YAA AH OWLIYO MAXAYSA TAHAY KARAAMO?


Owliyo Alle:- waliga Alle waa kan ku dhaga Alle addeecidiisa, fartooma waxa uu Alle SW faray, kana hara waxa uu Alle ka reebay. Alle SW waxa uu lee yahay, isaga oo ka hadlaya owliyadiisa:

قال الله تعالى: أَلا إِنَّ أَوْلِيَاءَ اللَّهِ لا خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلا هُمْ يَحْزَنُونَ. الَّذِينَ آمَنُوا وَكَانُوا يَتَّقُونَ. لَهُمْ الْبُشْرَى فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا وَفِي الْآخِرَةِ لَا تَبْدِيلَ لِكَلِمَاتِ اللَّهِ ذَلِكَ هُوَ الْفَوْزُ الْعَظِيمُ. يونس
[/62-64.]

Owliyada Alle dushooda cabsi ma ahaan, mana aha kuwo walwalaya maalinka Qiyaamo, -Owliyada- waa kuwa Alle rumeeyay, kana baqa isaga, waxaa u sugnaatay bishaaro inta ay dunida joogaan iyo Qiyaamahaba.

Imaam Ibnu Kasiir markii uu aayaddan fasirayay waxa uu yiri: Alle waxa uu inoo sheegay owliyadiisu in ay yihiin “kuwa siga rumeeya kana baqa” sidaba uu Alle aayaddaha kor ku xusan uu ku caddeeyay. [Tafsiirul qur’aan-4/278-]

Cabdullaahi Ibnu Mascuud RC iyo rag kale oo ka mida salafka, waxa ay dhihi jireen: Owliyada Alle waa kuwa haddii la arko Alle SW lagu xasuusto.

Sidaas darteed; qofkasta oo mu’min ah owliyanimada, dhawaashiyaha Alle iyo jacaylkiisa qayb ayuu ku leedahay, haba lagu kala sarreeyo, markastana waxaa laga eegayaa sarraynta sida uu qofku u wanaajiyo acmaashiisa, tan ku xiran jirka sida: Salaadda iyo Soonka, iyo tan la xiriirto qalbiga, oo ay ugu horreyso; in uu qofku Alle ku kalsoonaado.

KARAAMO
————

Karaamo:- waa arrin dhaafsan caadada, oo uu Alle SW ka muujiyo addoonkiisa, isaga oo ku xoojinaaya arrinka wanaasan ee uu hayo, ama ugu kaalmaynaya. Karaamadu ma aha mid gaaraysa mucjisooyinka uu Alle ku xoojiyo rusushiisa, waayo mucjisadu waa arrin muujinaya rasuulkan xaqnimadiisa, waana arrin ay la xiriirto taxaddi -aysan kasoo fuli karin illaa rasuulka la siiyay mooyee- balse karaamadu maaha sidaas, inkasta ay ka simanyihiin caada qarrarinta.

Karaamadu waa arrin lagu dhiirri galinayo addoonkaas, balse mararka qaar dhalin karta in uu ku kadsoomo qofku, si kastaba dadka alhullaahiga ah ma jecla in la arko iyaga oo ay karaamo ka dhaceyso, baqid ay ka baqayaan kadsoomiddaas. sidaas darteed; Culimadu waxa ay dhahaan: Hal istiqaamo, ayaa ka khayr iyo wanaag badan 1,000 (kun) karaamo. Istiqaamo waa: toosnaata Daacada Alle lagu toosnaado, iyo in aad Alle wayne waydiisato hanuuka iyo waddada xaqa ah in uu kugu hagaajiyo. Waxaad ogaataa: haddii uu Alle SW ku waafajiyo daacadiisa, iyada ayaaba ah karaamo, yaysamba kaasoo muuqan mid la arkaayo’e, xaqa oo lagu toosnaado laguna sugnaado wax layska helo ma aha, iyada ayaaba qofka ugu filan karaamo.

In la sheego karaamada iyada oo la ilaalinayo caqliyada dadka wax dhiba kuma sugna, laguna eedayn maayo in uu qofku sheego ama laga
sheego “karaamo uu Alle siiyay SW”, isaga oo Alle uga mahad-celinaya kana sheekaynaya nimcada uu Alle siiyay, isaga oo qaadanaya Aayaddii ahayd:
{قال الله تعالى: وأما بنعمة ربك فحدث}.

Alle waxa uu yiri: Umadda uga sheekee nicmada uu Rabbigaaga ku siiyay. [Duxaa].

HADDII AAN INTAN SOO OGAANNAY, MAXAA INLA GUDBOON XILLIGAN AAN JOOGNO?

Dhab ahaantii waxaa aad u fara-batay sheeg sheegidda Karaamo, waxaa dhacda in ay bulshada si aan sax ahayn uga fal-celinyaan, dodka soo gudbinaya qaarkoodna; aysan u marayn dhabbihii saxnaa. Iyada oo la tix galinayo caqliyada dadka lala hadlayo waxaa habboon in aanan bulshada lala wadaagin “sheekh hebel karaamadaas ayaa ka dhacday” waxa aan ka hadlayo, waa kuwa aysan qaadan karin caqliyada dadka, sidoo kale ragga soo gudbinaya karaamadana, ay iyagana ka fiirsadaan waxa ay dadka la wadaagayaan.

Cali Ibnu Abii Daalin RC waxaa laga wariyay -Asar- ku sugan Bukhaariga in uu yiri: “Dadka waxa ay garanayaan u sheega -kula hadla-, miyaad rabtaan in Alle iyo rasuulkiisa labeeniyo”.! Sayid Cali RC waxa uu dadka barayaa in dadka caqligooda la ilaaliyo, lagana daayo in loo sheego wax aysan fahmayn, waayo waxaa dhacaysa haddii lagula hadlo wax aysan fahmayn; in Alle iyo rasuulkiisa la beeniyo ama wax aan u cunnanmin lagu sheego -ka nasahane-.

Waxaa jira dadka qaar, ee soo gudbiya karaamo aan sal iyo raad toona lahayn, sida hebel ayaa naarta darbeeyay iwm. qofka sheegaya wax aan raad lahayn ee u malaynaya hebelkaas in uu ammaanay; ma uusan ammaanin ee been ayuu ka sheegay. Waxaa laga wariyay Abuuhurayra RC in uu nabigu ﷺ yiri: “Qofka waxaaba dambi ugu filan, wax walba ee uu maqlo in uu iska sheego. [Al mustadrak].

In loo sheego dadka: “sheekh hebel ayaa karaamadaas ka dhacday” waxba uma faa-iidaynayso, ee dadka waxaa wax u taraya in loo sheego, “sheekhaas dadaalkaas ayuu dacwada fidinteeda ka gaystay, dhaqan wanaaggaas ayuu lahaa, kutubtaas ayuu qoray, hadalladan xikmadda leh ayuu ku hadli jiray, qof cibaado badan ayuu ahaa, deeqsi ayuu ahaa iwm”. Kuwan aan soo tixnay dhammaan ummadda wax-gal ayay u leeyihiin.

UGU DAMBAYN:- Ogow karaamadu waa mid sugan Ahlusunnha aktooda, ayna muhiim tahay qofka in uu rumeeyo, culimaduna waxa ay ku daraan majaalka caqiidada, “Waliga” isna sidoo kale; qofkii isku daya in uu inkirana waa loo baqayaa, oo waxa uu halis ugu jiraa in uu ka boxo xayndaabka.

Cabdimaalik Saciid

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top