Isbaddal — guubaabin

“Isbaddalka waxa uu ka bilowdaa caadooyin yaryar oo u janjeedha jihada aad dooneysid in ay noloshaada u kacdo.”

Billowga waa tallaabada koowaad!

Isbaddalka nolosha ma yimaado hal mar sidoo kale laguma helo si lama filaan ah balse waxa uu ka bilowdaa go’aan yar oo aad qaadatay ama ficil fudud oo aad maanta samaysay. Waxa ugu weyn ee ay dad badan ku lumeen waa in ay sugayaan waqti ku habboon ama fursad weyn si ay noloshooda u beddelaan.

Xaqiiqda dhabta ahi waa in hormarka uu ku bilowdo caadooyin yar yar, sida in aad toosto goor hore, in aad wax akhrido 10 daqiiqo maalin kasta, ama aad wax qorto.

Caadooyinka yaryar waxa ay keenaan saameyn weyn!

Caado kasta oo yar hadana wanaagsan waxa ay noloshaada u jiheyn kartaa dhanka aad rabto. Tusaale ahaan, haddii aad rabto in aad noqoto qof caafimaad qaba, bilaabidda socod 15 daqiiqo ah maalinkasta waxay noqon kartaa furaha isbaddalkaaga. Haddii aad rabto horumar maskaxeed, akhrinta maalin kasta xitaa hal bog oo buug ah ayaa kaa dhigi karta qof wax badan fahmsan.

Saaxiib haddii aad rabto natiijo cusub, samee wax cusub. Ha noqon saaxiib mid quusta ee noqo mid wax qorsheeya oo hadaf leh. Ha u oggolaan khaladaadkaagii hore inay kuu noqdaan silsilado ku xakameeya balse u isticmaal inay noqdaan saldhig aad ka maamusho guulahaaga.

_____

Abdi Yusuf Abdi

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top