๐๐จ๐ซ๐๐ก๐๐:
Caashaqa iyo xiriirrada jacaylka ee dhallinyarada waa kuwo dareen ahaan xiiso leh oo qalbiga qofka ku abuura farxad iyo himilooyin mustaqbal. Si kastaba ha’ahaatee, haddii xiriirradaasi aysan ku dhisnayn xikmad iyo qorshe cad, waxa ay sababi karaan dhibaatooyin nafsaani ah iyo kuwa maskaxeed oo saamayn weyn ku leh nolosha qofka. Dhallinyaradu waxay u nugul yihiin halisaha noocaan ah, maadaama caashaqa iyo dareenka la xiriira xiriirrada aysan inta badan ka turjumin xal waara ama mustaqbal caafimaad qaba.
—-
๐.๐๐๐ฅ๐๐ข ๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฎ๐ซ๐ฎ๐ ๐จ ๐๐จ๐จ๐ ๐ญ๐จ ๐๐ก:
Xiriirka jacaylka oo socda muddo badan, balse aan lahayn qorshe cad ama ujeeddo mustaqbal, waxa uu sababi karaa qalbi jab weyn haddii xiriirkaasi burburo. Qofka dhallinyarada ah ayaa dareemi kara murugo joogto ah iyo niyad-jab maadaama uu si qoto dheer ugu xirnaa lammaanihiisa, waxa aynna ku noqon kartaa uurkutaalo uusan waligii kaso kabsan. Murugadaas waxay keeni kartaa culeys nafsaani ah oo muddo dheer qofka heysata, taasoo keeneysa in uu waayo kalsoonidii uu ku qabay xiriirrada mustaqbalka.
—
2. ๐๐๐ก๐๐ฐ๐๐ซ๐๐๐ซ ๐๐๐ฌ๐ค๐๐ฑ๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฌ๐ค๐ฎ-๐๐ก๐๐ฑ๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐๐ซ๐๐๐ง๐ค๐ ๐ช๐จ๐๐ค๐:
Xiriirrada jacaylka ee aan ku saleysneyn ama aan natiijadoodu ahayn mustaqbal sax ah waxa ay sababi karaan jahawareer maskaxeed iyo isku dhexyaac dareen. Dhallinyarada, oo si fudud u sameysan kara xiriirro aan cawaaqibtooda laga fiirsan, waxa ay ku dhici karaan xaalad jahawareer ah oo aysan garanaynin waxa ay noloshooda ka rabaan.
Marka xiriirkaasi uu noqdo mid ku saleysan dareen kumeel-gaar ah, qofka waxa uu ku qasban yahay inuu goโaamiyo xaaladda, micnaha ama in uu xiriirkaas joojiyo ama uu xaaladiisa iskaga jira isagoo dareemaya xaalad aanan xasilloonayn. Taasi waxay keenaysaa in qofku isku arko in uu ku jahawareersan yahay waxa uu ka rabo qofkaan uu xiriirka la leeyahay, maadaama uu waqti badan siiyay balse uu hadda fahmi la’yahay waxa is beddalay.
—
3. ๐๐ฎ๐ฆ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ช๐ญ๐ข๐ ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ ๐ฎ๐ซ๐ฌ๐๐๐๐๐ก๐ ๐๐๐ฑ๐๐๐ซ๐๐ฌ๐ก๐จ:
Xiriirrada aan loo diyaargaroobin waxa ay ku khasbaan qofka in uu waayo wakhti qaali ah oo muhiim ugu ahaa waxbarashadiisa iyo horumarinta naftiisa. Amintan luntay ee aan laga faa’iidaysan balse seddex ama afar sanno lagu dayacay xiriir jacayl aan natiijadiisa lasii saadaali karin waxa uu ka hor istaagaa qofka in uu xoogga saaro waxyaabaha muhiimka u ah, sida aqoonta iyo xirfadaha shaqo. Dhallinyarada, oo ah kuwa ugu baahi badan in ay naftooda horumariyaan, waxa ay waayaan fursado ay ku gaari lahaayeen guulaha nolosha, iyagoo ku mashquulsan xiriirro aan rasmi ahayn oo waqtigooda ku khasaaro.
—
4. ๐๐๐๐๐๐๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐๐ฌ๐ค๐๐ฑ๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฎ๐ฅ๐๐ฒ๐ฌ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐๐ง๐ค๐:
Xiriirrada aan mustaqbalka lagu saleyn waxa ay sababi karaan cadaadis maskaxeed iyo culeys dareen oo qofka saameeya. Qofka waxa uu la kulmaa walbahaar iyo walaac joogto ah oo ku saabsan haddii xiriirkaasi uu socon doonno iyo haddii kale. Dareenkaan culus waxa uu dhaawacaa noloshiisa maalinlaha ah iyo waxqabadkiisa guud. Tani waxay qofka ku riddaa xaalad uu dareemo farxaf laโaan, niyad-jab, iyo awood yaraanta maareynta xaaladdihiisa dareen.
Cadaadiska dareenka waxa uu ka imaanaaya sugidda falcelinta lammaanka kale maadaama uusan qofkaan saadaali karin suurtagalnimada falcelinta saaxibtii/ kiisa.
—
๐. ๐๐ฌ๐ค๐ฎ ๐๐๐ฒ๐ ๐ ๐๐ง ๐๐จ๐จ ๐๐จ๐ ๐ ๐๐๐ง๐ฌ๐๐ฆ๐จ ๐๐๐๐ฅ๐ฅ๐ข๐ ๐๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฆ๐ฆ๐๐๐ง๐๐ก๐:
Qofka dhallinyarada ah ee ku jirra xiriir jacayl oo aan la qorsheyn ama aan laga sii taxaddarin habka sheekadiisa u ekaan doonto waxa uu noqdaa mid isku dayaya in uu mar walba raalli geliyo lammaanihiisa, isaga oo luminaya awooddiisa goโaan qaadashada iyo jiritaanka shakhsiyaddiisa. Tanina waxa ay keentaa in uu qofka ku tiirsanaado waxa uu lammaanihiisu ka rabo, isaga oo aan dareemin xorriyadda uu ku maareyn karo noloshiisa. Tani waxay sababtaa inuu qofka ka baxo shakhsiyaddiisii asalka ahayd, maadaama uu isku dayayo in uu noqdo qof ujeeddo la’aan ah oo kaliya doonaya in uu ka fogaado khilaaf, micnaha qofkaan waxaa ku dhacay niyad jab wayn oo ah, haddii uu raali galin waayo lammaankiisa waxa uu ku fekerayaa in laga tagaayo sida awgeed marwalba raali galin ayuu bixinayaa
—
๐. ๐๐ฎ๐ฆ๐๐๐-๐ฑ๐ฎ๐ฆ๐ข๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ก๐ข๐๐๐๐ญ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐๐๐
Xiriirrada aan salka ku haynin mustaqbal rasmi ah waxa ay dhaawacaan sumcadda qofka, gaar ahaan marka bulshada ay arkaan in wiilka ama gabadhu ku jiraan xiriirro aanan macno lahayn. Sumcad-xumida noocaan ah waxa ay dhaawacdaa kalsoonida bulshada ku qabto qofkaas, gaar ahaan haddii bulshada uu ku jiro uu yahay mid dhaqankooda iyo diintoodu ka soo horjeedaan xiriirrada noocaas ah. Tani waxa ay keeni kartaa in qofka uu waayo taageerada qoyska iyo bulshadiisa, taasoo mustaqbalkiisa saameyn ku yeelata.
—
๐. ๐๐ฎ๐ซ๐๐ฎ๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ฎ๐ฌ๐ญ๐๐ช๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐:
Xiriirrada jacaylka ee aan mustaqbalka lahayn waxa ay dhaawacaan rejada guurka mustaqbalka ee qofka. Dhallinyarada ku nool riyooyin jacayl oo aan dhab ahayn waxa ay lumiyaan wakhti iyo maskax, taas oo keenta in markii uu guur dhab ah u baahan yahay qofka uu dareemo in kalsoonidii iyo niyaddii ay ka dhammaatay. Qofka wuxuu dareemaa inuu ku qaldamay xiriirro aan qiimo lahayn, taasoo dhaawac ku reebta abdadiisa(rejadiisa )iyo hamigiisa guur iyo dhisidda qoys caafimaad qaba.
—
๐๐ฎ๐ง๐๐๐ง๐๐:
Xiriirrada jacaylka ee aan si wanaagsan looga fiirsan waxa ay leeyihiin saameyn taban oo qofka dhaawaca. Dhallinyarada waa inay si adag uga fekeraan xiriirrada shucuureed ee ay galayaan, iyagoo tixgelinaya in dareenka iyo caashaqa aan loo marin waddooyinka qaldan. Waa in jacaylka lagu saleeyo qorshe iyo ujeeddo mustaqbal leh, iyadoo laga fogaanayo waxyaabaha dhaawici kara shucuurta iyo nolosha guud ee qofka. In la fahmo dhibaatooyinka caashaqa aan la hagi karin waa muhiim si loo badbaadiyo dareenka, nolosha, iyo mustaqbalka qofka.

