𝐓𝐨𝐛𝐚𝐧 𝐓𝐚𝐥𝐨 𝐨𝐨 𝐊𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐰𝐢𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐊𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐛𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐥𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐥𝐚𝐟𝐬𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐥𝐚𝐝 𝐅𝐚𝐡𝐚𝐦𝐤𝐚 𝐍𝐨𝐥𝐨𝐬𝐡𝐚.

Waxaa qoray: Sh. Abdirahman Bashir.

Waxaa Tarjumay: Ayuub Xaaji Axmed

1. Noloshaada ku noolow fikradda aad rumeysan tahay, dadka dhexdiisana u bandhig, hana ka laba-labeyn inaad faafiso, xitaa inaad difaacdo oo aad ilaaliso.

2: Si buuxda diiradda usaar fikradda aad rumeysan tahay ilaa ay noqoto magacaaga ugu weyn, xitaa haddii ay noqoto inaad adigu noqoto fikradda lafteeda, oo ay dhiiggaaga ku dhex socoto, oo aan la kala saari karin adiga iyo iyada.

3: U beddel fikraddaada mashruuc noloshaada ah, hana ka dhigin oo kaliya aragti aan la hirgelin karin, fikradda aan u beddelmin mashruuc waxay ahaaneysaa riyo, riyaduna haddii ay ku sii nagaato maskaxda muddo dheer, ma noqon karto mid sii socon karto, balse waxay noqon doontaa hadal hawada ka dhex socda.

4: Waa muhiim inaad fikraddaada u jeclaato si aan xad lahayn, ilaa ay isku dhex milmaan ayada iyo ilmadaada, markaas kaliya ayey fikradda yeelaneysaa Ruux, oo marka fikradda ruux yeelatana waxay bilaabeysaa inay ku socoto qalbiyada iyo maskaxdaba

5: Baro farshaxanka qancinta, mid ka mid ah farshaxannada qancintuna waa doodda. Qofka aanan si wanaagsan u dhegeysanna dood kuma guuleysto, qofka si wanaagsan fikradiisa dadka u gaarsiiyana waa qofka ku xeeldheer farshaxanka qancinta.

6: Balaari xiriirka aad la leedahay dadka kale, oo xiriiradaas noocyo kala duwan ka dhig, Ha isku dayin inaad xiriir sameysato oo kala xirxirto, balse ka dhig mid furan, laakiin feejignow.

7: Ha ciyaarin doorka macallinka nolosha oo dhan, balse noqo arday iyo macallin isku mar ah. Ardaygu waa mid wax barta, macallinkuna waa mid wax bara. Noloshu waa iskuul weyn, qofkuna waa kan ka ciyaaraa doorar kala duwan.

8: Ha ka fikirin inaad sameyso ismiidaamin siyaasadeed sida ay sameeyaan da’yarta, hana qorsheyneynin ismiidaamin ilbaxnimo sida ay sameeyaan kuwa degdega. Qofka bini’aadamka ah markuu nolosha dhinac kaliya ka arko wuxuu si joogto ah uga fekeraa ismiidaamin siyaasadeed. Siyaasiga la falgala waqtiga hadda jira isagoo aan mustaqbalka tixgelin, wuxuu qorsheeyaa guuldarro ilbaxnimo.

9: Dooro program nolosh ah, u dooro barnaamijkaas mashruuc, mashruucaana u dooro rag, ragaana u dooro fikrad, fikraddaana u dooro aragti. Ma jiro guul la gaaro aragti la’aan, horumarna ma jiro fikrad la’aan, mashruucna laguma guuleysto rag la’aan.

10: Ha noolaan adigoo aan rajo lahayn, nolosha rajada la’aanteed waa doorasho ismiidaamin. Ka soo saar fikradda aad rumeysan tahay khudbad dhalin karta yididiillo mustaqbal. mana dhisi karno mustaqbal anagoo aan laheyn khudbad siyaasadeed iyo dacwo, mana ahan xigmad in la sameeyo khudbaddan haddii aanay wadan aragti iyo mustaqbal ifaaya. Tanina waxay ku xiran tahay khudbadda, rajada xilliyada qalad dareenka iyo dhibaatooyinka fikirka.

Kuwaasi waa toban talo oo ku saabsan waqtigan adag, waqtiguna ma aha mid adag laftiisa, balse adkaantu waxay ka timaadaa firaaqada istaraatiijiga ah ee ka dhashay maqnaanshaha waxqabadka dhankeenna ah, iyo faragelinta dibadda taas uu cadowga kaga faa’iideysto firaaqadeenna, maadaama ay ku ballaaranayaan firaaqooyinkeena.

Anigane waa idiin soo turjumay si aad wax uun uga dheeftaan.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top