Sheekadaan waxa ay ka mid tahay taxanaha Sheeko Sheeko (07) oo uu qoray Shilke Shariif

Duuduubka wajigeeda saaran iyo arradkaa gurigeeda ka muuqda ayaa wax walba kaaga filan. Waa waayeel tabar dhigtay oo aan meel dheer tiigsan karin. Hubkii darandoorriga ahaa ee gurigeeda ka dul diryaami jiray ayaa dhego cusleeyey, nafaqadarro awgeedna way indha yaraysay.
Aroorta hore ayey buulkeeda ka soo jafjafataa laamiga ayeyna dacal fariisataa oo gacanta taagataa bal in muslimka wadadaas marayaa ay wax ugu kaalmeeyaan. Dadka inta badan ayada oo la hadlaysa ayey garab maraan oo iska mashquuliyaan, inta yar ee ku soo leexatana codkeeda ma dhagaystaan e hadba wixii ay awoodaan ayey gacanta ugu laabaan.
Ruqiya maalinta oo dhan bacadkaas ayey fadhidaa, hadba dadka wadada maraya ayeyna isha la raacdaa ayadoo xasuuso hore dhex dabbaalanaysa. Marka ay gabar dhabar cas aragtaba dhallinyaraninadeedii iyo sida ina rag oo dhan ay ugu soo tartami jireen ayey dib u gocataa.
Ilmaha ay aragtana saddexdeedii ilmood ee isku maalinta laga dilay ayey xasuusataa, oo ciyaartoodii oo codkoodii ay jeclayd dib u dheegataa. Xusuusuhu kala darane marka ay Faarax dheere soo xasuusato ayey ugu il daran tahay.
Nin kaliya uma uusan ahayne saaxiibkeedii ugu dhawaa iyo walaalkeedba wuu u ahaa. Nin rageed libintiisa la wada qiray reerkiisana u roon ayuu ahaa, xilli aan mataalkiis la heli karin ayuu ahaa ninka kaliya ee dhimirsanaanta qoyska iyo turriinshaha xaaskiisa ku tilmaaman.
Ruqiya waxay ay caanka ku noqotay waa in aan la tusi karin nin qori wata askariba ha ahaadee. Nin walboo qori watana uu ula mid yahay kii xaajigeedii barqa cad ka dilay, waliba sabab kale aan u dilin kaliya in uu nool yahay u dilay! Oo maxaa kale oo aan dhihi karnaa wuu u dilay marba reer hebel maxaad u tahay haddii uu u dilay, soo kama dhigna in uu u dilay maxaad u dhalatay oo aad wali u nooshahay.
Xasuusahaas gurracan ayey mudso soddon sano ka badan la nooshahay hooyo Ruqiya, mana jiro qof ka hoos qaaday sidee laguu hayaana maalin qura xitaa yiri. Buushkeeda, baryada dadka iyo xasuusaha ba’an ayey nolosheedu u dhaxaysaa.


