W/Q: Ayuub Xaaji Axmed
Habka iqtiraaca ama hal-abuurka waa nidaam loo maro soo saaridda fikrad cusub oo laga dhigo xal wax ku ool ah oo bulshada, ganacsiga, ama suuqyada kala duwan ka faaโiidaystaan. nidaamkaan waxa uu leeyahay marxalado is-daba joog ah oo isku xiran, oo midba midka kale ku xiran yahay, si xalka loo abuurayo uu ugu dambayn qiimo weyn ku yeesho bulshada ama macaamiisha.
Saaxibayaal waxa aan si faahfaahsan idin kugu soo qoray Jaranjarta ama Habka lo yaqaano Innovation Process-ka.
1. ๐๐ฌ๐ญ๐๐ซ๐๐๐ญ๐ข๐ข๐ฃ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ (Stategy)
Qeybtaan waa meesha laga bilaabayo oo lagu abuurayo jiho iyo aragti cad oo la raacayo. Waxaa lagu qaabeeyaa qorshe balaaran oo qeexaya ujeeddooyin gaar ah iyo yoolal ballaaran oo la hiigsanayo. Qorshahaas waxa uu ka bilaabmaa ogaanshaha halka la rabo in la gaaro iyo sababta loo hal-abuurayo. Istaraatiijiyadda waa iftiinka hagaya halka lagu socdo, waxayna sahashaa in la fahmo waxa loo baahan yahay iyo sida loo gaari karo.
Istaraatiijiyad xooggan waxay abuuri kartaa rajo iyo yididiilo, halka mid aan caddeyn ay dhalin karto jahawareer iyo waji-gabax.
2. ๐๐๐ซ๐๐๐ฌ๐๐ (๐๐ง๐ฌ๐ข๐ ๐ก๐ญ๐ฌ)
Qeybtaan waxaa si qoto dheer loogaaga faalloodaa xogaha iyo xaaladaha ka jira suuqa la rabo in laga dhex sameeyo hal-abuur. Waxaa lagu sameeyaa baadhitaan xirfadeysan oo laga soo ururiyo xogaha sugan, ldeetana laโ isku miisaamo xogahaas si loo soo saaro aragti qotodheer oo qeexi karta dhibaatooyinka ama fursadaha jira.
Daraasayntu waa in fikradda laga dhex helo waxyaabaha qarsoon ee u baahan in si hal-abuur leh wax looga qabto, waxaana muhiim ah in dareenka iyo aragtida lagu saleynayo baahiyaha bulshada, dhaqaalaha, iyo isbeddelada tiknoolajiyadda. Tani waxa ay dhalisaa xamaasad iyo furfurnaanta fekerka cusub, taas oo horseedi karta inaan laga niyad-jabin caqabadaha fikradani lakulmi doonto.
๐. ๐ ๐ข๐ค๐ซ๐๐ ๐๐ฎ๐ซ๐ข๐ง (๐๐๐๐๐ญ๐ข๐จ๐ง)
Qeybtaan Waa marxalad muhiim ah oo lagu soo saaro fikradaha cusub ee xalal waara noqon kara. Kooxaha hal-abuurka ayaa isu yimaada, waxa ayna isku dayaan in ay ka takhalusaan fekerkii hore oo ay keenaan aragtiyo cusub oo aan caadi ahayn. Halkan waa meesha hal-abuurka dhabta ahi ka dhasho, waxaana la abuuraa fikrado tira badan oo mid kasta lagu sameeyo qiimeyn, midka ugu fiican ayaa la sii door bidaa.
Si fikradahaasi u noqdaan kuwo waxtar leh, waxaa muhiim ah in la abuuro jawi xor ah oo qof kastaa ku dhiirrado in uu ka hadlo waxa uu dareemayo ama fikirka cusub ee uu qabo. Fikrad-curintu waa mid ka tarjumi karta nuuca ay fikraddaan noqon doonto
๐. ๐๐ข๐ซ๐ ๐๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ฃ๐๐๐๐ข๐ง๐ญ๐ (Develop and Test)
Qaybtaan waa halka la guda galayo in fikradda la soo hal-abuuray lagu beddelo wax la taaban karo, iyadoo la sameeynaayo qaab tijaabo ah (prototype) ama tusaale bilow ah. Horumarinta iyo tijaabinta waxa ay lagu hubiiyaa in fikraddaasi tahay mid la fulin karo oo ku habboon baahida laga hadlay. Halkan waxaa lagu qaadaa talaabooyin lagu arki karo sida xalalkaasi uga jawaabayaan baahiyaha iyo caqabadaha la doonayo in lagu xalliyo.
๐. ๐๐ข๐ซ๐ ๐๐ฅ๐ข๐ง & ๐๐๐๐ก๐ข๐ง (๐๐ฆ๐ฉ๐ฅ๐๐ฆ๐๐ง๐ญ ๐๐ง๐ ๐๐๐๐ฅ๐)
Kadib marka fikradda lagu guuleysto tijaabinteeda, waxaa la guda galayaa marxaladda hirgelinta oo ah in xalalkaasi loo soo bandhigo bulshada ama suuqa loogu talagalay. Hirgelinta waxaa la socota sidii xalalkaasi loo baahin lahaa oo loo gaarsiin lahaa qeybaha kale ee suuqa.
๐. ๐๐ข๐ข๐ฆ๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฅ-๐๐๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐ ( ๐๐๐ฅ๐ฎ๐)
Qeybtaan waa marxaladda ugu dambaysa ee ah halka lagu saleeyo ama qiimeyo guusha iyo faaโiidada uu hal-abuurku keenay. Waxaa lagu sameeyaa baadhis iyo falanqeyn la xiriirta sida xalalkaasi uga hirgaleen suuqa, raali-gelinta macaamiisha, iyo in la ogaado in himiladii iyo yoolalkii hore loo dejiyay la gaaray.
Qiimeynta hal-abuurka waxaa lagu cabbiraa natiijada ka soo baxday hal-abuurka, waxa uuna goโaamiyaa ini xalalkaasi ay yihiin kuwo bulshada ku soo kordhiyay adeeg cusub, ama suuqa ku soo kordhiyay faaโiidooyin cusub. Hal-abuurka guuleystay waa midka abuuraya isbeddel wanaagsan oo muuqda oo qof walba ka faaโiidaysan karo.
๐๐ฎ๐ง๐๐๐ง๐๐: Habka hal-abuurka waxa uu baahan yahay sabar, xeeladeysi, iyo in uu qofka hal-abuuraha ahi yeesho aragti fog. Marxalad walba waxa ay leedahay muhiimad gaar ah; waa haddii si wanaagsan loo fuliyo, waxa ay horseedeysaa in laga soo saaro xalal waxtar leh oo bulsho, dhaqaale, iyo teknolojiyad ahaanba qiime leh.

