๐ฌ๐š๐Ÿ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ก๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ž๐ž ๐ค๐š ๐›๐ข๐ฅ๐š๐š๐›๐š๐ง๐š๐š๐ฒ๐š ๐ค๐š ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐๐๐š (๐‚๐จ๐ฆ๐Ÿ๐จ๐ซ๐ญ ๐™๐จ๐ง๐ž) ๐ข๐ฅ๐š๐š ๐ฎ๐ฎ ๐ ๐š๐š๐ซ๐จ ๐ก๐ž๐ž๐ซ๐ค๐š ๐ก๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š (๐†๐ซ๐จ๐ฐ๐ญ๐ก ๐™๐จ๐ง๐ž).

W/Q: Ayuub Xaaji Axmed

Safarkaan waxaa loo qaybiyey afar marxaladood oo mid walba kaalin muhiim ah ku leh horumarka shaqsiga. Aynu mid kasta si faahfaahsan u eegno:

1. ๐‚๐จ๐ฆ๐Ÿ๐จ๐ซ๐ญ ๐™๐จ๐ง๐ž (๐€๐š๐ ๐ ๐š ๐‘๐š๐š๐ฑ๐š๐๐š.-

Qaybtaan: qofka waxa uu dareemaayaa deganaan iyo in aysan waxba ka maqnayn balse uu ku jiro jawi dagan oo bilaa buuq ah. Qofka waxa uu ku war-wareeganaayaa hal xaalad ama Nolol aan isbeddal iyo horumar toona lahayn isaga oo dareemaaya Raaxo iyo Xasilooni Nafeed taas oo ku sababbaysa Cabsi iyo marmarsiiyo, waxa uuna ka baqaaya in uu wax cusub sameeyo.

Si kooban marxaladdaan waxa uu qofku ku jiraa jawi isku filnaansho ah oo aan culeys lahayn, isaga oo baqdin ka qaba wax walba oo cusub ama cabsi leh

2. ๐…๐ž๐š๐ซ ๐™๐จ๐ง๐ž (๐—๐š๐ฒ๐ง๐๐š๐š๐›๐ค๐š ๐‚๐š๐›๐ฌ๐ข๐๐š)

Qofka marka uu goโ€™aansado in uu kabaxo confort Zone-ka, waxa uu geli doonaa marxaladda cabsida. qaybtaan waa mid qofka uu dareemo kalsooni yaraan iyo cabsida waxa cusub ee uu dariska la noqday. Waxyaabaha lagu garto marxaladdan waa:

Kalsooni Laโ€™aan: qofka waxa uu ka cabsadaa challenge-ga uga imaanaayo waxaan cusub ee uu bilaabay ama hadallada ay dadka kale ka dhihi doonaan.

Sidookale xaaladaani waxa u qofku si qotodheer ula tacaalaayaa Dhibaatooyinka iyo Mushkiladaha soo wajahaaya, Qofku waxa uu si fiican ula tacaalayaa caqabado iyo aragtiyo aan wanaagsanayn, taas oo uu u arko in ay caqabad ku yihiin horumarkiisa.

3. ๐‹๐ž๐š๐ซ๐ง๐ข๐ง๐  ๐™๐จ๐ง๐ž (๐€๐š๐ ๐ ๐š ๐–๐š๐ฑ๐›๐š๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š)

Marka uu qofku goโ€™aansando in uu horay usii socdo, waxa uu galayaa aagga waxbarashada, halkaas oo uu ku baranaayo xirfado cusub iyo qaabab cusub oo uu dhibaatooyinka u wajaho. Marxaladdan waxaa uu qofka ku baranaaya Xallinta Dhibaatooyinka, waxa uu baranayaa sida uu dhibaatooyinka ugu wajahi lahaa si caqli iyo xirfad ku salaysan, Sidookale Inta uu qofku ku jiro aagga waxbarashada waxa uu kobcinayaa kalsoonidiisa iyo awooddiisa ah in uu la qabsado xaalado cusub Iyo fahamka in Khaladaadku yihiin Casharro: Qofku waxa uu fahmayaa in khaladaadku aysan ahayn wax laga cabsado, balse ay yihiin casharro uu ku sii fiicnaan karo, waxna ka baran kara.

4. ๐†๐ซ๐จ๐ฐ๐ญ๐ก ๐™๐จ๐ง๐ž (๐€๐š๐ ๐ ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š)

Tani waa marxaladda ugu dambeysa, ee uu qofku helo xurriyad iyo horumar dhinac walba ah. Marxaladdan waxaa lagu gartaa qofka oo gaara yoolal sarreeya, waxa uuna dareemaaya awood iyo in uu gaaray riyooyinkiisa.

Astaamaha marxaladdan waxaa ka mid ah:

Hansare: Qofku waxa uu dejiyaa himilooyin waaweyn oo ku wajahan horumarinta naftiisa iyo xirfaddiisa.

Horumarinta Riyooyinka. Qofku waxa uu dareemaa dhiirrigelin iyo hami uu ku xaqiijiyo riyooyinkiisa iyo yoolasha uu tiigsanayo.

Gaarista Ujeeddooyin cadcad. Ugu dambeyn, qofku waxa uu fahmaa ujeedada noloshiisa, waxa uuna gaarayaa guulo muhiim ah.

๐†๐š๐›๐š-๐ ๐š๐›๐จ:

Safarka horumarku waxa uu ka billowdaa in qofku ka baxo meel raaxo leh (Comfort Zone), isagoo maraaya Xeyndaabka cabsida (Fear Zone), Xeyndaabka waxbarashada (Learning Zone), ilaa uu ugu dambeyn gaaro heerka horumarka (Growth Zone). Safarkan waa mid adag, balse waxa uu qofka u horseedi karaa in uu gaaro guulo waaweyn oo noloshiisa ah.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top