan gogoshii uu caanka ku ahaa nebiga Nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaadeene, Cali oo ahaa wiil yar ayuu nebigu faray in uu seexdo booskiisa, waxa uuna hugiyay go’iisii, isla markaana waxa uu isku diyaariyay suubanuhu in uu galo hijradiisii.

Lasoco qaybta xigta.

W\Q: Cabdimalikย Saciid.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top