Yaa Eedda Iska Leh!

Qormadan yar waxa ku lafaguri doona uurkutaalooyinka ay la nool yihiin dhallinta qaarkood, gaara ahaan kuwa shaqo la’aanta ah ee la nool ciilkaabka lubiggooda ceegaaga, ee ila dhugo akhriste.

Waxan ahaa haddana aan ahay arday. Waayahayga nololeed ee aan joogo waxaan la noolahay uurkutaalooyin badan aan ciddi ii ogeyn, walwalku waa ii keli oo naflayda lagu digto ee nool ayaa ka mid ahay. Waxaan dul yuurarsadaa oo aan maciin bidaa mid aanan wax waqti ah iskaga luminin waxbarasho, hadba maalin ballan ii qabta. Aqoonsigayga nololeed ee aan kalba wax ku daro, waxna ka jaro ayaa la wareegaa meeshii la iiga sheego kansho/fursad shaqo. Haa, soo ma mudna xaanshiyaha aan dhawrka sanno suganaye in aan kaga raadsado wixii kansho ah ay ii goyso. Soo ma mudna reerkii tacabka iyo lacagtaba igu bixiyay in aan kalkayga ka nasiyo waxna ku celiyo gurigii aan duruufta uu ku jiro aan ogahay in aan ka dulqaado culayska iyo dhibka ay ku jiraan, ugu yaraanna aan wax taro iyaga.

Carruurtii igu xigtay ama iga yaraydna aan wax u qabto, si aanan aniga madaxayga niyadda looga dilin, oo aanan lagu oranin kii/tii kaa weynayd baa intii lacag aan ku bixinay guriga noo joogta, adna waxba kuma keenaysid waxbarasho ee waqtigaaga ha iskaga luminin, anigana lacagtayda ha iiga bogin. Kolleey sida ayada/asaga oo kale ayaad xaafadda noo soo fariisan rabtaa, ama inta aad lacagtayda dhammayso baa dacaska kaaga dhammaan doonaa hadba goobtii shaqo soo bandhigto.

Shaqadu waa ilma-adeernimo sida aan isdhahay, mise waa ayba tahay sidaas. Midka reerkiisa u dhaw ay hayaan xilalka kala duwan ee dalka ama madax ka ah goobta shaqada waxa uu si qabow ah ku qaadanayaa lacagtiisa uu reerkiisa ayuuba wax tarayaa, kolka uu u baahdana asaga iyo wedaayadii uu lahaa uu marba maqaayad kaga shaahayaa. Annagase, joogii noogu cusbaa inta aan tirtirano marba goobaha shaqooyinka soo bandhiggo ayaa ku aadnaa, nasiib xumase buudkii ayaa noogu idlaan rabo sidii aan ugu sii soconay marba kasta goobahaas.

Waa annaga ku soo wacayno iyo mar kale iyo nasiib wacan. CV-ga aan kolba mar beddelo wax shaqo ah kuma hayo, shahaadadiina waxan ka ilaaliyaa buska iyo in ay garaafo yar soo gaarto, ama uu dooli ama aboor uu cuno, wirif iyo shimbir baa iska warhayne, sida aan u ilaalinayo iyo sida aan waxba ugu helin waa kaaf iyo kala dheeri.

Nolosha maanta iima xumo iimase wanaagsano, waxan ku lumay labadaas dhexdooda, marna waa ii murugo, kama hoydo, kamana daalo in aan ka fikiro xaalka aan ku suganahay, kolkaasina waxan la diiqadooda sida uu xaalkayga yahay, kolna waxa ceeb ila noqota reerkii laga yaabee cajiin wareejin, qudaar iibin, tumaalnimo, fuundinimo, dhulxaaqid ama xamaalinimo ayaga oo ku jira lacagtii ay ka soo heleen shaqooyinkaas ay iigu soo koriyeen, waxbarashadana iiga bixiyeen, waa nolol kala jaad ah ay dadkii lagu soo barbaariyay oo keliya ay garan karaan. Sidoo kalana, dadkii lacagtaas wax ku soo bartayna ay aad iyo aad uga warqabaan xanuunka ay leedahay waayitaanka beddelkii ay filanayeen.

Maxaa ku riyooday in aan ka nasiyo reerkeyga noloshaas ay ku jireen, maxaan qurxiyay riyadii ahayd in aan ka saaro guryaha ijaarka ah ay ku jiraan, duruuftana aan iska kaashanno, ka dalacsiiyo jagooyinka shaqada ay hayeen, ama aanba ka nasiyo, kolkii aan shaqaystana aan rabay in aan wax taro iyaga oo aan ilaa xajkaba ku geeyo miradhalka waxbarashadii ay iiga soo bixiyeen duruuftii adkayd ee heerba heer soo jiitamaysay.

Kuwa ila dhashayna aan kaga farxiyo walaalnimadayda oo ay noqdaan kuwo igu faana marka ay magacayga dadka kale ka maqlaan, aysan noqonin kuwo iga faana. Mar haddii aad tahay qof noloshiisa waxtaray, qoyskiisana caawiya, culayskiisana ka dulqaada intaasi ayaadba kuwii kula dhashay ugu noqonaysa hiil, garab iyo faan ay kuugu faanaan maadaama aadan u noqonin tusaale xun oo markasta lagu soo hadal qaado.

Waayo, haddii aad tahay wax matare waxad u noqon lahayd tusaale iyo magac aanan ka haraynin abidkood, illeen magic iyo masiiba mar ayay baxaane, oo waxa lagu oranayaa kii hebel ahaa walaashiis/walaalkiisii meelahaas iska fadhiyo ee fadhi ku dirirka ku jira ayuu la dhashay eegase, haddii aad meel sare tagto waa cagsigeeda oo waaba lagu maamuusi doona wada dhalashadiina. Kaaliin cagsigeedana waa uur ku taalo aanan la iska dhagatiri karin.

Waxa uu qorshahayga ahaa in aan dunida kaga tago raad saamayn leh oo wanaagsan, noqdo qof shaqaysta oo naftiisa, qoyskiisa iyo dadkiisaba anfaca oo ay ku diirsadaan.Waxa ay riyadayda ahayd in aan nolosha tartanka waxqabsashada aan dhinaceyga ka galo kana noqdo hormuudka waxqabsaday, ee meel sare gaaray.

Inkastoo sidii aan islahaa aysan wax u dhicin riyooyinkaasi wali lubbiga ayaan ku hayaa, waxna igama dhibi doonto noqnoqoshada iyo in aan aqoonsigayga hadba goob gaar ah ula tago, si bilaash ahna aan ku shaqeeyo, kuna biiriyo oo ku bixiyo waqtigayga, aqoonta yar ee aan bartay iyo xoogayga. Balse, gocasho iyo digasho badan ayaan ku qabaa noloshaan bilaa mushaarka ah, waxana la iga sugaa beddelka wixii la igu soo bixiyay balse ma hayo, waxaana la iigu madadaaliyaa qofka baneeyo jago hebel ayaa adna lagu siini ee sugo jagadaasi intii ay banaanaanayso.

Waa dabameeris iyo wax aan laguu soo wadin sugo. Kolka qaarkiisna waxad tababbar sii ama shaqada bar lagu leeyahay mid adiga gadaashaada imaaday, kolkaas kaddibna jagadii aad sidii dhaxalka oo kale aad suganaysay ayaa la siinayaa. Yaa eeda iska leh, ma aniga mise iyaga. Mooji.

Eeduhu ma yara, mar waxa eeda dusha sare u suraa naftayda oo aan canaanta iyo ciilkaabkaba kaga dul dhacaa, kolna qoyskayga ayaa saaraa, dambina kaga dhigaa in ayba ayaga la rabay in ay suuqa shaqada soo galaan dhalashadayda ka hor. Sidaas ayaaba ku eeda ayaga, si ay taagantan jago aan daal iyo diifba iiga bixin ii siiyaan, ama jagada shaqo ay hayaan aan ka dhaxlo, ama aanba madaxooda shaqo iyo maamuusba aan ku helo, taajka maamuuseedna ay madaxa ii suraan.

Haseyeeshee waxa haddana ka xuubiyaa wax walba oo eed ah oo aan dusha u suray, kana qoomameeyay in ay ayaga xaalka aan ku jiro ay aasaas u yihiin. Uma quuro wax eed iyo dhaliil ah, oo waxan ogahay in ay igu bixiyeen dedaal tira badan sidii aan heer sare ku gaari lahaa. Sida aan wada ogsoonahayna, waalidiinta qaarkood ayaga oo aanan wax baranin ayay ubadkooda waxbarashada heerka sare gaarsiiyaan, oo ay geeyaan goobaha waxbarashada. Si carruurtooda ay u noqdaan kuwo heer gaara, naftooda, qoysaskooda iyo dadkaba wax taro, oo marnaba dhib inooma quuraan waalidiintii ina dhalay.

Alle ha dhaafo dambigooda e, rejadooda ma xumo waxa ee innaga sugayaan, oo ay u dhararsan yihiin dhididkaaga dheeftii lacageed ee ka soo baxay, maadaama ay wax badan ku tareen, waase la kala war la’yahay, maba oga suuqa shaqada aafooyinka ka taagan, mana oga in wiilkooda/gabadhooda in ay dhaxal sugayaal keliya rejo leh in ay yihiin. Waa haddii aanan la duudsiinin jagada ay sugayaan.
Xaaladda waa sidaas, waxaanse naftayda iyo taadaba u sheegayaa in aysan suganin iskuna halaynin qof kale in uu ka saaro nolosha uu taagantan joogo.

Wax walba oo uu u haraadsan yahay waa uu helayaa haddii uusan is dhiibin, ha is dhiibin hana isku halaynin cid kale, ha saarin eeda qof kale ee ku mashquul sidii aad dantaada u gaari lahayd. Raadi kanshada ka jirta suuqa shaqada, sii wad mushaar la’aanta aad ku shaqaynayso, taladaadana Eebbe u dhiibo kuma dayaci doono naxariis badanaha ay naxariistiisu ballaaran tahay.

Wax baro, cilmiga barashadiisa ku dhex jir, dadka garaadkooda uu sarreeyo ee wax yar oo aqoon ah aad ka kororsan karto hareerahooda joog, wax badan akhri, oo akhriska ka dhigo shidaalka guushaada, idinka Rabbi waa guulaysan doontaa. Tasbiixda kaasho oo carrabkaaga haka qoynaado digriga Alle.

Marka aad diiqad iyo walaacba ay iskugu kaa tagaana salaadda iyo Alle bariga kaga gudub. Dadka la dhaqan oo akhlaaq wanaagsan lahaw, hana laguugu xasuusto anshaxa aad leedahay intii xumaan iyo dhaqan xumo laguugu xasuusan lahaa. Dedaalka sii wad, haddii aad kartana abuuro ganacsiyo yar yar oo aanan ku galin doonin deyn iyo muran, ama wixii aad isleedahay waa ku anfacayaan samayso, doorashada adiga ayaa iska leh. Laakiin, waxan kaaga digayaa in aadan meel fariisanin, orana maxaa sameeya. Ogowna in meela fadhiga in aadan walaac weyn iyo walwal mooyee aadan wax kale ka helaynin, ee dhaqaaq oo ugu yaraan wax kuu dheef ah qabo; Eebbe idinkiisa waa liibaani doontaaye.

Ugu dambeyntii, haddii aad intaan yar aad soo akhrisatay wax uun in aad ka kororsatay ayaa rejeyni, waxana ku cabbiray taagantan waxa jira jaadad kala duwan galaya, ogowna dhib walba oo maanta taagan waa uu idlaan doonaa, eedaha la sheeganayo iyo uurkutaalooyinkaba waa laga kabsan doonaa, qof kastana halka uu gaabis ka dareemayo xalkeeda waa uu heli doonaa; Eebbe idinkiise, guusha waa ay dhawdahay ee yaa la niyad jabin. Nafta ha la sii dhiirrigeliyo, kheyrka Alle waa uu imaan doonaa, duruufaha aad ku jirtana waa ka bixi, ee dedaal oo ka sii badi.

Ardayad✍️

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top