𝐍𝐨𝐥𝐨𝐬𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐚 𝐗𝐮𝐬𝐮𝐮𝐬𝐨 𝐖𝐚𝐚𝐫𝐚, 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧𝐚 𝐊𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧 𝐦𝐮𝐮𝐪𝐚𝐭𝐚 𝐤𝐚𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚 𝐀𝐬𝐥𝐮𝐮𝐛𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠𝐬𝐚𝐧. w/q: Ayuub Xaaji axmed

Noloshu waa safar ay kuu weheliso dhacdooyin badan oo kala duwan, oo mid walba laga dhaxlo xasuus iyo cibro. Marka qofku ku dhex jiro safarkiisa nolosha, waxaa jira dhacdooyin iyo xaalado aan la ilaawi karin, kuwaas oo saamayn ku yeesha qofka naftiisa iyo bulshadiisa. Waxaa ugu muhiimsan marka la eego raad raaca nolosha, waa in qofku ku nool yahay akhlaaq iyo asluub wanaagsan oo dhaxal gal ah, si uu uga tago xusuus wanaagsan

Muddo bil kahor ah, aniga oo kujira shaqa maalmeedkeyga ayaa waxa aan jidka kula kulmay aabe da’ ah oo wajigiisa laga dheehan karay xikmad iyo aqoon dheer oo uu ku kasbaday nolosha iyo mawaaqifta kala duwan ee uu sok maray. waxa uj sidookale haystay faham qoto dheer oo diinta ah, taas oo si muuqata looga dheehan karay qaabkiisa iyo deganaanta uu dadka kula falgalaayo.

Adeerka waxa uu sugayay bajaaj, aniguna kaligay ayaan saarnaa bajaajta oo bannaanka ayaa fadhiyay. Waxa aan darawalkii bajaajta ku iri, “Saaxib u jooji adeerkaan.” Deetana , “Haye.” Ayuu igu yiri.

Markii aan adeerkii salaamay, waxa aan galnay sheeko yar oo gaaban oo ay ku dheehan tahay is-barasho iyo waraysi kooban. Intii aan sheekaysanaynay, waxa aan ka faa’iidaystay fursadda aan ku weydiin karo talo. Waxaan waydiiyay su’aal: “Maxaad kula talin lahayd nin dhallinyaro ah, oo 20-jir ah?”

Isaga oo aan ka fekerin ayuu markiiba igu jawaabay, “Adeer, u toosnoow sida lagu faray—فَاسْتَقِمْ كَمَا أُمِرْتَ وَمَن تَابَ مَعَكَ وَلَا تَطْغَوْا ۚ إِنَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ (U toosnoow sida lagu faray, hana xadgudbina, Eebana waa arkaa waxaad samaynaysaan). Sidookale, sadaqo bixi.”

Kaddib, waxa uu iiga sheekeeyay qiso cajiib ah oo ay ka muuqato xikmad weyn, taasoo runtii naftayda saameyn weyn ku yeelatay. Sheekadu waxa ay u dhacday sidan:

Waxaa jiray wiil bajaajle ah oo duruufo adag oo dhaqaale ku jiray. Maalin maalmaha ka mid ah, wiilkii ayaa u tegay wadaad caabid ah oo ay isku xaafad ahaayeen, waxa uuna uga warramay xaaladdiisa iyo sida uu u dareemayo baahi iyo busaarad xooggan. Wadaadkii ayaa dhageystay waliba si naxariis leh, kadibna waxa uu wiilkii ku yiri: “Bajaajtaada maalin dadka uga dhig bilaash, maalinta kalena lacag ka qaad.”

Inankii yaab iyo fajac ayaa uu kunoqday hadalkii wadaadka, waxa uuna ku yiri, “Sidee ayaan sidaas u sameeyaa?” Wadaadkii ayaa ku jawaabay, “Marka ay ku waydiiyaan imisa ayaad goobtaas igu geyneysaa, ku dheh ‘Maanta waa bilaash oo Alle dartiis ayaan kugu caawinaaya,’ maalinta kalena si caadi ah u shaqee.”

Wiilkii wuu aqbalay taladii sheekha, waxa uuna si sax ah u sameeyay sidii uu u tilmaamay. Maalintii uu bilaashka ku shaqeeyo, waxa uu dareemaa farxad iyo deeqsinimo, maalinta kalena lacagtiisa caadiga ah ayuu ka shaqeeyaa. La yaabse waxaa noqday, in markii uu maalmaha uu lacagta shaqeynayo uu helayay lacag ka badan mida uu isku darka labada maalin heli jiray. Micnaha inta uusan jadwalka maalin

Waa qaddar Alle oo aan la garan karin sida ay u shaqeyso.

Maalin maalmaha ka mid ah ee uu bilaashka ku shaqeynayo, waxaa bajaajtiisa soo raacay maamule ka tirsan mid kamid ah banki-yada Soomaaliya, kaas oo howl caawimaad ah ka shaqeynayay. Intii uu socday safarka, wiilkii bajaajlaha ah ayaa si wacan u faahfaahiyay nidaamkiisa shaqo iyo sida uu maalmo gaar ah lacag la’aan ugu shaqeeyo, isagoo raali ka ah inuu dadkiisa caawiyo.

Maamulihii marka uu maqlay sheekadaas, aad ayuu ula dhacay, waxa uuna ku yiri: “Adeer, waad ku mahadsantahay dadaalkaaga iyo naxariista aad u muujiso bulshadaada.” Markii uu maamulihii dhammeeyay shaqadiisa, waxa uu wiilkii abaalmarin ahaan u siiyay lacag dhan $5,000, isaga oo ku yiri: “Tani maaha wax aad shaqaysatay ee waa natiijada dadaalkaaga iyo naxariista aad bulshaddaada u muujisay.”

Gunaanadka sheekada.

Sheekadan waxa ay xambaarsan tahay xikmad qoto dheer oo nolosha iyo sadaqada ah. Marka aan Alle dartii wax u bixino, waxaan ka helnaa khayr iyo barako aan xisaab lahayn. Talada aabahaas duqda ah waxay na xusuusinaysaa in noloshu tahay meerto aynu uga tagno raad wanaagsan, camal wanaagsan oo dhaxal gal ah, iyo in aan u toosno sida Alle inoo amray. Waxaa inaga qaalisan xusuusta wanaagsan iyo sida aynu naxariis u muujino, waayo naxariistaas ayaa raadkeeda inta badan ka sii baxda marka aan nafteena aan fileynin.

𝐌𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧 𝐤𝐚 𝐛𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐤𝐚𝐫𝐧𝐚𝐚?

𝐀𝐬𝐥𝐮𝐮𝐛𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐐𝐢𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐲 𝐤𝐮 𝐥𝐞𝐞𝐝𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐍𝐨𝐥𝐨𝐬𝐡𝐚:

Asluubtu waa halka laga billaabo guusha qofeed iyo midda bulsho. Akhlaaqda wanaagsan waa midda qofka ka dhigta in uu yahay shaqsi wanaagsan, la jecel yahay oo xusuus wanaagsan ka taga. Dadka sida wanaagsan u dhaqma, waxa ay ka dhex muuqdaan bulshada, waayo dhaqankooda wanaagsan ayaa qalbiga dadka taabanaaya. Noloshu ma’aha oo kaliya in la noolaaado, balse waa in la noqdo qof wanaag iyo asluub kaga tagay iyo raad waara.

𝐌𝐚𝐰𝐪𝐢𝐟𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐚𝐰𝐞𝐲𝐧:

Go’aanada Ka Dhalaalay Nolosha:

Dhacdooyinka iyo go’aamada muhiimka ah ee nolosha ayaa noqon kara kuwa xusuus waara leh. Marka qofku go’aan wanaagsan qaato, kaas oo saameeya naftiisa iyo bulshada, waxa ay noqon doontaa xasuus aan dhimanayn. Qof kasta waxaa laga filayaa in uu qaato go’aanno xikmad leh oo noloshiisa wax weyn ka beddela.

𝐗𝐮𝐬𝐮𝐮𝐬𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠𝐬𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐫𝐚𝐚𝐝 𝐚𝐚𝐧 𝐝𝐡𝐢𝐦𝐚𝐬𝐡𝐤

Xusuusta wanaagsan ayaa ku dhismeysa camalka wanaagsan ee uu qofku sameeyo. Qofka marka uu caawiyo dadka kale, wanaag u muujiya, ama wax taro bulshadiisa, waxa uu abuuraa xasuus wanaagsan oo aan marna la illoobi karin. Raadadkan wanaagsan waxay ku jiraan sheekooyinka bulshada iyo dhaxalka jiilalka dambe.

Gunaanad:

Noloshu waa dhaxal, waana in qofku ku dadaalo in uu ka tago xusuus wanaagsan oo aan la iloobi karin. Xikmadda nolosha ayaa ah in ay noqoto mid leh asluub iyo anshax wanaagsan, oo qofka lagu booriyo wanaaggiisa iyo saameynta uu ku yeeshay dadkiisa iyo bulshadiisa. Taasina waa xusuusta waarta ee nolosha.

Waxaa muhiim ah in la fahmo in aan la iloobi doonin camalkaaga, akhlaaqdaada, iyo wanaagga aad la wadaagto dadka kale. Waxa aan u noolnahay noloshaan aadka u dhibta iyo mushkiladda badan in aan uga tagno xusuus aan tirtirmeyn, taas oo ah tan keliya ee aan ka dhaxli karno noloshan.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top