Soo koobid buug

Buugga: Dhambaalada Qur’aanka

Qoraa: Ad’ham SharqaawiTarjume:

Cabdixakiin Obsiiye

Bogagga: 246 bog

Ugu horayn mahad oo idil waxa ay u sugnaatay Allah S.W.T oo innaga yeelay ummad muslimiin ah, rumeysan Eebbe S.W.T, adeecsanna rasuulkii loo soo diray ee muxamed NNKH.

Intaa kadib; Buuggaan Dhambaallada Qur’aanka waxa uu kamid yahay buugaagta soo dhowaynaya fahanka fasirka qur’aanka kariimka ah iyo macaanidiisa mucjisada ah.

Buuggani waxa uu isku xirayaa qur’aanka kariimka ah iyo noloshaada gaarka ah. Marka laga tago macaanida guud ee aayadaha Qur’aanka, waxa uu soo gudbinayaa sooyaalkii, murtidii, miiddii iyo aqoontii dadkii hore ee wanaagsanaa.

Hadaba halkaan waxaan kugula wadaagayaa qaar kamid ah dhambaalada cajiibka ah ee buugga ku xusan;

1- Dadka haddii ay dafiraan ama diidaan wanaaggaaga, ha quusan waayo; milge iyo maamuus waxaa kugu filan in uu kuu ogyahay Allah SW.

2- Imaam axmed ayaa mar ku yidhi xaatim “dadka sidee baa looga amaan helaa?”. Waxa uu ugu jawaabay “hantidaada sii, waxna haka qaadan. Waa ay ku dhibayaane gacan ha u qaadin, sidoo kale danahooda u gud, beddelna ha weydiisan. Wey adag tahay soo maaha saaxiib, balse haddii aanad sidan falin, horta ma badbaadeysaa?

3- Ma ogide qofyahow, waxaa suuraggal ah in uu ilaahay arrin cusub keeno. Ha quusan saaxiib ee rabbigaa ku kalsoonow maxaa yeelay cibaadada ugu weyni waa sugidda iyo saadaalinta farajka iyo guusha. Keliya sabar.

4- Ma xuma in uu qofka u shaqeysto adduunyadiisa, balse waxaa khasaare ah in uu hilmaamo aakhiradiisa. Balo ma jirto haddii uu qofku qurxiyo gurigiisa, laakiin waa in aanu ilduufin qabrigiisa.

5- Wakhtiyada qaar aamuska ayaa habboon maxaa yeelay arrimaha qaar aan qiimo lahayn ayaa qiimo ku yeesha hadal haynta iyo buunbuuninta.

6- Ifku waa dhaldhalaal tagaya, waana xaqiiqdiisa, waxaa se fahmi kara qof garaad leh. Adduunyadu qofna lama ah saaxiibo oo waa ay tageysaa, qofka garaadka badanina waa ka tagaa inta aanay iyadu ka tagin.

7- Hadalka wanaagsani waa sadaqo maxaa yeelay; waxa auu furaa iridaha, nafta ayuu dhisaa qalbiyada jabayna waa uu kabaa.

8- Cidhiidhi kadib markaad hanato guul, xusuuso in ay tahay naxriis alle. Shaqo la aan dheer kadib marka aad hesho shaqo, shahaadooyinkaaga iyo kartidaada midna kuma helin ee waa naxriis alle. Wanaag kasta oo aad heysataa waa naxriis Alle ee u qir wanaagyadiisa.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top