๐‘๐š๐›๐ข๐ญ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐Œ๐ฎ๐ฌ๐ญ๐š๐ช๐›๐š๐ฅ ๐ƒ๐ž๐ ๐๐ž๐  ๐š๐ก: W/Q: Ayuub Xaaji Axmed

๐‡๐จ๐ซ๐๐ก๐š๐œ:

Xilliga dhallinyarada waa waqtiga qofku riyoonayo oo uu doonayo in uu mustaqbalkiisa ka shaqeeyo. Inta badan dhallinyarada waxa ay u arkaan in guushu tahay wax ay si degdeg ah u gaari karaan, iyaga oo u hanqal taagaya in ay dhaqso ku helaan guulaha nolosha, sida maaliyad, sumcad, iyo madaxbannaani. Si kastaba ha ahaatee, rabitaanka mustaqbal degdeg ah waxa uu la sababi karaa caqabado iyo halisyo waaweyn, gaar ahaan marka aan la tixgelin qorsheynta dheer iyo dadaalka loo baahan yahay. Qofka dhallinyarada ah waa in uu fahmaa in guushu aysan ahayn wax dhaqso ku yimaada, balse u baahan tahay sabir, dulqaad, iyo dadaal joogto ah.

S๐š๐š๐ฆ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ก๐š๐ฅ๐ข๐ฌ๐š๐ก๐š ๐ซ๐š๐›๐ข๐ญ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ฆ๐ฎ๐ฌ๐ญ๐š๐ช๐›๐š๐ฅ๐ค๐š ๐๐ž๐ ๐๐ž๐ ๐ ๐š ๐š๐ก, —

1. ๐ˆ๐ฌ๐ญ๐ข๐œ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐ž ๐€๐š๐ง ๐ƒ๐ก๐š๐ฆ๐ฆ๐ž๐ฒ๐ฌ๐ญ๐ข๐ซ๐ง๐š๐ฒ๐ง:

Dhallinyaradu waxa ay marar badan isku dayaan in ay si dhaqso ah u gaaraan himilooyinkooda iyagoo adeegsanaya qorsheyaal aan dhammeystirnayn. Rabitaanka mustaqbalka degdegga ah waxa uu sababi karaa in qofku qaato goโ€™aanno degdeg ah oo aan laga fikirin, kuwaas oo ku saleysan kuwa rabitaan iyo hammuun ay ka buuxdo. Waxaa qofka ka awood badinaaya dareennadiisa shaqsiga ah taasina waxa ayna keeni kartaa guuldarro maadaama qorshe aan si fiican loo dejin uusan siin karin natiijooyin waara. Guushu waxa ay u baahan tahay qorshe cad oo la sii tixgeliyay, kaas oo leh yoolal muddo dheer iyo kuwo muddo gaaban ah.

2. ๐ƒ๐š๐ฒ๐š๐œ๐š๐š๐๐๐š ๐—๐ข๐ซ๐Ÿ๐š๐๐š๐ก๐š ๐€๐š๐ฌ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก

Marka qof dhallinyaro ah uu isku dayo in uu si degdeg ah u gaaro guusha, waxa uu mararka qaar dayacaa xirfadaha aasaasiga ah ee uu u baahan yahay si uu u noqdo qof guulaysta. Xirfadaha sida dad lamacaamilka, go’aan qaadashada, hab fikirka (mindset), maaraynta waqtiga IWM,

waa kuwa muhiim ah oo loo baahan yahay in la sii horumariyo si qofka uu ugu diyaargaroobo in uu dhiso mustaqbal ifaaya. Rabitaanka mustaqbal degdeg ah waxa uu keenaa in la dayaco xirfadahaan, maadaama qofku uu u hanqal taagayo wax aan waqtigooda ku imaan.

3. ๐๐š๐š๐๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐…๐ฎ๐ซ๐ฌ๐š๐๐จ ๐‡๐š๐ฅ๐ข๐ฌ ๐š๐ก:

Dhallinyarada doonaya mustaqbal degdeg ah waxa ay marar badan u muuqdaan kuwo isku dayaya in ay ka faaโ€™iideystaan fursado halis ah, sida maalgelinta ganacsiyo aan la hubin, ku lug lahaanshaha shaqooyin aan nidaamsanayn oo shaki gali kara mustaqbalkiisa qofeed, ama qaadashada deymaha badan si ay dhaqso ugu gaaraan guul maaliyadeed. Halisaha noocan oo kale ah waxa ay sababi karaan in qofka uu wajaho culaysyo dhaqaale ama xannibaado kale oo mustaqbalkiisa qatar gelin kara. Guusha dhabta ah waa mid u baahan in si sabir leh loo shaqeeyo iyada oo la adeegsanayo fursado dhab ah oo la hubiyay.

4. ๐ˆ๐ฌ-๐›๐š๐ซ๐›๐š๐ซ๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐š ๐๐จ๐ฅ๐จ๐ฌ๐ก๐š ๐ƒ๐š๐๐ค๐š ๐Š๐š๐ฅ๐ž

Ha raacin (Role Model) la hiigsade aadan isku mowqif ahaynin

Marar badan, rabitaanka mustaqbal degdeg ah waxa uu ka yimaadaa is-barbardhigga dhallinyaradu u sameeyaan noloshooda iyo ta dadka kale ee ay ku arkaan baraha bulshada. Marka qofku arko dad kale oo gaarey guulo muuqda, sida hanti ama sumcad, waxa uu dareemaa in uu isna sidaas u baahan yahay in uu sameeyo waliba si degdeg ah, balse uu rabo in uu ku daydo qof kale oo waqtk iyo juhdi dheer bixiyay balse isagu dooni maayo in uu Waqti iyo juhdi bixiy, Waa muhiim in la fahmo in qof walba uu leeyahay jidkiisa gaarka ah oo guushu aysan ku iman is-barbardhig, balse ku timaado shaqo adag iyo sabir.

5. ๐‚๐š๐๐š๐š๐๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ช๐จ๐ฒ๐ฌ๐ค๐š:

Cadaadiska ka yimaada bulshada ama qoyska ayaa sidoo kale qayb ka qaata rabitaanka mustaqbalka degdegga ah ee dhallinyarada. Marar badan, dhallinyarada waxaa la saaraa culays ah inay guulo degdeg ah gaaraan, iyagoo ku fikiraaya in ay ka hor maraan asxaabtooda ama ka soo baxaan filashada qoyskooda. Cadaadiskaas waxa uu sababi karaa goโ€™aanno degdeg ah oo aan loo qorsheynin, kuwaas oo keeni kara guul-darro iyo xannibaado mustaqbalka, sidookale cadaadiska ay qoysku saaraam dhallinyarada waxaa kamid ah guur degdeg ah iyo helidda shaqo muddo yar.

6. ๐ƒ๐ข๐ข๐๐ฆ๐š๐๐š ๐’๐š๐›๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐š๐ช๐š๐๐š ๐‰๐จ๐จ๐ ๐ญ๐š๐๐š ๐š๐ก:

Mid ka mid ah waxyaabaha ugu waaweyn ee keena rabitaanka mustaqbalka degdegga ah waa diidmada sabirka iyo fahamka in guusha dhabta ahi ay u baahan tahay waqti iyo shaqo joogto ah. Dhallinyarada waxa ay marar badan u arkaan in shaqo adag iyo dulqaad aysan muhiim ahayn, iyaga oo ku hanqal taagaya in guusha la heli karo iyada oo aan loo soo marin jid dheer. Guusha degdegga ah waxay inta badan tahay mid muuqata oo aan waari karin, halka guusha lagu gaaraa shaqada adag ay tahay mid waarta oo qofka u horseedi karta mustaqbal ifaya.

Gabyaa carab ah ayaa waxa uu yiri ” dhibta ama shidada inta ay la egtahay, ayaad meela sare kasbanaysaa, qofkii meelo sar sare dalbaaya, habeennayaalo ayuu soojeedaa”

7. ๐—๐ข๐ฅ๐ฅ๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐ก๐ข๐›๐š๐š๐ญ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š:

Marka qof dhallinyaro ah uu isku dayo in uu dhaqso ku helo hanti ama guulo dhaqaale, waxa uu si sahlan u gali karaa dhibaatooyin dhaqaale. Qaadashada deymaha badan ama maalgelinta mashruucyo aan la hubin waxa ay keeni kartaa in qofku ku dhaco dayn aan laga soo kaban karin. Waxa ay sidoo kale keeni kartaa in qofku ku tiirsanaado lacagaha deynta muddo dheer, taas oo ka horjoogsanaysa inuu xorriyad maaliyadeed helo mustaqbalkiisa. Waxaa muhiim ah in la fahmo in dhaqaalaha la helo waqti kadib iyo dadaal joogto ah.

8. ๐…๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐Š๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฌ๐ก๐š ๐ƒ๐ž๐๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ฃ๐จ๐จ๐ ๐ญ๐ž๐ฒ๐ง ๐ฅ๐š’๐š๐š๐ง๐ญ๐š.

Dhallinyarada doonaya mustaqbal degdeg ah, waxa ay marar badan wajahaan fashil, gaar ahaan marka dadaalkooda uu yahay mid aan si fiican loo qorshaynin. Guulaha nolosha waa kuwo u baahan dhisid dheer iyo dadaal joogto ah. Haddii qofku isku dayo in uu guulo ku gaaro waliba si degdeg ah, fashilka waa qayb ka mid ah saameynta ka dhalata. Fashilkaas waxa uu keeni karaa niyad-jab iyo in qofka uu ka niyad jabo inuu sii wado dadaalka.

9. ๐’๐š๐š๐ฆ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐Ÿ๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐Œ๐š๐ฌ๐ค๐š๐ฑ๐๐š:

Rabitaanka mustaqbalka degdegga ah wuxuu saameyn taban ku yeelan karaa caafimaadka maskaxda iyo nafta qofka. Dhallinyarada waxaa ku dhici kara cadaadis maskaxeed, walbahaar, iyo welwel joogto ah iyagoo u baahan inay gaaraan guulo muuqda oo aan waqti ku imaan karin. Tani waxa ay keeni kartaa dhibaatooyin caafimaad oo ay ka mid tahay daal maskaxeed, hurdo laโ€™aan, iyo niyad-jab. Waa muhiim in qofku barto inuu naftiisa u naxariisto, una qoonsado dadaalka uu bixiyay isaga oo aan is-qasbin.

— ———–

๐‘๐š๐š๐๐ข๐ง๐ญ๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ซ๐ญ๐š ๐จ๐จ ๐‹๐จ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐š๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐š๐ช๐จ ๐€๐๐š๐  ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐š๐›๐ข๐ซ:

Guusha dhabta ah waa mid waarta oo lagu gaaro dadaal iyo sabir. Dhallinyarada waa inay bartaan in guulaha nolosha aysan si fudud u iman, balse ay ku yimaadaan qorsheyn, shaqo adag, iyo dulqaad. Waa muhiim in la ogaado in dadaalka joogtada ah iyo inay qaadaan tallaabooyin sax ah ay horseedi karto in qofka uu helo guul waarta oo raagta.

๐†๐ฎ๐ง๐š๐š๐ง๐š๐.

Rabitaanka mustaqbalka degdegga ah waa halis soo wajahda dhallinyarada doonaya inay si dhaqso ah uga gaaraan nolosha guulo. Si kastaba ha ahaatee, guusha dhabta ah waxa ay ku timaadaa sabir, qorsheyn dheer, iyo shaqo adag oo joogto ah. Qofka dhallinyarada ah waa in uu fahmaa in guushu aysan ahayn wax si fudud loo helo, balse ay tahay safar dheer oo u baahan dulqaad iyo dadaal. Markii la qaato go’aanno lagu saleeyo qorshe cad iyo sabir, natiijada waa guul waarta oo ku hagta mustaqbal ifaya.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top