โข ๐๐๐ซ๐ซ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ง๐ข๐ฆ๐๐๐: Inta lagu jiro carruurnimada, hal-abuurku inta badan wuxuu ka muuqdaa ciyaarta iyo mala-awaalka. Carruurtu waxay isticmaalaan maskaxdooda hal-abuurka ah si ay u sahamiyaan dunida ku xeeran, u horumariyaan xirfadaha bulsho, iyo inay bartaan fikradaha cusub. Tusaale wiilasha inta bnadan waxa ay ku ciyaaraan gawaarida yaryarka ah, bastooladaha IWM, Halka Gabdhuhu inta badan ay sameeyaan sawir gacmeedyo yaryar oo loo ekeysiiyay caruur yaryar iyo in ay sa sameeyaan cunto karinta. Waxaan halkaan idin kugu soo gudbinaayaa qisa wiil yar oo magaceedu yahay โ๐๐๐ค๐ ๐๐๐ง๐๐๐ฌ๐ฎ๐ฅ๐ข๐ง ๐๐ข๐ฆ๐ข๐ฅ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐๐๐ ๐โ
Bare ayaa faray ardaydiisii in ay qodobkan soo aaddan curis ka Soo qoraan: maxaad doonaysaa in aad aayaha noqoto?!” Waxa ardayda ka mid ahaa mid sabool ah oo magaciisa la odhan jiray Monty, waxana uu u qoray barihiisii: marka aan weynaado waxa aan yeelan doonaa beer aad u ballaadhan oo ay joogaan kumannaan fardo iyo mayeedhaanka kale ah!” Monty waxa uu barihii siiyay derejooyin hoose, isaga oo ugu gabbanaya in riyadaas sida uu arday sabool ahi u gaadhaa ay adag tahay, markaasuu go’aansaday in uu ardaygiisaas siiyo kansho (fursad) labaad, waxana uu ku yidhi: waxa aan ku siinayaa kansho labaad oo aad ku beddesho curiskaagaas, Si aan dhibco roon kuu siiyo, ee mar labaad qor waxa aad doonayso in aad aayaha nogoto. Waxa uu ugu war celiyay Monty: “macallin iska hayso derajooyinkaaga, aniguna himiladayda ayaan haysanayaa!” Way dhacday oo barihii derejooyinki liitay ee u siiay ayuu sidii ugu soo saaray, Monty-na riyadisiiayuy ku dhegganaaday. Maanta; waxa uu ku leeyahay Monty California beer ad u weyn oo ay ku dhaqan yihin kumannaan fardo iyo mayeedhaanka kaleba lihi. Buugga Casariye.
Ku ilaali ubadka yari haฤพ’abuurkooda. Waalid iyo walaal, eeddo iyo adeer, bare iyo saaxiib kii aad doontaba ahow oo, in aad ku garab gasho rabitaankooda ha kala bakhaylin Hal eray oo aan agtaada waxba ku ahayn ayaa mindidiisa u afaynaya oo uu dhiirrasho uu wax badan ku soo hooyo ka qaadayaa. Hal eray 0o aadan sidaasba u danaynayn ayaa dilaya hibo ka dhex oognayd, hilinkiisa nololeed ee hanka samaha iyo han sarraynta ku addanna dhanka silloonaanta iyo hanjabka u weecinaya
โข ๐๐ก๐๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐๐ซ๐nim๐๐: Hal-abuurku wuxuu ku soo bixi karaa iyada oo loo Maraayo, fikirka cusub, iyo xirfadaha xallinta dhibaatooyinka. Marxaladani waa mid muhiim u ah qofka dhalinyarada ah. Hal-abuurka dhalinyarada waxaa looga faaโideysan karaa nolosha shaqada iyo tan shakhsiyeedba. Waxa ayna door weyn ka ciyaartaa horumarka xirfadeed, hiwaayadaha, iyo koritaanka shakhsiyeed. Dadka qaan-gaarka ah ee hal-abuurka leh waxay inta badan u adkeysan karaan caqabadaha soo waajaha ayagoo u heli kara xalwaara.
Quraanku wuxuu mar kale diiwaangeliyay mowqifyo waaweyn, wuxuuna sheegay in mowqif kasta ka dambeeyo rag (Qof), iyo in nin kasta ay ka dambeeyso fikrad cajiib ah. Ma jiraan dhaqdhaqaaqyo bilaa fikrado ah. Waxaan aragnay dhalinyaradii diiday inay u hoggaansamaan caqiidada xun, ayaga oo go’aansaday inay ka tagaan caqiidada ku faafsan jawiga xun ee waayadooda: (( ุฅููู ูุชูุฉ ุขู ููุง ุจุฑุจูู ูุฒุฏูุงูู ูุฏู )”Waxay ahaayeen dhalinyaro rumeeyay Rabbigood, waxaanu u kordhinnay hanuun.”
Waxay qaateen go’aanka waqtigii ku habboonaa, laakiin ma aysan is weydiinin dadkii ku xeernaa waxa ay ka faa’iidayaan caqiidada? Fikradda saxda ah waa in la rumeeyo maxaa yeelay waa sax, fikradda xun waa in la diido maxaa yeelay waa xun. Laakiin dhibaatadu waxay ku jirtaa isku darka fikradda iyo danaha, ama caqiidada iyo qowmiyadda.
Dhalinyaradu waxay u dhaqaaqeen inay la dagaallamaan bulshada, maxaa yeelay bulshadu waxay dooneysay inay ka qaadaan xorriyaddooda. Dhallinyaradaan Waxay Rabbi ku ogaadeen maskax iyo baadhitaan: “Waxay rumeeyeen Rabbigood.” Waxay go’aansadeen inay ka cararaan dalka si ay u badbaadiyaan fikradooda: ( ูุฅุฐุง ุงุนุชุฒูุชู ููู ูู ุง ูุนุจุฏูู ุฅูุง ุงููู )Waa go’aan adag, laakiin muhiim ah, mana awoodi karo inuu sameeyo mid aan haysan iimaan xooggan. Noocan oo kale ee iimaanka wuxuu u baahan yahay nooc gaar ah oo rag ah.
Dhallinyaradaan waxa ay gaareen heer Aygii ay wateen in Alle ku xuso Qurโaanka Kariimka ah, ayagoo Adeegsaday fikradooda iyo Hal-abuurkooda dhallinyarnimo.
โข ๐๐โ๐๐ ๐๐๐๐จ๐ฐ๐ ๐: Dadka waayeelka ah, hal-abuurku wuxuu ka caawin karaa ilaalinta shaqada iyo garashada xeelka dheer wuxuuna siin karaa dareen macno leh.
Inta badan hal-abuurka waxaa socodsiiyo waayeellada, sababtoo ah waxa ay leeyihiin khibrad ku filan iyo waaya aragnimo shaqo oo muddo dheer ah ayagoo heli kara dhumucda ama fooqa sare ee abuurista fikradda ama ka qeyb qaadashada wacyiga.
Qurโaanka wuxuu xusay qolo lagu magacaabo (Asxaabul qarya) xilli loo soo diray rusul.
Waxaa looso diray laba rusul se waa beeniyeen waxaana lagu xoojiyay mid saddexaad ayagoo yiri โWaxaan nahay kuwa la soo diray balse qowmkii deganaa magaalada waxa ay ku jawaabeen โ waxaad tihiin kuwa annaga nala mid ah, Alle-na idin ma soo dirin, waxaadna sheegeysaan beenโ
Kolkaasey rusushii ku jawaabeen โ Rabbigeen wuu ogyahay in nalasoo diray. Adinka la inoo soo kiin diray, shaqadeynuna ma ahan, gaarsiin mooyaaneโ.
Is qabqabsi dheer kaddib waxaa soo ifbaxay nin 70 jir ah oo lagu magacaabo Xabiibul najaar. Isagoo ka yimid halka ugu dambeyso magaalada.
ููุฌูุงุกู ู ููู ุฃูููุตูู ุงููู ูุฏููููุฉู ุฑูุฌููู ููุณูุนูู ููุงูู ููุง ููููู ู ุงุชููุจูุนููุง ุงููู ูุฑูุณูููููู (“War tolkeygiyoow raaca Kuwa lasoo diray ). Qurโaanku ma uusan caddeynin Magaca ninkaan, magaalada uu ka yimid iyo reerka uu kasoo jeedo balse micna ma samayneeso magaciisa ee waxaa micnaha samaynaaya ayaa ah, farriinta uu xanbaarsanyahay.
( ุงุชููุจูุนููุง ู ููู ูุง ููุณูุฃูููููู ู ุฃูุฌูุฑูุง ููููู ู ู ูููุชูุฏูููู )
โRaaca dad aan hanti idin kaga rabin waxa ay idiin la imaanaayaan, ayagu waa kuwa hanuunsanโ.
Qowmkii inta ay iska iloobeen rusushii ayey kusoo jeesteen Xabiibu Najaar waxa ay ku dheheen oo adiga nimankaan (Rusushaan) miyaad raacday? saa waxa uu ku yiri; “Haa maxaan u raaci waayey waa dad hanuunsane, Ilaahey i abuuray miyaan cid la wadaajin karaaโ
ููู ูุง ูููู ููุง ุฃูุนูุจูุฏู ุงูููุฐูู ููุทูุฑูููู ููุฅููููููู ุชูุฑูุฌูุนูููู
Qowmkii intey ninkii qabteen ayey dhulka inta ay u qodeen ayey minshaar soo qaateen deetana waxa ay ku dheheen โXabiiboow tani waa hadalkii ugu dambeeyey ma ka noqoneysaa diintaan aad qaadatey? waxa uuna yiri “Anigu waxa aan rumeeyey Rabigii caalamiinta ee imaqla (i maqla oo isoo raaca)”;
ุฅููููู ุขู ูููุชู ุจูุฑูุจููููู ู ููุงุณูู ูุนูููู
Markaas ayey dileen oo ay minshaar weyn dhexda ka kala bareen isaga oo godka ku jira markii la dilay ilaahay baa inooga soo warramaaya, waxaana lagu yidhi “Adigu gal Janada” kadib Xabiib oo janada ku jira ayaa waxa uu yiri ” Alla shallaaytooy, tolkey ogaan lahaayeen nimcada janada iyo sida uu Rabigey ii sharfay”
ููููู ุงุฏูุฎููู ุงููุฌููููุฉู ููุงูู ููุง ููููุชู ููููู ูู ููุนูููู ูููู
Ninkaa ay dileen maaha nin ciyaar ciyaar ah, se waa nin daaci ah, kaas oo 70 sano jir haa, waxa uuna ogaa in raggaan (Rususha) yihiin Hoggaamiyaal ama daaci mid kii aad u taqaanaba.
Hal-abuurkiisaas iyo khibraddiisa kuma aysan kalifin in uu halkiisa ku nagaado(Gobolkiisa) balse waxa uu usoo kicitamay sida uu qowmkiisa u badbaadin lahaa, uagana caawin lahaa in tolkii ay qaataan diinta islaamka.


