๐Œ๐š๐›๐š๐š๐๐ข’๐๐š ๐๐จ๐ฅ๐จ๐ฌ๐ก๐š.

W/Q: Ayuub Xaaji Axmed

๐‡๐จ๐ซ๐๐ก๐š๐œ

Mabaadi’du waa qiyamka qofku uu ku barbaaro sida aaminaadda, runta, iyo daacadnimada, waana qiyam aan la beddeli karin ama laga tanaasuli karin. Waxa ay matalaan qiimaha qofka uu leeyahay. Waxaa la yiraahdaa: “Dadka oo dhammi waa kuwa ku teedsan, mabaadi’dooda, hantidu ma sii jirto, darajooyinka iyo martabaduhuna ma joogaan.”

Waqti walba iyo meel kasta, waxaa jira dad leh mabaadiโ€™ adag iyo kuwo aan lahayn, mabaadi’du waxa ay noqon karaan kuwa xaq ah iyo kuwa baadil ah intaba, laakiin mowqifyadu way kala duwan yihiin. Haddii kuwa mabaadiโ€™da lihi bataan, waa naxariis Alle sababta oo ah waxa badanaaya kuwa aan ka baqin eedayn cid kale kaga timaada, Laakiin haddii kuwa aan mabaadiโ€™da lahayni bataan, waa calaamadaha lagu garto in xaaladu is rogtay, oo xaqa iyo Baadilka ayaa isku dheehma, oo xaqa waxaa loo arkaa baadil iyo been, kuwa wanaagsanna waa la dulmiyaa, halka kuwa xunxunna ay darajo sare gaaraan.

Marka qiyamku lumo oo mabaadi’da la dilo, shar kasta ayaa xoogaysta. Beentu waa ay soo badanaysaa, nifaaqu wuu faafayaa, khiyaanooyinku way badanayaan, barakadu way yaraataa, musuqmaasuquna wuu kordhayaa. Xitaa haddii qofku dhinto, mabaadiโ€™diisa wanaagsan, qiyamtiisa suuban, iyo sumcadiisa wanaagsan way sii noolaadaan sidii geed wanaagsan oo xididkiisu adag yahay laantiisuna ay cirka taagan tahay.

Marka dunida iyo danaha shakhsiga ah ay maamulaan maskaxda qofka, waxa uu noqonayaa mid ka weecda danihiisa shakhsiga ah, tani waa tusaalaha hadda muuqda ee dunidaan aynu ku noolnahay.

Qofka leh mabdaโ€™a sare, wacyigiisa ma saameeyaan Dhibaatooyinka yaryar ee ka dhasha nolosha uu kujiro sababtoo ah waxa uu leeyahay caqli iyo fikir uu ku difaaco mabaadiโ€™diisa, Waxa uuna u hurayaa naftiisa si uu u ilaaliyo.

-๐–๐š๐š ๐ค๐ฎ๐ฆ๐š ๐ƒ๐š๐๐ค๐š ๐ฅ๐ž๐ก ๐ฆ๐š๐›๐š๐š๐’๐ข๐๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐๐š ๐š๐ก, ๐ฌ๐ฎ๐ฆ๐ฆ๐š๐๐๐ž๐ž ๐š๐ฒ๐š๐š๐ง๐š ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ ๐š๐ซ๐ญ๐š๐š ?

Dadka leh mabaadiโ€™da waa kuwa ku dheggan qiyam iyo anshax adag, oo aan ku beddelin duruuf ama danta shakhsiga ah. Waa dad ku nool qiimahooda, sidaas darteed waxaa lagu gartaa astaamo gooni ah oo ay kaga duwan yihiin kuwa aan mabaadiโ€™da lahayn.

๐€๐ฌ๐ญ๐š๐š๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐๐ค๐š ๐ฅ๐ž๐ก ๐Œ๐š๐›๐š๐š๐๐ขโ€™๐๐š:

๐Ÿ. ๐‘๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐š๐š๐œ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐š๐๐š:

Dadka leh mabaadiโ€™da waa kuwa had iyo jeer runta sheega, kuna shaqeeya daacadnimo. Xaqiiqda iyo aaminaaddu waxa ay u yihiin tiir muhiim ah oo ay ku kala hagaan noloshooda iyo la macaamilka dadka kale, waana Astaanta aysan gorgortan ka galin dabaqideeda

๐Ÿ. ๐“๐จ๐จ๐ฌ๐ง๐š๐š๐ง๐ญ๐š:

waa tiir kamid ah astaamaha gaarka ah oo ay leeyihiin dadka leh mabaadi’da fiican, waana kuwa dabaqa Hadalkii Alle oo ahaa ( u toosnaada sida la’idin faray).

Waxa ay ku dhaqmaan toosnaan, iyaga oo raacaya qiyamka iyo anshaxa wanaagsan oo ay diinteenna wanaagsani dhigeyso. Waxa ay isku dayaan in ay ku dhaqmaan hab-dhaqan ku salaysan caddaalad , iyagoo aan u eexanayn cidna oo aan xaqana ka leexanaynin.

๐Ÿ‘. ๐ƒ๐ฎ๐ฅ๐ช๐š๐š๐๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐š๐ฆ๐ข๐ซ๐ค๐š:

Noloshu waa halgan ee maa hadiyad la isasiiyo, halganka nololeed ee shaqsiyadda qofka ayaa go’aamiya sida uu ula falgali lahaa mabda’a uu aamminsanyahay.

Dadka leh mabaadiโ€™da waxa ay leeyihiin dulqaad, taas oo macnaheedu tahay in ay u dulqaataan dhibaatooyinka iyo cadaadiska kaga iman kara goโ€™aannada adag ee ay qaataan si ay u ilaaliyaan mabaadiโ€™dooda.

๐Ÿ’. ๐ˆ๐ฅ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐Œ๐š๐ฌโ€™๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š:

Waxa ay fahmaan in mas’uuliyadda ka saaran tahay noloshooda iyo dhaqankooda, oo ay isku dayaan inay ilaaliyaan isku dheellitirnaanta u dhexeysa qiyamka diinta iyo waaqiciga nolosha maalinlaha ah.

Dadka leh mabaadiโ€™da way ka reeban yihiin ficilada xun xun ama waxyaabaha sababi kara in ay u dhaqmaan si aan bannaanayn

๐Ÿ“. ๐ƒ๐š๐๐š๐š๐ฅ ๐ข๐ฒ๐จ ๐‡๐š๐ฅ๐ ๐š๐ง:

Dadka leh mabaadiโ€™da waxay dadaal iyo halgan u galaan sidii ay u ilaalin lahaayeen xaqa iyo qiyamka wanaagsan, waxayna diyaar u yihiin inay iska caabiyaan cabsida iyo caqabadaha ay la kulmaan.

Inkasta oo ay xusid mudantahy in dhammaan nolosha ay tahay halgan socda.

๐ƒ๐จ๐จ๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐๐ค๐š ๐ฅ๐ž๐ก ๐Œ๐š๐›๐š๐š๐๐ขโ€™๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š:

–๐ˆ๐ฅ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐Š๐š๐ฅ๐ฌ๐จ๐จ๐ง๐ข๐๐š ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š::

Dadka leh mabaadiโ€™da waxa ay aasaas u yihiin kalsoonida bulshada, sababtoo ah waxa ay abuuraan jawi qof kasta ku kalsoonaan karo. Tani waxa ay sababtaa in bulsho caafimaad qabta la helo oo dadka oo dhan ay isku halayn karaan midba midka kale.

-๐” ๐‡๐จ๐ซ๐ฌ๐ž๐ž๐๐ข๐๐๐š ๐๐š๐›๐š๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐‚๐š๐๐๐š๐š๐ฅ๐š๐:

Waxay door muhiim ah ka qaataan sugidda nabadda iyo caddaaladda bulshada, iyagoo u taagan xaqa, kana hortagga dulmiga iyo sinnaan laโ€™aanta, waxa ayan diiradda saaraan u kala garsooridda bulshada iyo xalinta khilaafaadka bulshada kadhex dhaca.

– ๐“๐ฎ๐ฌ๐š๐š๐ฅ๐ž ๐–๐š๐ง๐š๐š๐ ๐ฌ๐š๐ง

Dadka leh mabaadiโ€™da waa tusaale fiican oo bulshada wax ka baran karto. Waxa ay bulshada baraan sida loo adkeeyo qiyamka, loona gaari karo guul iyadoo laga fogaanaayo dhammaan ficilada aan habbooneyn.

–๐“๐š๐š๐ ๐ž๐ž๐ซ๐ข๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐ก๐ข๐ฌ๐ข๐๐๐š ๐‰๐ข๐ข๐ฅ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐˜๐š๐ซ๐ฒ๐š๐ซ:

Dadkan waxa ay noqon karaan macalimiin ama lataliyayaal bulshada ku hagi kara qiyamka wanaagsan, oo waxa ay jiilka cusub baraan muhiimadda ay leeyihiin akhlaaqda iyo qiyamka.

–๐‡๐š๐ ๐š๐š๐ฃ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐Œ๐ฎ๐ฎ๐ช๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š:

Marka dadka leh mabaadiโ€™da ay bulshada dhexdeeda ku bataan, waxay keentaa in bulshadu ka baxdo waxyaabaha liita oo loo jeesto jihada wanaagga iyo horumarka.

๐†๐ฎ๐ง๐ญ๐ข๐ข ๐ข๐ฒ๐จ ๐ ๐ž๐›๐จ๐ ๐š๐›๐š๐๐ข๐ข

.dadka leh mabaadiโ€™da waa kuwa bulshada kaga jira boos muhiim ah, waxaana muhiim ah in ay bulshooyinka ku soo kordhiyaan nabad, kalsooni, iyo cadaalad. Waxa ay tusaale u yihiin wanaagga, waxaana laga baran karaa akhlaaqda iyo guusha nolosha.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top