Dhanbaalkaan wiil dhallinyaro ah magaciisana lagu soo gaabsaday Dalaal, ayaa u soo diray; Axmed Ibnu Yuusuf Assayid. Oo ah qoraaga buuga Faca koraya waxa uuna dhanbaalkaas sababay in qoraagu waydiimihii lasoo waydiiyey uu ka qoro buuggaan. 
Hoos ka akhir dhanbaalkii uu diray Dalaal.
Wuxuu Yidhi: Dalaal.
Waxa aan ka tirsanahay lod badiba qaab nololeedkiisu yahay madadaalo liidata Sida: kutirikuteen, dheel, filimaan, kubbad Iwm. Diin ahaanna ka taag daran oo qaarkayo aanay tukanba, inta tukataana ay jimcaha uun masaajidka beegsadaan. Aqoon ahaan jaahilnimo dhidibbada aasatay ay hadhayday, hiigsi uu beegsanaayo oo ku raadjoogana aan lahayn, nolosha adduunna dhaldhalaalkeedu uu indhadaraandariyey. Lodkaasi kuma uu hanaqaadin goobaha korkaqabashada( Xifdinta ) Quraanka, waayihii wax akhris ugu danbaysayna waa dhallaannimadii dhiganayaashii carruurta ama sheekafaneedyo uu gaashaanqaadnimadiisii dheehday. Si kedis ah waxaa u horyimid qorshayaal kala taggan oo aqoonta loo dhigayo ah, waxana ay isla falgali waayeen habnololeedkiisii hore ee hiigsi la’aanta iyo baraarug darrada ahaa. 
Dhiganihii uu qaadaba inta uu isha yara mariyo ayuu dhigayaa. 
Taxane muuqaallo ah oo bandhigyo aqooneed ah ayuu daawashadooda iyo ka-bogashadooda maagayaa( Damcayaa ), waxana uu iska diiwaangelinayaa bandhig aqooneed iyo laba iyo seddexba, waxaas oo dhanna waxaa dheer cabashooyinka kale ee ay hadh iyo habeen lodkaasi la soo kambadhuudhaan ( Kanbadhuud: fadhiga xun ee aalaaba qofka baahidu ka muuqataa u fadhiisto ee kadaloobka iyo saldhiga u dhaxeeya). Waxa laf dhuun gashay ku noqonaya waa habkii uu isu maarayn lahaa. Sababtuna waa in yoolka uu taabistiisa maaganyahay madmadow kaga jiro oo aanu u cadayn. 
Hiigsi ma laha, qorshe uu dartii dhibaabaha u xammilo ma uu dejisan, badankayaguna waxa aanu qabnaa bukaan nafsadeedka murugada iyo iskubuuqa, kaasina waa arrin kale oo ka bogasho mudan. 
Isla lodkaani haddana waxa uu ku suntanyahay wanaagyo ugaqaateen ( wanaagyo lagu jeclaysto ayay leeyihiin) ah. Way garaad badanyihiin, way niyad san yihiin in dhanka roon laysku beddelo way u jeellan-yihiin ( Jeel: Geelu marka uu dhegedka iyo milixda u baahdo. Xabsi ), in ay u dul’lahaadaan wixii kaga yimaadana way awoodayaan illaahay ogolonshihii. 
Balse waxa ay tabayaan tilmaamis iyo taakulayn toosin ah, iyo sidoo kale daryeel iyo dardargelin lagu guulo. ( Guulid: Dhiirrin. Arrin in aad cid dabada kaga riixdid ). 
Aniguna markii aan qaaday jidkaan-bandhigyada aqoonta waxtarka leh- waxa i lug qabtay fashilkayga oo hiigsigii iga hungeeyey, ( Hungo: Wax waayid ). Waxana uu igu reebay baqe howlgab iga dhigay.
Aqoontii imminka waan ka hadhay, bandhig aqooneedyadii ii habaysnaa ee aan la tallaabsanayayna waan ka go’ay, aniga oo naftayda uga tudhaya cadaadista aanay ka soo kabanayn. 
Waxa aan marayaa xilli, haddii la i tooyan lahaa bal erey ku soo koob aan ku soo ururin laha ” Lunsanaan”. 
Waxa aan ku toyanayaa/ ku oranayaa waydiimo malyan dollar la siisto. 
-Sidee ayaan ku ogaan karaa ka. aan ahay? 
-Kan aan maaganahay in aan noqdo?
 
-sidee ayaan u dhanbaalaa ceeryamadan i indhasaabtay ee igu gedaaman, Si aan ugu bogto aragtidayda iyo suuraysiga aayahayga iyo xidhiidhka aan la yeelan doono aqoonta iyo ogaalka?
-Sidee ayaaan ku garan karaa waxa aan jeclahay iyo waxa aan ku habboonahay?
Waxa aan sugayaa warcelintaada, Illaahayna Annaga iyo Adigaba ha ina waafajiyo. 
W/Q: Saabir Abdi Yuusuf.
X.g buugga: Faca Koraya.
Qoraga buuga: Axmed Ibnu Yuusuf Assayid.
Turjumida: Aadan Sahan.
		
		
			


