Ayub Ahmed Hussein
——————————————————————–
Qofwalba oo inaga mid ah waxaa ku xeeran duruufo nololeed iyo caqabado aan la tiri karin.
Qofkasta oo inaga mid ah waxa uu ubaahanyahy:
1. 𝐏𝐞𝐫𝐬𝐨𝐧𝐚𝐥 𝐑𝐨𝐮𝐭𝐢𝐧𝐞: oo ah, in qofku ka taxadaro Caafmaadkiisa, iyo nadaafaddiisa, isla markaana uu sameeyo jimicsi isaga oo sidoo kale qaadanayo cunto dheelitiran oo nafaqo leh.
2. 𝐅𝐚𝐦𝐢𝐥𝐲 𝐚𝐧𝐝 𝐑𝐞𝐥𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧: Mid kasta oo inaga mid ah waxaa muhiim ah oo looga baahanyahy in uu qoyskiisa caawiyo, biilka Guriga keeno iyo in Xidhiidhka kala dhaxeeyo qoyskiisa uu hagaajiyo.
3. 𝐂𝐨𝐦𝐦𝐮𝐧𝐢𝐭𝐲: qofka waxaa laga doonayaa in uu dhiso Xiriir bulsho oo caalami ah, bulshadiisa u adeego, Caddaalad sameeyo, xittaa mararka qaar uu lacag la’aan ku shaqeeyo
4. 𝐄𝐭𝐡𝐢𝐜𝐚𝐥 𝐚𝐧𝐝 𝐦𝐨𝐫𝐚𝐥: Qofkasta waxa uu doonaaya oo uu jecel yahay in uu Daacad noqdo, Naxariis badnaado, isla markaana noqda qof Xushmad leh, Qof la sharfo oo go’aan leh, deetana lagu xisaabtamo marka lajoogo Golayaasha iyo fagaarayaasha.
Qofka kasta oo inaga mid ah waxaa looga baahanyahay?
1. 𝐖𝐨𝐫𝐤 𝐚𝐧𝐝 𝐜𝐚𝐫𝐞𝐞𝐫: Waxaad la kulmaysaa Amaro, waqtigaaga waa laguu xisaabinaaya iyo Shaqooyinkaaga in aad waqtigooda kuso dhammayso, Waxaa muhiim ah in aad noqoto qof dhago nugul misana dulqaad badan
2.𝐅𝐢𝐧𝐚𝐧𝐜𝐢𝐚𝐥 :Waxaa lagaa rabaa in aad Badjet-yada dejiso, Biilasha bixiso, Keyd sameysato iyo In aad gaarto go’aan dhaqaale.
3.𝐏𝐞𝐫𝐬𝐨𝐧𝐚𝐥 𝐃𝐞𝐯𝐞𝐥𝐨𝐩𝐦𝐞𝐧𝐭: waa in aad sameysaa hormar shaqsiyadeed, In aad Wax cusub baratid ayaa lagaaga baahanyahy, Hadafyo degsatid iyo in aad si joogta ah wax ubaratid.
Hadaba Ayada oo intaas Kusoo riixaayaan, Culaysna uu ku saaranyahay Waxa aad heysataa kaliya 24 sacadood.
𝐇𝐚𝐝𝐚𝐛𝐚 𝐒𝐢𝐝𝐞𝐞 𝐤𝐮 𝐦𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧 𝐤𝐚𝐫𝐭𝐚𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐡𝐭𝐢𝐠𝐚𝐚𝐚𝐠𝐚?
Waxaan qormadaan Kugula wadaagayaa sida ugu fudud ee aad waqtigaaga ku maareyn kartid.
♤ 8 Saacadood Seexo
♤ 8 Saacadood Shaqeyso /Waxbaro
♤ 3 Saacadood Ku bixi Nafsadaada sida in aad samaysid Jimicsi, Daryeel jireed, ama dukaameysi.
♤ 1 Saac ku bixi xiriirada bulsheed ee aad leedahay sida in aad qoyskaaga, saaxibadaada iyo kuwa aad jeceshay waqti la qaadatid.
♤ 1 Saac kubixi Iskaga gooshidda hawlahaaga sida in aad gaadiid raacdid.
♤ 1 Saac ku bixi waxyaabaha aad jeceshahy sida Akhriska, Daawashada filimaanta, Kubadda IWM.
♤ 1 Saac ku bixi Hormarintaada Shaqsiyeed sida in aad wax cusub baratid, Seminar aad ka qeybgasho iyo waxyaabo kale oo Aqoon kororsi kuu ah.
♤ 1 saac ka dhigo Wakhti nasiino oo Aadan waxba qabanayn Inta aad meel fadhiisato, is weydii waxa kuu qabsoomay maalintaada iyo waxa kaa dayacmay.
Hubaal, Waxaan rajaynaaya in aad wax uun ka dheeftay qormadaydaan gaaban.
Mahadsanid.

