๐ˆ๐ฌ๐ญ๐ข๐ช๐Ÿ๐š๐š๐ซ๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ช๐จ๐Ÿ๐ค๐š ๐ง๐จ๐ฅ๐จ๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ๐š ๐ฎ ๐ฅ๐ž๐ž๐๐š๐ก๐š๐ฒ. W/Q: Ayuub Xaaji Axmed

—————————————————

“๐€๐ฅ๐ฅ๐š๐ก ๐ฐ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ฎ ๐ฎ๐ฎ ๐ฑ๐š๐๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐ฎ๐๐ฌ๐ข ๐ค๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ซ๐ข:

“Ina Aadamow, haddii aad i baryayso oo aad i rajayso, waan kuu dambi-dhaafi doonaa wixii aad sameysay, mana u aabba-yeeli doono. Ina Aadamow, haddii dunuubtaadu gaaraan cirifka cirka, kadibna aad i weydiisato dambi-dhaaf, waan kuu dambi-dhaafi doonaa. Ina Aadamow, haddii aad ii la timaaddo dunuubo la eg dhulka oo dhan, kadibna aad i la kulanto adigoon wax igu shariik yeelin, waxaan kuu la imaan doonaa dhulka mugiis oo danbi dhaaf ah”.

๐‡๐จ๐ซ๐๐ก๐š๐œ ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ˆ๐ฌ๐ญ๐ข๐ ๐Ÿ๐š๐š๐ซ๐ญ๐š.

Istigfaartu waa mid ka mid ah nimcooyinka uu Allah SWT u soo dejiyey addoomihiisa. Qofka Muslimka ah waxa uu mar walba gala dunuub, sidaas darteed, waxa uu u baahan yahay in uu u laabto Allah SWT oo uu weydiisto dambi-dhaaf, raxmad iyo cafis.

Abu Musa (RC) wuxuu yiri: “Waxaan haysanay laba ammaan. Mid waa la qaaday, waana joogitaanka Rasuulka (SCW), midna weli waa nala jiraa, waana Istigfaar. Haddii uu tago (Istighfaarku laโ€™aan), halaagsanay!”

๐Œ๐ข๐œ๐ง๐š๐ก๐š ๐ˆ๐ฌ๐ญ๐ข๐ ๐Ÿ๐š๐š๐ซta

๐Ÿ. ๐ˆ๐ฌ๐ญ๐ข๐ ๐Ÿ๐š๐š๐ซ ๐ฅ๐ฎ๐ช๐š๐ ๐š๐ก๐š๐š๐ง

Erayga “Istigfaar” waxa uu ka yimid falka (ุงุณุชุบูุฑ), oo macnihiisu yahay in la weydiisto dambi-dhaaf iyo cafis. Waxa kale oo uu la macne yahay in qofku rajo ka qabo in dunuubtiisa laga asturo oo aan la ciqaabin.

Luqadda Carabiga ah, asalka erayga (ุบูุฑ) macnihiisu waa asturto. Sidaas darteed, marka aan dhahno “Istighfaar,” waxa ay la macne tahay in qofku Allah SWT ka baryayo in la asturo dunuubtiisa oo aan loo ciqaabin.

๐Ÿ. ๐ˆ๐ฌ๐ญ๐ข๐ ๐Ÿ๐š๐š๐ซ ๐ฌ๐ข๐๐š ๐’๐ก๐š๐ซ๐ž๐ž๐œ๐š๐๐ฎ ๐๐ก๐ข๐ ๐ญ๐จ

Culimada Islaamka waxa ay ku fasireen Istigfaarta sida:

โ€ข Weydiisashada Allah SWT dambi-dhaaf.

โ€ข Rajeynta in dembiga laga cafiyo.

โ€ข Yoolka ugu dambeeya oo ah in Allah SWT aanu u ciqaabin qofka dunuubtiisa.

——————————-

๐…๐š๐๐ฅ๐ข๐ ๐š ๐ˆ๐ฌ๐ญ๐ข๐ ๐Ÿ๐š๐š๐ซ๐ญ๐š ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ซโ€™๐š๐š๐ง๐ค๐š.

Istigfaartu waxa ay leedahay muhiimad sare, waxaana lagu sheegay Qurโ€™aanka Kariimka ah dhowr jeer. Aayado badan ayaa tilmaamaya sida Allah SWT uu u jecel yahay dadka Istigfaarta badan sameeya.

Aayadaha Qurโ€™aanka ah oo ka hadlaya Istigfaarta

1. Suuratul Baqara โ€“ Aayadda 199:

“ูˆูŽุงุณู’ุชูŽุบู’ููุฑููˆุง ุงู„ู„ูŽู‘ู‡ูŽ ุฅูู†ูŽู‘ ุงู„ู„ูŽู‘ู‡ูŽ ุบูŽูููˆุฑูŒ ุฑูŽุญููŠู…ูŒ”

(“Istighfaar weydiista Allah, waa hubaal in Allah uu yahay mid Dambi-dhaaf badan, Naxariis badan.”)

2. Suuratu Huud โ€“ Aayadda 3:

“ูˆูŽุฃูŽู†ู ุงุณู’ุชูŽุบู’ููุฑููˆุง ุฑูŽุจูŽู‘ูƒูู…ู’ ุซูู…ูŽู‘ ุชููˆุจููˆุง ุฅูู„ูŽูŠู’ู‡ู”

(“Rabigiinna weydiista dambi-dhaaf, kadibna u toobad keena.”)

3. Suuratu Nuux โ€“ Aayadda 10:

“ููŽู‚ูู„ู’ุชู ุงุณู’ุชูŽุบู’ููุฑููˆุง ุฑูŽุจูŽู‘ูƒูู…ู’ ุฅูู†ูŽู‘ู‡ู ูƒูŽุงู†ูŽ ุบูŽููŽู‘ุงุฑู‹ุง”

(“Waxaan idhi: Rabigiinna weydiista dambi-dhaaf, waa hubaal inuu yahay Dambi-dhaaf badan.”)

4. Suuratu Aali-Cimraan โ€“ Aayadda 133:

“ูˆูŽุณูŽุงุฑูุนููˆุง ุฅูู„ูŽู‰ูฐ ู…ูŽุบู’ููุฑูŽุฉู ู…ูู†ู’ ุฑูŽุจูู‘ูƒูู…ู’ ูˆูŽุฌูŽู†ูŽู‘ุฉู ุนูŽุฑู’ุถูู‡ูŽุง ุงู„ุณูŽู‘ู…ูŽุงูˆูŽุงุชู ูˆูŽุงู„ู’ุฃูŽุฑู’ุถู ุฃูุนูุฏูŽู‘ุชู’ ู„ูู„ู’ู…ูุชูŽู‘ู‚ููŠู†ูŽ”

(“U degdega Dambi-dhaafka Eebbe iyo Janno ballaceedu uu la mid yahay dhulka iyo cirka oo loo diyaariyey kuwa dhawrsada.”)

๐ˆ๐ฌ๐ญ๐ข๐ ๐Ÿ๐š๐š๐ซ๐ญ๐ฎ ๐ฐ๐š๐š ๐๐š๐ซ๐ข๐ข๐ช๐ข๐ข ๐๐š๐›๐ข๐ฒ๐š๐๐š.

Istigfaartu waa caado ay la yimaadeen Nabiyadii hore. Allah SWT waxa uu Qurโ€™aanka ku xusay in Nabiyada oo dhan ay Istigfaar sameyn jireen.

1. Nabi Aadam iyo Xaawo (Suuratu Al-Acraaf โ€“ Aayadda 23):

“ุฑูŽุจูŽู‘ู†ูŽุง ุธูŽู„ูŽู…ู’ู†ูŽุง ุฃูŽู†ููุณูŽู†ูŽุง ูˆูŽุฅูู† ู„ูŽู‘ู…ู’ ุชูŽุบู’ููุฑู’ ู„ูŽู†ูŽุง ูˆูŽุชูŽุฑู’ุญูŽู…ู’ู†ูŽุง ู„ูŽู†ูŽูƒููˆู†ูŽู†ูŽู‘ ู…ูู†ูŽ ุงู„ู’ุฎูŽุงุณูุฑููŠู†ูŽ”

(“Rabbi, waxaan dulminnay nafteena. Haddii aadan noo dambi-dhaafin oo aadan naxariis nagu yeelan, hubaal waxaan noqonay kuwa khasaaray.”)

2. Nabi Nuux (Suuratu Nuux โ€“ Aayadda 28):

“ุฑูŽุจูู‘ ุงุบู’ููุฑู’ ู„ููŠ ูˆูŽู„ููˆูŽุงู„ูุฏูŽูŠูŽู‘ ูˆูŽู„ูู…ูŽู† ุฏูŽุฎูŽู„ูŽ ุจูŽูŠู’ุชููŠูŽ ู…ูุคู’ู…ูู†ู‹ุง ูˆูŽู„ูู„ู’ู…ูุคู’ู…ูู†ููŠู†ูŽ ูˆูŽุงู„ู’ู…ูุคู’ู…ูู†ูŽุงุชู”

(“Rabbi, ii dambi-dhaaf, waalidkey, iyo qof kasta oo gurigayga soo gala isagoo Muโ€™min ah, iyo dhammaan Muโ€™miniinta rag iyo dumar.”)

3. Nabi Muuse (Suuratu Al-Qasas โ€“ Aayadda 16):

“ุฑูŽุจูู‘ ุฅูู†ูู‘ูŠ ุธูŽู„ูŽู…ู’ุชู ู†ูŽูู’ุณููŠ ููŽุงุบู’ููุฑู’ ู„ููŠ”

(“Rabbi, naftayda ayaan dulmiyey, ee I dambi-dhaaf.”)

๐…๐š๐šโ€™๐ข๐ข๐๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐ˆ๐ฌ๐ญ๐ข๐ ๐Ÿ๐š๐š๐ซ๐ญ๐š.

Istigfaartu waxay leedahay faaโ€™iidooyin badan, sida:

โ€ข Dunuubta oo la dhaafo.

โ€ข Murugada iyo walbahaarka oo la yareeyo.

โ€ข Risqiga oo la kordhiyo.

โ€ข Barwaaqo iyo Roob badan oo la helo.

โ€ข Jannada oo la helo.

โ€ข Dhibaatooyinka oo laga badbaado.

Sidoo kale, Istigfaartu waxay keentaa in Allah SWT uu adoonkiisa uu sharka ka ilaaliyo, wuxuuna qofka ka dhigaa mid qalbigiisu daggan yahay.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top