๐’๐š๐๐๐ž๐ฑ๐ฅ๐ž๐ฒ ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐จ๐จ๐ ๐จ๐จ ๐Œ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐ฎ ๐š๐ก ๐๐จ๐ฅ๐จ๐ฌ๐ก๐š

W/Q: Sh. Abdirahman Bashir

Tarjume: Ayuub Xaaji Axmed

————————————————————-

saddaxleyda Koowaad:

Saddex Waxyaabood oo Aadan Dooran Karin:

1. ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐š๐š๐ ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐š๐ฅ๐š๐ญ๐š๐ฒ: Waa qaddar kaa baxsan, Waxa aad timaadaa adiga oo aan dooran dalkaaga si lamid ah waqtiga aad dhalatay, dunida ayaad imaanaysaa waxa aadna arkaysaa adiga oo nool marka doorasho kuma lihid adigu

2.๐–๐š๐š๐ฅ๐ข๐๐ค๐š๐š๐ ๐š: Ma dooran kartid aabaha iyo hooyada kuu dhalay. Sidoo kale, waalidkuna ma dooran karaan qofka u noqonaya ilmahooda. Waxaad ka dhalatay dad, qabiil, iyo goob juqraafi ah iyada oo aad lahayn doorasho, sidaa aawgeed, ma jirto sabab lagu faano.

3. ๐Œ๐š ๐๐จ๐จ๐ซ๐š๐ง ๐ค๐š๐ซ๐ญ๐ข๐ ๐ฆ๐ข๐๐š๐›๐ค๐š๐š๐ ๐š: Midabkaaga ma aha mid aad ka dooran karto. Waxaa laga yaabaa inaad midab jeclaan karto ama mid kale necbaan karto, laakiin xulashada kuguma xirna adiga. Saddexdan arrimood waa kuwa ka horreeya jiritaankaaga.

Saddaxleyda Labaad:

Saddex Wax oo aad Dooran Karto:

1.๐‹๐š๐ฆ๐š๐š๐ง๐š๐ก๐š ๐š๐š๐ ๐ง๐จ๐ฅ๐จ๐ฌ๐ก๐š ๐ฐ๐š๐๐š๐š๐ ๐ญ๐š๐š๐ง: Guurka maโ€™aha qaddar iyo nasiib sida dadka qaarkood sheegaan; waa doorasho barax laโ€™, adiga ayaa dooranaaya cidda aad guursanayso qasab laโ€™aan, Waxa aad u guursan kartaa si jacayl ah, si caado ah, ama xitaa waali ama dan gaara

2. ๐…๐ข๐ค๐ซ๐š๐๐๐š ๐š๐š๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐ฌ๐š๐ง ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ: Mabda’a fikirkaaga ee aad taageerto, aragtida siyaasadeed ee aad ku dadaalayso hirgalinteeda iyo farriinta aad u aragto raaciddeeda inay xaq tahay.

3.๐’๐š๐š๐ฑ๐ข๐ข๐›๐ค๐š ๐š๐š๐ ๐ฅ๐š ๐ง๐จ๐จ๐ฌ๐ก๐š๐ก๐š๐ฒ: Waa qof aad la wadaagto xanuunka iyo rajada. Waa qof aad ku aragto hididiilladaada iyo murugadaada intaba. Xiriir-wadaagga ama shaqa-wadaagga: Waa qof aad la wadaagto farxadaha iyo dhibaatooyinka. Waxaa laga yaabaa in aad saaxiib la noqoto qof; dantaada awgeed, laakiin danta maโ€™aha mid waarta. Waxaa kale oo dhici karta in aad qof xiriir shaqo la yeelato si aad u gaartaan ujeeddooyin gaar ah, laakiin marka ujeeddooyinkaas la gaaro, xiriirku wuu dhammaan.

Marka goโ€™aanka kala tagga la gaaro, qof kastaa waxa uu sheegi karaa in xiriirku dhammaaday, taas oo ku tusaysa in xiriirka noocaan ah uusan ahayn mid qasab ah ama waajib ah. Sida uu ninkii suubanaa ee Khidr (CS) u sheegay nabi Muuse (CS): “Tani waa kala taggaygii aniga iyo adiga.” Waxaa laga baran karaa in xiriirro badan oo nolosha ah aysan waajib ahayn, balse ay ku xiran yihiin xaaladaha iyo duruufaha gaarka ah.

Saddaxlayda Saddexaad:

Saddex Wax Oo La Badali Karo:

1. ๐–๐š๐๐๐š๐ง๐ค๐š ๐š๐š๐ง ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐ข๐ข๐ง ๐ซ๐š๐ฃ๐จ ๐š๐ฆ๐š ๐ฌ๐ก๐š๐ซ๐š๐Ÿ:

Haddii aad ku nooshahay meel aan ku siinayn rajo ama sharaf, waxaa muhiim ah in aad ka fakartid beddelka. Nolosha ku sii jiritaanka meel khaldan adiga oo aan wax isbeddel ah samayn waxay noqonaysaa ka tagidda farriintaada, ka cararida xaqiiqada iyo aqbalidda dullinimo aan wax qiimo ah lahayn.”

2.๐‹๐š๐ฆ๐ฆ๐š๐š๐ง๐š๐ก๐š ๐š๐š๐ง ๐ค๐š ๐๐ก๐š๐›๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ง ๐ฎ๐ฃ๐ž๐ž๐๐๐š๐๐š ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š,

Lammaanaha aan ka dhabaynin ujeeddada guurka, oo aadan ka helin kalgacal, naxariis, iyo xasillooni, maaha arrin biniโ€™aadannimo in aad la sii noolaato iyada oo aan la gaarin hadafka aasaasiga ah ee nolosha. Si kastaba ha ahaatee, kuma habboona inaad ka cararto nolosha adigoo lammaanaha beddelaya sababbo aan macno lahayn awgood.

3.๐—๐ข๐ฌ๐›๐ข๐ ๐š, ๐ฎ๐ซ๐ฎ๐ซ๐ค๐š, ๐š๐ฆ๐š ๐š๐ซ๐š๐ ๐ญ๐ข๐๐š ๐Ÿ๐ข๐ค๐ข๐ซ๐ค๐š:

Xisbi, urur, dariiqo, ama madrasad fikir, ma aha xikmad in aad weligaa xubin ka sii ahaato xisbi guuldarraystay, urur dhammeeyay ujeeddooyinkiisii, dariiqo waqtigeedi dhaaftay, ama madrasad fikir oo aan la jaanqaadi karin baahiyaha casriga ah. Ku xidhnaanta koox waa baahi baniโ€™aadannimo, laakiin ku sii jiritaanka meel aan xaqiijinayn hadafkeedu waa qalad istiraatiiji ah

saddaxlayda Afaraad:

Saddex Wax Oo Aan Loo Baahnayn in La Bedelo:

1. ๐๐š๐Ÿ๐ญ๐š๐š๐๐š: Jidhku waa uu isbeddelaa, wuu koraaa, oo wuu gabooba, laakiin ka digtoonow gabowga nafta. Ha ka welwelin mustaqbalka si xad dhaaf ah, hana isku dayin inaad ku noolaato meel ka baxsan taariikhdaada ama waaqicigaaga

2. ๐‘๐š๐ฃ๐š๐๐š: Noloshu ma laha macno rajo laโ€™aanteed. Haka dhagaysan dadka in aan wax rajo la abuuri karin. Nolosha rajo laโ€™aantu waa silic, waayo, Ilaahay wuxuu abuuray xanuunka iyo rajada oo wada jira, wuxuuna ka dhigay dhibka iyo fududeynta kuwo wada socda

3.๐Š๐ฎ ๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐š๐š๐ง๐ฌ๐ก๐š๐ก๐š ๐ฎ๐ฃ๐ž๐ž๐๐๐จ ๐ฌ๐š๐ซ๐ซ๐ž๐ฒ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฌ๐ก๐š๐ซ๐š๐Ÿ ๐ฅ๐ž๐ก:

Waxaa laga yaabaa in aad beddesho ujeeddooyinkaaga waaweyn, laakiin waa muhiim in aad yeelato ujeeddooyin aasaasi ah oo haga noloshaada. Haddii ujeeddooyin laga waayo noloshaada, waxaad noqotaa qof caadi ah oo aan horumar iyo isbeddel ku samayn noloshiisa. Waxa aad noqonaysaa qof aan isbeddelin sannadba sannadka ka dambeeya, xitaa ilaa dhammaadka cimrigaaga

Ugu Dambayn:

Waa waqti cusub, waxaana jira isbeddelo ka soo billowday Suuriya, balse aysan ku joogsan xuduudahaas oo keliya. Waa xilligii caalamiyeynta, halkaas oo fikradaha ay u gudbaan xuduudaha si la mid ah waxyaabaha kale. Maaha caqligal in aan dunida la macaamilno oo aan ku koobnaano oo keliya waxyaabaha ku socda farsamooyinka kala duwan, anagoo iska indha tirayna gudbinta fikradaha iyo aragtiyada,

Waxaana muhiim ah in aanan iska indha tirin fikradaha gudbaya. Haddii aadan lahayn awood cilmi ku salaysan oo aad ku oggolaato ama ku diido aragtiyo cusub, waxaad ku guuldarreysanaysaa inaad la qabsato waaqica. Maskaxdaadu adiga oo kaliya kuguma koobna; waxa aad nooshahay xilli aad la wadaagto dadka kale. Sidaas darteed, waa in aad si xoog leh u diyaarisaa naftaada. Ha isku dayin in aad u noolaato sidii hore, maxaa yeelay, qofka aan isbeddelin, xaaladaha ku hareeraysan ayaa isbeddelaya, waxaana uu ku dambaynayaa inuu keligiis ku hadho dunida isbeddelaysa isagoo aan dhaqaaqin.”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top