Hal-abuurku waa sir iyo caqli, laakiin maxaa ka dambeeya hal-abuurka? Waa maxay aasaaska iyo sifooyinka gaarka ah ee ay leeyihiin dadka hal-abuurka leh? Aynu isla eegno dhowrkaan qodob .
โข ๐ ๐ข๐ค๐ข๐ซ ๐๐จ๐ซ ๐๐ก:
Hal-abuurka waxa uu lagama maarmaan uyahay fikirka xorta ah. Bani’aadamka hal-abuurka leh waxay leeyihiin awood ay ku fikiraan waliba si madax-bannaan, iyaga oo aan ka cabsi qabin dhaleecayn ama caqabado. Dabcan caqabado way imaan karaan, waa lagu diidi karaa.markasta maanka ku haay in Haddii lagu beeniyo Nuux-ba hortaa wa la beeniyay oo 950 sano tolkii u yeerayay mayna rumayn! Haddii lagugu gacan saydho oo fikirkaaga ladiido Muuse-ba hortaa waa la caasiyay! Haddii lagugu gabbood falo, isla markaana gardarro laguugu sameeyo Yuusuf-ba hortaa wa la dulmiyay! Haddii aad saboosho Cise-ba hortaa faqir ayuu ahaa! Haddii lagu caydhiyo deetana lagu diido, Maxamed-ba hortaa waa la eryay!. Fikirka xorta ah wuxuu u oggolaanayaa inay baaraan fikradaha cusub oo ay ka fikiraan siyaabo aan horay loo tijaabin.
โข ๐๐ก๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐๐ง๐๐๐ง๐ญ๐:
Hal-abuurayaashu waa dad dhiirran oo aan ka cabsan inay qaadaan tillaabooyin cusub iyo isla markaana wajahaan khataro. Waxay isku dayaan waxyaabo cusub iyaga oo aan hubin natiijada, laakiin waxay diyaar u yihiin inay bartaan oo ka faa’iidaystaan khaladaadka.
Qofna ma malaynayn god madow oo Maka ku dhex yaalla ayuu ka soo bixi ilays ifin doona dunida oo idil. Nabiga Muxamed (SCW) wuxuu muujiyey dhiiranaan iyo adkeysi weyn intii uu la kulmay caqabado kala duwan oo uga yimid reer Qureysh. โAgoonkii hore ee waayay labadiisi waalid ayaa hagaya aabbayaasha, isla markaana waxa uu hagaajinayaa nolosha hooyooyinka. Xoolajirkii shilimmada yar Qureysh adhiga ugu raaci jiray ayaa caawa dusha laga saaray mas’uuliyadda caalamka oo dhan. Ninkii maamuli jiray hantida Khadiija, ayaa maanta hagaya oo hagaajinaya dhaqaalaha caalamka oo dhan. Runlowgii aamminka ahaa ayaa caawa la wareegaya ammaanadiisaโ:-Adam Sharqaawi
โข ๐๐๐ง๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐ก๐ข๐๐๐๐ญ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐.
Hal-abuurayaashu waxay inta badan isticmaalaan habka xalka dhibaatooyinka si ay u helaan xalal cusub oo waxtar leh. Waxay baarayaan dhibaatooyinka, waxay aruurinayaan macluumaad, waxay isku dayaan xalal kala duwan, waxayna qiimeeyaan natiijooyinka si ay u gaaraan xalka ugu fiican. Tusaale โข Ka hor intaanan Nabiga (SCW) la siin Nabinnimada, reer Qureysh waxay go’aansadeen inay dib u dhisaan Ka’bada kadib markii ay ku burburtay daad xooggan. Markii dhismuhu soo gabogaboobay, waxaa timid arrin adag oo ah yaa soo celin doona dhagaxa barakaysan ee Xajrul Aswad meeshii uu ku yaalay. markii Nabiga (SCW) lagu wargeliyay arrinta, wuxuu ku talinaayay xal caddaalad ah oo soo afjari kara khilaafka. Wuxuu weydiistay maro weyn in la keeno. Markii la keenay, wuxuu dhagaxa Xajrul Aswad dul dhigay maradii. Kaddib wuxuu ku amray hoggaamiyeyaasha qabaa’ilka in mid walba uu qabto gees ka mid ah maradii, kadibna wada qaadaan dhagaxa ilaa ay gaarsiiyaan meesha uu dhagaxa laga saaray. Markii dhagaxii la gaarsiiyay meesha, Nabiga (SCW) ayaa gacantiisa ku qaaday dhagaxii oo si tartiib ah ugu meeleeyay booskiisii.
Xalinta caddaaladda leh ee Nabiga (SCW) ayaa soo afjartay khilaafka qabaa’ilka waxayna keentay in qabaa’ilka reer Qureysh ay ku wada qancaan go’aankaas xikmadda leh. Waxa kale oo ay sare u qaaday sumcadda iyo xushmadda uu Nabiga (SCW) ku dhex lahaa bulshada Qureysh, taas oo marar badan loo xusuusto caddaaladdiisa iyo xikmaddiisa.
โข ๐๐ฎ๐ฅ๐ช๐๐๐๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ ๐๐๐๐ฌ๐ข๐ ๐:
Hal-abuurayaashu waxay leeyihiin dulqaad iyo awood ay ku la qabsadaan duruufaha kala duwan. Waxay fahamsan yihiin in habka hal-abuurka uu qaadan karo waqti iyo dadaal, waxayna diyaar u yihiin inay la qabsadaan isbeddelada iyo caqabadaha. Tusaale. Nabi Yusuf (CS) wuxuu ahaa mid dulqaad iyo la qabsiga ku caan baxay intii uu la kulmay xaalado kala duwan oo noloshiisa ah. โข Xaasidnimada Walaalihiis: Nabi Yuusuf (CS) wuxuu u dulqaatay xaasidnimada iyo cadowtinimada walaalihiis kuwaas tuureen ceelka, isaga oo aan wax dembi ah galin. Addoonsiga Masar:Yuusuf (CS) wuxuu u adkeystay duruufaha adoonsiga ee Masar, isagoo noqday addoon ka shaqeeya guriga Boqorka, laakiin wuxuu sii haystay iimaankiisa iyo dulqaadkiisa. Xadhigga: Nabi Yuusuf (CS) waxaa si xaqdaro ah loogu xidhay xabsiga kadib markii ay haweeneydi Boqorka isku dayday inay ka been abuurto, laakiin Yuusuf (CS) wuxuu sii waday sabarka iyo dulqaadka.โข La Qabsiga Xaaladda Wanaagsan: Kadib markii uu noqday wasiirka wax-soo-saarka ee Masar, Yuusuf (CS) wuxuu muujiyay la qabsiga iyo sabarka ku aaddan mas’uuliyadda weyn ee saaran, isagoo si caddaalad ah u maamulay intii lagu jiray sannadaha abaarta iyo barwaaqada.
โข ๐๐ข๐ซ๐๐๐๐๐ก๐ ๐๐๐ ๐ฅ๐ ๐ฆ๐๐๐๐๐ฆ๐ข๐ฅ๐ค๐.
Hal-abuurayaashu waxay inta badan leeyihiin xirfado isgaarsiineed oo wanaagsan. Waxay awoodaan inay fikradahooda si cad oo hufan u gudbiyaan, taasoo ka caawinaysa inay taageero iyo aqbalaad ka helaan dadka kale. Tusaale, waxaa jiray Nin degnaa tuulo. Ninkaas waxa uu marwalba Tuulada kuso dhaweyn jiray dadka halkaas soo dega. Waxa uuna had iyo jeer diirada saari Jiray sidii uu si wacan ugula macaamili lahaa. Waxa uu qofwalba ka qoran jiray Email ama Taleefan Numberkiisa. Waxa uuna jimca walba, Xiliyada ciidaha iyo dhammaan munaasabadaha, farriimo iyo tahniyado ku aadan munaasabadahaas isaga oo ugu diri jiray Emails-kooda.
Waxaa dhacday in maalin maalmaha kamid ah dadkii tuulada dagnaa in ay soo baxaan isla markaana xog uruurin la sameeyo taas oo ah in โ Tuulada loo sameeyo Guddomiyeโ Inta badan dadka deegaanka waxa ay isku raacaan in tuulada Guddoomiye loo sameeyo. Waxaa soo ifbaxay wiil ka dhashay qoys hodan ah oo beero aad badan tuuladaas kulahaa isagoo samaystay olโole doorasho oo aad uweyn.
Ninkii dhallinyarada ahaa ee aan soo sheegnay isagana waxa u uku fakaray in uu noqdo musharrax u taagan qabashada xilka guddomiya-nimo ee tuuladaas.
Wax olโole ah ma samayn kaliya waxa uu diray gal farriin oo dhigneed sida tan โWalal waxaa u tartamaaya xilka guddoomiyaha ee tuulada ee haddii aad ii aragto in aan kasoo bixi karo waajibkaas, fadlan codkaaga ha ila baalmarinโ mar qura ayuu u diray dhammaan dadkii uu Emails-kooda uu haayay. Dadkii waxa ay doorteen ninka dhallinyarada ah ee marwalba farriimaha la wadaagi jiray maadaama uu xiriir fiican ka dhaxeeyay isaga oo aanay ka bixin wax lacag ah.
Awoodda uu adeegsaday ee inankaan kale xilka hoggaamiya-nimo uga dulqaaday maaha lacag ee waa Dad.

