Islaamku, waxa uu ugu yeeray qofka; in si wanaagsan loola dhaqmo dadka kale, taas oo ka dhigan in loola dhaqmo si naxariis iyo kalgacal leh, in la dhegeysto, lana qadariyo aragtidooda. Dacwadaasi waxa ay gaaraysaa rag iyo dumar, hodmane iyo sabool, xataa bani’aadamka iyo xoolaha. Si wanaagsan oo loola dhaqmo dadka kale waxa ay leedahay faa-iidooyin badan oo bulshadeed, kuwaas oo ugu muhiimsan yihiin: faafinta akhlaaq wanaagsan sida: cafiska, samirka iyo wejiga furnaanta. Sidoo kale waxa ay kordhisaa jacaylka iyo isku-duubnida dadka bulshada dhexdeeda.
Dhaqan wanaaggu waxa uu leeyahay dhowr dhabbadood; waxaa jira si hannaan toosan oo loola dhaqmo Allah SWT, taasoo dhaxalsiinaysa Alle ka cabsi iyo xalaal miirasho dadka dhexdeeda ah. Waxaa kaloo jira qaab wanaagsan oo loola dhaqmo dadka, taas oo qofka ka kasbanayo kalsoonida dadka kale iyo kalsoonida uu naftiisa ku qabo. Tan waxaa caddayn u ah xadiiska Nebiga ﷺ ee uu yiri: “Midkiin ma rumeeyo ilaa uu la jeclaado walaalkiis waxa uu naftiisa la jecel yahay”. (Bukhaari). Waxaa kaloo jira, si wanaagsan oo loola dhaqmo dumarka, taasoo muujinaysa heerka sare ee diinta Islaamka iyo fariinteeda caalamiga ah, iyada oo ka dhalanaysa hadalkii Nabiga  ﷺ ee uu yiri: “Haweenka u dardaarma wanaag”. (Bukhaari)
Balse waxaa jira, laba meel oo muhiimka ah xilligan casriga ah in si wanaagsan loola dhaqmo:
1. In xoolaha loola dhaqmo si wanaagsan, waxa ayna tusinaysaa  naxariista Islaamka ee dhammaan uumiyaha, waxa ayna umadda u keentaa kheyr, barako iyo hanuun guud.
2. In shaqaalaha iyo adeegayaasha la dhaqanlooda la wanaajiyo, waxa ayna ku dhiirrigelisa in ay noqdaan daacad, ay ilaaliyaan hantida, kuna dadaalaan badbaadadeeda. Arrintani waxa ay bulshada dhexdeeda ka dhex abuureysaa degganaasho iyo kalgacayl, waxa ayna ilaalinaysaa jiritaankeeda iyadoo xoojinaysa isku xirnaanta.
Waxaa sunnada Nebiga ﷺ ku soo arooray tusaalayaal badan, oo boorrinaya naxariista xoolaha, iyada oo ka mid ah tiirarka muhiimka ah ee akhlaaqda wanaagsan. Waxaa Abuu Hurayra laga weriyey in uu yiri Rasuulka ﷺ: “Ha ka dhiganina dhabarrada xoolaha meelo aad ku fariisataan, maxaa yeelay Eebbe waa uu idiin sahashay xoolahaas, si ay idiin gaarsiiyaan dhul aydaan gaari lahayn, adinkoon ku daalin, waxa uuna idiin sameeyay dhul, ee dhulka ku qabsada baahidiinna”.  (Abuu Daawuud Sunankiisa). Xadiiskaan waxa uu farayaa in si wanaagsan loola dhaqmo xoolaha, waxa uuna caddeynayaa sababta loo faray, taas oo ah in xoolaha Eebbe u sakhiray aadanaha si ay uga caawiyaan safarada fogfog ee baahiyahooda ah, waxaana uuna Nebigu ﷺ u tilmaamay asxaabtiisa; in beddelka xoolaha lagu dul fariisto dhulka.
Sidoo kale, Ibnu Cabbaas waxa uu yiri: “Rasuulka ﷺ waxa uu reebay in xoolaha la isku kiciyo oo la isku dagaal geliyo” (Abuu Daawuud). Iyada oo meela badan laga dhigto ciyaar in xoolaha iyo shimbiraha laysku kiciyo oo laysku diro, waa jirdil iyo u adeegsi aan sharci ahayn. Ciyaartan dadka ku ciyaara, waxa ay siiyaan xoolaha ama shimbiraha dawooyin iyo kiimikooyin ka dhiga kuwo caraysan, si loo kordhiyo xiisaha dadka daawanaya, waana nooc gef iyo anshax xumo, iyada oo nafta baraysa dullaysiga iyo ku raaxaysiga ciqaabta iyo xanuunka dadka kale.
Ibnu Cabbaas waxaa kale ee uu weriyey; in Nebi Muxammad ﷺ uu yiri: “Ha ka dhiganina wax kasta oo naf leh bartilmaameed (la toogto ama la dhibaateeyo)”. (Muslim) Rasuulku ﷺ waxa uu aad uga dedaalay in uu asxaabtiisa baro xushmadda iyo u naxariisashada xoolaha, maxaa yeelay anshaxa qumman iyo toosnaanta nafta, jacaylka iyo xushmadda makhluuqaadka waa hal mid, ha ahaado makhluuqaas dhagax, xoolo ama bini’aadan, weyn ama yar. Xeerku waa hal: waa in la xushmeeyo makhluuqaadka si loo qadariyo Abuuraha keligiis ah, maxaa yeelay fududaysiga makhluuqaad, xataa haddii uu xoolo yahay, waa farriin muujinaysa in ay naftu fasahaadday oo ay bilowday in aysan xushmayn abuurka kale, sidoo kalena aysan qadarin Abuuraha weyn.
Lasoco qaybta 2aad.
WQ: Dr Cali Jumcah
WT: Cabdimaalik Saciid
		
		
			


