Waxaan arkay inta aan ku guda jiray tababarradayda iyo safarradeyda dalalka kala duwan, in dadka ay u qaybsamaan lix nooc:

W/Q: Dr. Ibraahin Al-fiqhi.

Waxaa Tarjumay: Ayuub Xaaji Axmed

๐Š๐š๐ง ๐Š๐จ๐จ๐ฐ๐š๐š๐.

Nooc nolosha ku noolaada oo aan garanayn waxa uu doonayo, mana yaqaan yoolasha uu gaari karo. Yoolkiisu waa in uu helo cunto iyo cabitaan ku filan . Laakiin haddana marna kama daalo cabashada duruufaha nololeed ee adag.

๐Š๐š๐ง ๐‹๐š๐›๐š๐š๐.

Nooc garanaya waxa uu doonayo, laakiin ma garanayo sida uu u gaadho, wuxuuna sugayaa qof u tilmaama oo gacanta ka qabta, noocan dadka ka midka ah ayaa ka dhib badan nooca koowaad.

๐Š๐š๐ง ๐’๐š๐๐๐ž๐ฑ๐š๐š๐.

Nooc garanaya yoolkiisa iyo sida uu u gaari karo, laakiin ma aaminsana awoodiisa, wuxuuna bilaabaa tallaabooyin uu ku gaaro hadaf ama wax, laakiin ma dhammaystiro. wuxuu iibsadaa buug laakiin ma akhriyo … sidaas ayuuna marwalba iska ahaadaa, ma billaabo tallaabooyinka guusha, haddii uu bilaabo wuu joojiyaa. Noocan ayaa ka dhib badan labada nooc ee hore.

๐Š๐š๐ง ๐€๐Ÿfa๐ซ๐š๐š๐.

Wuxuu garanayaa waxa uu doonayo, wuxuuna garanayaa sida uu u gaadho, wuxuuna ku kalsoon yahay awoodiisa, laakiin waxaa saameyn ku yeeshaa dadka kale, markasta oo uu wax qabsado wuxuu maqlaa cid u sheegta โ€œHanaankan faa’iido ma leh leh, waxaad u baahan tahay inaad waxan si kale u sameyso, oo aad habkale tijaabisoโ€.

๐Š๐š๐ง ๐’๐ก๐š๐ง๐š๐š๐.

Nooc garanaya waxa uu doonayo, wuxuu garanayaa sida uu u gaadho, wuxuuna ku kalsoon yahay awoodiisa, saamaynna kuma yeeshaan fikradaha dadka kale marka laga reebo kuwa wanaagsan, wuxuuna gaaraa guul dhaqaale iyo mid shaqo. Laakiin marka uu guul gaaro wuxuu dareemaa caajis, wuxuuna iska dayacaa fikirka, hal-abuurka iyo sii wadista guusha…

๐Š๐š๐ง ๐‹๐ข๐ฑ๐š๐š๐.

Noocan wuxuu garanayaa yoolkiisa, wuxuu garanayaa sida uu u gaadho, wuxuuna ku kalsoon yahay hibada iyo awoodaha uu Ilaahay (SW)siiyay,

wuxuu maqlaa fikradaha kala duwan, wuuna ka faa’iidaystaa, wuxuuna awoodaa inuu ka adkaado caqabadaha iyo dhibaatooyinka, marka uu dadaal kasta sameeyo, wuxuuna qaataa sababaha oo dhan isagoo ku kalsoon Ilaahay, wuxuuna gaaraa guul midba midka kale ka dambeyso, wuxuuna sii wataa dadaalkiisa ilaa uu ka gaaro guusha.

๐ฌ๐ข๐๐š ๐ฎ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ซ๐ข ๐ ๐š๐›๐ฒ๐š๐š๐ ๐š:

–Inkastoo aan ahay kan ugu dambeeya xilligiisa—- Waxaan keenayaa wixii kuwii hore awoodi waayeen.

–Haddii qofkeenna uu doonayo guul,——laakiin wuxuu ka soo toosaa hurdada isagoo soo daahay,

–Markasta wuxuu ka cabanayaa lumista waqtiga, ——mana garanayo sida uu waqtigiisa u habeeyo si uu uga faa’iidaysto daqiiqad kasta,

–Haddii intaas oo dhan uu doonayo guul, sidee buu ku gaari karaa ..– Wuxuu waayi doonaa sababaha guusha kadibna wuxuu eedayn doonaa nasiibka.

๐’๐ก๐š๐ง๐ญ๐š ๐ง๐จ๐จ๐œ ๐ž๐ž ๐ก๐จ๐ซ๐ž (๐ค๐š ๐ค๐จ๐จ๐ฐ๐š๐š๐ ๐ข๐ฅ๐š๐š ๐ฌ๐ก๐š๐ง๐š๐š๐) ๐ฐ๐š๐š ๐ค๐ฎ๐ฐ๐š ๐ฅ๐š ๐๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐จ๐จ ๐ฌ๐š๐›๐จ๐จ๐ฅ ๐š๐ก .. ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐œ๐š๐š๐ฃ๐ข๐ฌ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ญ๐š๐ฆ๐š๐ซ-๐๐š๐ซ๐ซ๐จ, ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐๐ฎ๐ฐ๐š๐ง๐š๐š๐ง๐ฌ๐ก๐จ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐ฌ๐จ๐จ๐ง๐ข ๐ฅ๐š’๐š๐š๐ง ๐ง๐š๐Ÿ๐ญ๐ž๐ž๐, ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐ญ๐š๐ฆ๐š๐ซ-๐๐š๐ซ๐ซ๐ข๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ก๐ข๐ฆ๐ข๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š ๐ ๐š๐š๐›๐š๐ง .. ๐Š๐š ๐๐ข๐ ๐ญ๐จ๐จ๐ง๐จ๐จ๐ฐ ๐œ๐ฎ๐๐ฎ๐ซ๐ซ๐š๐๐š๐ง.

W/Q: Dr. Ibraahin Al-fiqhi.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top