W/Q: Ayuub Xaaji Axmed
Sida Loo Helo Xiriir Jacayl oo Caafimaad Qaba, isla markaana horseed u noqda Guur Xalaal Ah
Hordhac:
Xiriirka jacayl ee caafimaadka qaba waa mid ujeeddo iyo qorsha cad leh, oo lammaanayaasha ka caawiya in ay wada gaaraan natiijo wanaagsan oo ah guur xalaal ah oo lagu dhiso qoys barwaaqo ah.
Si lammaanuhu u helaan xiriir jacayl oo caafimaad qaba, waxaa muhiim ah in labada dhinac ay isku doortaan sifooyin wanaagsan oo salka ku haya diin, akhlaaq, iyo shuruudaha muhiimka ah ee ku aaddan mustaqbalka guurka. Xiriirku waa in uu ku saleysnaadaa isku kalsooni, is-ixtiraam, iyo is-faham qotodheer.
๐. ๐๐ฌ ๐ ๐๐ก๐๐ฆ๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ ๐ข๐๐๐ ๐๐ข๐ฆ๐ข๐ฅ๐ฅ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐ ๐๐ฎ๐ฌ๐ญ๐๐ช๐๐๐ฅ๐ค๐:
Xiriir jacayl oo caafimaad qaba waxaa saldhig u ah is-faham iyo in labada dhinac ay isla eegaan yoolalkooda mustaqbalka. Waa muhiim in labada qof ee xiriirka galaya ay isla qaabeeyaan yoolalka ay nolosha ka leeyihiin, gaar ahaan kuwa ku saabsan waxbarashada, shaqada, iyo qorshaha qoyska. Marka labada dhinac ay isla oggolyihiin waxa ay mustaqbalka ka rabaan, xiriirkooda waxa uu noqonaayaa mid ku saleysan isfaham waara iyo in laโisla wadaago hiigsiga iyo himilooyinka nolosha. Tani waxa ay ka caawineysaa in mustaqbalkooda uu noqdo mid horumar leh oo aan la kulmin isqabqabsi iyo isfaham darro. Tusaale ahaan, haddii labada dhinac ay isku raacsan yihiin in marka hore la dhammaystiro waxbarashada ka hor guurka, xiriirkooda waxa uu noqonaayaa mid cad oo aan shaki ku jirin.
๐. ๐๐ฌ๐ค๐ฎ ๐๐จ๐จ๐ซ๐๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐๐ค๐ก๐ฅ๐๐๐ช๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ข๐ง๐ญ๐:
Mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee xiriir caafimaad qaba waa in labada dhinac ay ku doortaan midba midka kale diin iyo akhlaaq wanaagsan. Diintu waa asaasiga dhisidda xiriir waara oo guur xalaal ah lagu gaaro. Nabigeenna Muxammad (NNKH) wuxuu sheegay: “Haweenka waxaa lagu guursadaa afar arrimood: xoolo, qurux, sharaf iyo diinta, ee diinta hayso.” Tani waxa ay muujinaysaa muhiimadda qofka looga eego diin iyo akhlaaq wanaagsan si loo dhiso qoys barwaaqo leh. Sidoo kale, lammaanuhu waa in ay isla eegaan sifooyinka akhlaaqda wanaagsan sida kalgacal, naxariis, iyo dulqaad, waayo sifooyinkaas ayaa muhiim u ah wadajirka guurka.
๐. ๐๐ข๐ฑ๐ ๐๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ช๐จ๐จ๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐ฒ๐จ-๐๐ซ๐๐ ๐ง๐ข๐ฆ๐๐๐:
Marka la raadinaayo qof lammaane ah, waa muhiim in la tixgeliyo aqoonta iyo waayo-aragnimada qofka, maadaama ay door weyn ka qaadato sida uu qofka ula tacaalo xaaladaha nolosha. Waa in lammaanaha lagu doorto in la fahmo heerka aqooneed iyo xirfadaha uu leeyahay, taas oo saameyn ku yeelan karta sida ay ula falgalaan caqabadaha nolosha. Aqoonta iyo waayo-aragnimadu waxa ay qofka ka dhigaan mid bisil oo og sida loo xalliyo khilaafaadka iyo sida looga shaqeeyo horumarinta qoyska.
๐. ๐ค๐ฎ ๐๐จ๐จ๐ซ๐๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐๐จ๐๐ค๐ ๐๐ค๐ก๐ฅ๐๐๐ช๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ง๐๐๐ ๐ฌ๐๐ง:
Lammaanaha guurka caafimaadka qaba lagu raadinayo waa in uu lahaado dabeecad wanaagsan, sida dulqaad, degenaansho, iyo furfurnaan. Waa muhiim in qofka aad la wadaagaysid nolosha uu yahay mid leh dabeecad aad ku raaxaysan karto oo aanan noqon mid kulul, xanaaq badan, ama had iyo jeer keena muran. Dabeecaduhu waxa ay yihiin kuwa ugu badan ee saameeya xiriirka, waxaana muhiim ah in lagu doorto qof leh sifooyin maskax furan iyo dulqaad leh. Shaqsiyadda noocaas ah waxay abuureysaa degenaansho iyo kalgacal.
๐. W๐๐๐๐๐ ๐ข๐ฌ๐ญ๐ ๐๐ข๐ฒ๐๐ฆ๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ก๐๐ช๐๐ง๐ค๐:
Marka la raadinayo xiriir caafimaad qaba oo sababa guur waara, waa muhiim in la doorto qof ku wanaagsan ilaalinta qiyamka iyo dhaqanka. Haddii labada qof ay ku simanyihiin qiyamka iyo aragtida guud ee nolosha, sida arrimaha qoyska, ka qeybgalka Arrimaha bulshada, iyo aragtida horumarka mustaqbalka, waxa ay fududeynaysaa wada shaqeynta iyo in layska kaashado qorsheyaasha guurka. Tani waxa ay keeneysaa in mustaqbalka guurka uu noqdo mid xasilloon oo isku fikir iyo isku hiigsi ku wada socda.
๐. ๐๐ฎ ๐๐๐๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐๐๐๐ซ๐๐ซ๐ค๐ ๐๐ข๐ข๐ง๐ญ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ซ๐ง๐๐๐ง๐ญ๐:
Xiriirka jacaylka ee caafimaadka qaba waxa uu ku dhisanyahay in la ilaaliyo xeerarka diinta Islaamka, gaar ahaan arrimaha la xiriira asturnaanta, isku kalsoonida, iyo in la dhowro xadka Alle. In la dhowro xeerarka diinta iyo in layska ilaaliyo wax kasta oo xaaraan ah waxa ay qofka ka ilaalisaa ceeb iyo qoomamo mustaqbalka. Xiriirka caafimaadka qaba waa mid lammaanaha ku hoggaamiya raalli ahaanshaha Alle iyo in labada qof ay dareemaan kalgacal iyo wanaag joogto ah. Waa muhiim in diintu noqoto saldhigga xiriirkooda.
๐๐ฎ๐ง๐๐๐ง๐๐:
Helitaanka xiriir jacayl oo caafimaad qaba oo sababa guur xalaal ah Waxa uu baahan yahay in ay labada dhinac isla eegaan sifooyinka diinta, akhlaaqda, qiyamka, iyo himilooyinka mustaqbalka. Waa in la doortaa lammaane leh ujeeddo iyo aragti dheer, oo diyaar u ah in uu nolosha kula wadaago isagoo dhowraya qiyamka wanaagsan ee guurka. Tani waxay keenaysaa guur waara, qoys barwaaqo leh, iyo xiriir aan qoomamo lahayn. Marka la isku doorto akhlaaq iyo ujeeddo dhab ah, xiriirka waxa uu noqonayaa mid caafimaad qaba oo keenaya farxad iyo guul..


