Waxaa qoray: Sh. Abdirahman Bashir
waxaa tarjumay Ayuub Xaaji Axmed
Dadku isku mid maaha marka ay timaado dhismaha aqoonta iyo nidaamka, sidoo kale isku mid maaha fahamka nolosha iyo isbeddelkeeda. Sidaa darteed waxaad ka heli doontaa kuwa aan la qaan gaarin isbeddelada, kuwa aan la socon horumarka iyo dhacdooyinka lama filaanka ah kuwaas oo xitaa sababa dhacdooyin culus oo ka yaabiya xitaa kuwa da’yarta ah.. Sababta arrintan ayaa ah in qofkaasi uusan u noolayn si uu u noqdo qof la xuso ama uu noloshiisa wax macno leh uga dhigo laakin wuu noolyahay, sababtoo ah wuxuu arkay uun isagoo dunida jooga, mana jirto jihayn uu raacayo oo uu ku ogaado meesha uu joogo ama halka uu ku socdo.
Markaan arrintan si qoto dheer uga fikiray, waxaan isweydiiyay: maxaa la sameyn karaa si looga baxo qalalaasahan joogtada ah ee aan hanuunka lahayn? Kadib waxaan u helay xalka inaan dejiyo qawaaniin muhiim ah oo aan qof walba ku caawin karo inuu ka baxo xaaladdan. Qawaaniintani waa toban qodob oo dhammeystiran, waana sidan qawaannidaas:
𝐐𝐨𝐝𝐨𝐛𝐤𝐚 𝐊𝐨𝐨𝐰𝐚𝐚𝐝
Qofkii u noolaada naftiisa oo kaliya, wuxuu ku noolaanayaa nolol yar (micnaheedu waa nolol aan saameyn lahayn). Qofkii u noolaada naftiisa iyo dadka kale, wuxuu noqonayaa mid weyn. Qofkii u noolaada qiyam, fikradda, iyo fariinta uu aaminsan yahay, wuxuu noqonayaa mid kunool nolol sharaf leh.
—
𝐐𝐨𝐝𝐨𝐛𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝
Qofkii naftiisa u hibeeya naftiisa oo kaliya, wuxuu noqonayaa mid si caadi ah isaga nool. Qofkii naftiisa u hibeeya wanaagga, wuxuu noolaanaayaa nolol muhiim ah. Qofkii naftiisa u hibeeya fariinta uu aaminsan yahay, wuxuu noqonayaa mid wayn oo raad waara oo aan la tiri karin ku reeba nolosha, isagoo dadka kale tusaya micnaha dhabta ah ee nolosha.
—
𝐐𝐨𝐝𝐨𝐛𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝.
Qofkii nolosha ka fiiriya dhinaciisa oo kaliya, wuxuu arkayaa waxyaabo yar oo aan qiimo lahayn. Qofkii ka fiiriya dhinaca qabiilkiisa, wuxuu arkayaa arrimo yar oo hooseeya. Qofkii ka fiiriya nolosha barta uu kunoolyahay ama mandiqaddiisa oo kaliya, wuxuu ogaanayaa wax yar oo nolosha ah. Laakiin qofkii nolosha ka fiiriya waaxyiga samaawiga iyo xaqiiqada ka muuqata caalamka, wuxuu si qoto dheer u fahmi karaa isbeddellada nolosha. Haddaba, noqo qofka afraad si aad uga mid noqoto kuwa wax fahma.
—
𝐐𝐨𝐝𝐨𝐛𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐚𝐚𝐝
Qofkii ka carara siyaasadda cabsi darteed, wuxuu ku noolaanayaa siyaasadda hoosteeda isaga oo aan ka warqabin. Qofkii ku lug yeesha siyaasadda isaga oo aan lahayn xeerar siyaasadeed, wuxuu ku noolaanayaa nolol siyaasadeed aan magac iyo muuqaal lahayn. Qofka siyaasiyiinta ku dhex jira isaga oo aan aqoonsan shakhsiyaddiisa siyaasadeed, wuxuu noqonayaa qof mar walba isbedbeddelaya oo aan la fahmin ( ji jiroole).
Haddaba, yaa garan kara shakhsiyadda siyaasadeed ee noocaas ah?
—
𝐐𝐨𝐝𝐨𝐛𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐧𝐚𝐚𝐝
Qofkii nolosha la qaata kuwa saboolka ah, wuxuu ka aaminsan yahay maalqabeennimada inay ceeb tahay. Qofkii la jooga oo la saaxiiba maalqabeennada oo keliya, wuxuu ka aaminsan yahay nolosha inay tahay xeelad iyo ururinta lacag oo keliya. Laakiin qofkii labadooda (sababoolka iyo maalqabeennada) la nool isaga oo leh aragtiyo iyo qiimeyaal sugan, wuxuu u fiirinayaa nolosha si dheellitiran oo sax ah.
—
𝐐𝐨𝐝𝐨𝐛𝐤𝐚 𝐋𝐢𝐱𝐚𝐚𝐝
Qofkii ka fogaada muranka dadka caadiga ah (dadka yaryar ee aan micnaha wayn ku fadhin), wuxuu helayaa Nabadgalyo iyo sharaf. qofkii lamurmana iyaga ayuu lamid noqonaayaa Laakiin qofkii barta aqoonta muranka oo la doodda dadka caqliga badan, wuxuu ka baranayaa waxyaabo aann buugaagta soo koobi karin. Haddaba, hala murmin qofka aan caqli lahayn.
—
𝐐𝐨𝐝𝐨𝐛𝐤𝐚 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝
Qofkii akhriya buugaagta si uu aqoon u helo oo kaliya, wuxuu noqonayaa nuqul buugga kamid ah. Qofkii buuga akhriya si uu u fahmo, wuxuu noqonayaa mid ka hormarsan buugga. Qofkii buuga u akhriya aqoon, faham, iyo falanqayn, wuxuu noqonayaa mid wax ku kordhiya. Laakiin qofkii buugga u akhriya si uu nolosha ugu dhiso, wuxuu noqdaa mid gaaray ujeeddadiisa.
—
𝐐𝐨𝐝𝐨𝐛𝐤𝐚 𝐒𝐢𝐝𝐝𝐞𝐞𝐝𝐚𝐚𝐝
Qofkii hal nolol oo keliya ku noolaada, wuxuu noolaanayaa nolol yar. Qofkii ka faa’iidaysta nolol badan oo waaya-aragnimo ah, wuxuu noolaanayaa nolol qani ah. Qofkii la noolaada quraanka, wuxuu helaayaa nolol ka duwan tan caadiga ah, waayo Quraanka waa kitaab waqti walba iyo meel walba quseeya.
—
𝐐𝐨𝐝𝐨𝐛𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐚𝐝
Qofkii si cilmi ah u xusho fikraddiisa, wuxuu ku noolaanayaa nolol deggan. Qofkii ku nool nolosha dadweynaha oo keliya, wuxuu noqonayaa mid wareersan. Xigmaddu waxay ku jirtaa isku dheellitirka xulashada iyo wareerka.
—
𝐐𝐨𝐝𝐨𝐛𝐤𝐚 𝐓𝐨𝐛𝐧𝐚𝐚𝐝
Waynida qofku kuma jirto xilka uu hayo, mana aha maalqabeennimada uu leeyahay, mana aha aqoonta kaliya ee uu bartey. Waynida qofku waxay ku jirtaa saameynta uu dadka ku yeesho iyo sida uu u hoggaamiyo si uu ugu toosiyo dariiqa sare. Halkaa ayey ka bilaabantaa macnaha hoggaaminta.

