Si wanaagsan oo bani aadannimo leh, ayay sunnada nebiga ﷺ uga hadashay; hannaanka loola dhaqmo adeegaha (shaqaalaha), iyad oo carrabka lagu adkeeyey in uu la siman yahay dadka kale, xitaa haddii uu yahay adeegahaaga. Waxaa laga weriyey al Macruur in uu yiri: Waxa aan kula kulmay Abuu Dar meel la yiraahdo Al-Rabda, waxa ayna xiranaayeen dhar isku eg isaga iyo addoonkiisu. Waxa aan weydiiyey sababta, markaas ayuu igu yiri: “Anigu nin ayaan ku caayay hooyadiis, markaas ayuu Nebigu ﷺ igu yiri: ‘Abuu Darrow, ma hooyadiisa baad ku caayday? Adigu weli jahli baa kugu jira, adeegayaashiinnu waa walaalihiin, Ilaah baa idin hoos dhigay, ee midkiin haka quudiyo walaalkiis waxa uu isagu cunaayo, ha u xiro wixii uu isagu xirto, hana ku dhibina wixii taagtiisa dhaafsan, haddii aad ku kalliftaanna ku caawiya”. (Waxaa weriyey Bukhaari). Xadiiskan. Waxa uu si cad u diidayaa; hadal ama fal kasta oo muujinaya meel ka dhac ah in lagu sameeyo karaamada aadanaha, xitaa haddii uu yahay qof darajo hoose leh. Waxaana muuqata in sababta uu taabicigu u weydiiyey su’aasha ay tahay is lahaanshiyaha labiska Abuu Dar iyo addoonkiisa, oo ahaa mid isku mid ah. Tani waxa ay ka tarjumaysaa sida ay saxaabadu ugu bislaadeen akhlaaqda wanaagsan ee uu Nebigu ﷺ ku tababbaray.
Waxaa Abuu Saciid laga weriyey in uu yiri: Waxaa jirtay haweeney madow ah, oo masjidka nadiifin jirtay, habeen habeennada ka mida ayay geeriyootay, kolkii la gaaray subaxdii ayaa nebiga ﷺ lagu wargeliyey geerideeda, markaa ayuu yiri: “Maxaad iigu sheegi weydeen?” Waxa uu watay asxaabtiisii, waxa uu istaagay qabrigeedii, kuna tukaday salaadda janaasada, asxaabtiina waxa ay istaageen gadaashiisa, waa uuna u duceeyey, ka dibna wuu tegey. (Waxaa weriyey Ibnu Maajah) Xadiiskan, waxa uu muujinayaa sida uu nebigu ﷺ uga warhayn jiray dadka adeegaya, uguna muujin jiray tixgelin iyo qaddarin. Waxa uu si joogto ah u weydiin jiray asxaabtiisa, haddii ay ahaan la haayeen kuwa hodonka ah ama kuwa danyarta ah. Markii uu maqli waayey haweeneydii masjidka nadiifin jirtay, wuu ka xumaaday geerideeda, waxa uuna u muujiyey asxaabtiisa in ay khalad ahayd in aysan uga sheegin. Kadibna waxa uu u baxay qabuuraha, isaga oo watay qaar ka mida asxaabtiisa, si ay u tusiyaan qabrigeeda, ka dibna salaadda janaasada ayuu ku tukaday.
Falkan uu nebigu ﷺ ku dhaqaaqay, waxa uu ahaa cashar la taaban karo, oo uu ku barayo asxaabtiisa in la ixtiraamo qof kasta, xitaa haddii uu bulshada dhexdeeda yahay qof aan magac ku lahayn. Haweeneydan taariikhdu ma xusin, wax ay caan ku ahayd oo aan ka ahayn in ay masjidka nadiifin jirtay, haddana ficilkii uu nebigu ﷺ sameeyey waxa uu ku reebay qalbiyada saxaabada faham ah; in dadka oo dhami siman yihiin. Diinka Islaamkuna ma kala saaro dadka, dhammaantoodna waxa ay ka yimaadeen nebi Aadam CS, Aadamna wuxuu ka yimid carrada.
Dhammaad 
WQ: Dr Cali Jumcah
WT: Cabdimaalik Saciid
		
		
			


