Qoraaga: Cabdikaafi Maxamed Cusmaan
Gorfeyn: Xaawo Cabdulqaadir Cumar ‘Ardayad’
Bismillaah horreysa iyo dambeysaba, Alle ayay mahad dhammaanteed u sugnaatay. Amaan iyo rumeynna Nabigii Alle doortay ayaa innaga mudan (NNKH).
Buuggu wuxuu ka kooban yahay cutubyo si wanaagsan isugu xiran oo mid kasta looga hadlayo arrin muhiim u ah nolosha dhallinyarada. Farriinta uu sida ayaana ah in dhallinyarada la xasuusiyo in ay yihiin lafdhabarta iyo mustaqbalka bulshada, sidaas darteedna ay tahay in ay ka fogaadaan waxyaabaha dumiya kuna dadaalaan waxyaabaha dhisaya noloshooda.
Inkasta oo uu buuggu cutubyo badan yahay, waxaan iski dayi doonaa inaan idin la wadaago inta ugu muhiimsan.
■ Dhallinyarada iyo Diinta Islaamka
Dhallinyaradu waa lafdhabarta ummadda Islaamka. Islaamku wuxuu si gaar ah u qaddariyay dhallinyarada, asagoo si weyn u sheegay muhiimaddooda. Waxaana kaaga filan Rasuulkii Ilaahay (NNKH), garabkiisa waxa joogay dhallinyaro kuwaas oo dusha u ritay gudbinta farriimaha Islaamka.
Nabigii Alle (NNKH) wuxuu u xilsaaray dhallinyaro badan howlo culus sida hoggaaminta, dagaalka, faafinta diinta, iyo inay ka qayb qaataan wax walba oo diinta lagu xoojinayo. Sidaas darteed, faa’iidada dhallinyarada intaas ayaa noogu filan.
Dhallinyaradu waa tiirka iyo aasaaska bulsho kasta. Haddii odayaashu bixiyaan talo iyo waaya-aragnimo, dhallinyaraduna waxay bixiyaan xoog iyo firfircooni. Sidaas darteed, horumarka bulsho kasta wuxuu ku xiran yahay wada-shaqeynta da’yarta iyo waayeelka.
■ Waa Kuma Dhallinyaro?
Culimo badan ayaa u arka dhalinyaranimadu inay tahay da’da ka dambeysa qaangaarka ilaa afartanka. Waana marka uu qofku ugu xoogga badan yahay.
■ Doorka Dhallinyarada ee Horumarka Islaamka
Dhallinyaradu waxay door muhiim ah ka qaateen dhismaha ummadda Islaamka iyo kor u qaadista ilbaxnimadeeda. Waxay noqdeen tusaale wanaagsan oo jiilasha dambe ku daydaan. Waxayna ummadaha Islaamka ah uga tageen taariikhda ilaa maanta aan xasuusanno.
■ Dhallinyaradii Kaalinta Weyn ka Qaadatay Diinta Islaamka
1. Bilaal binu Rabaax (RA)
Wuxuu ka mid ahaa saxaabbadii ugu muhiimsanaa ee Nabi Maxamed (SCW), wuxuuna caan ku noqday inuu ahaa mu’addinkii ugu horreeyay ee Islaamka.
Bilaal wuxuu ahaa addoon u shaqeyn jiray nin la oran jiray Umaya ibnu Khalaf, asal ahaan ka yimid dhulka Xabashida (Itoobiya). Markii uu qaatay Islaamka, Umaya wuxuu bilaabay inuu si daran u cadaadiyo si uu uga noqdo diinta Islaamka. Waxaa lagu dul saarayay dhagxaan waaweyn xilli kuleyl ah lamadegaanka Maka.
Nasiib wanaag, waxa xorriyaddiisa siiyay Abuu Bakar (RA), kuna xorreeyey lacag badan. Kadib Bilaal wuxuu noqday mu’addinkii ugu horreeyay ee Islaamka. Markii masaajidka Nabiga (Masjid al-Nabawi) laga dhisay Madiina, Bilaal ayaa si joogto ah ugu addimi jiray salaadaha.
Dhanka difaaca diinta, Bilaal wuxuu ka qayb galay dagaalladii Badar, Uxud, iyo Khandaq.
Muslimiinta maanta waxay xusuustaan Bilaal mar kasta oo la tukado salaadda, maaddaama uu ahaa mu’addinkii ugu horreeyay ee Islaamka.
2. Zubayr ibn al-Cawwaam (RA)
Waa saxaabi xiriir dhow la leh Nabiga (NNKH), waana wiilka ay eeddada u tahay Ummuna Khadiija (RA), xaaskii Nabiga.
Wuxuu ka mid ahaa Tobankii ugu horreeyay ee Islaamka qaatay iyo Tobankii Jannada loo ballanqaaday. Diinta Islaamka wuxuu qaatay isagoo 15 sano jir ah.
Wuxuu ahaa saxaabi geesi ah, si weyna uga qeyb qaatay dagaallada Islaamka sida Badar, Uxud, iyo Yarmuuk.
3. Abuu Hureyra (RA)
Waa Cabdiraxmaan ibn Sakhri al-Dawsi. Waxa uu kasoo jeedaa Qabiilka Daws ee dalka Yemen. Diinta Islaamka wuxuu ku soo galay saxaabigii weynaa ee Dufayl al-Dawsi (RA).
Wuxuu ahaa saxaabigii ugu xadiis warinta badnaa, waxaana uu si joogto ah ula joogay Nabiga (SCW). Diinta Islaamkana kaalin weyn ayuu ka qaatay.
4. Cumar ibnu Yaasir (RA)
Wuxuu ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee Islaamka qaatay. Waxaa lagu cadaadiyay diintiisa. Nabigu wuxuu ku yiri:
“Sabra yaa aala Yaasir! Mawcidukum al-jannah.”
(Samra, qoyska Yaasirow! Ballantiinnu waa Jannada.)
Wuxuu u haajiray Xabashida iyo Madiina, wuxuuna ka qayb galay dhammaan dagaalladii uu Nabigu hoggaaminayay. Dagaalkii Yamaamah dhegtiisa ayaa laga jaray. Garab istaag ayuuna u ahaa Cali bin Abii Daalib ilaa laga dilay dagaalkii Siifiin.
5. Suhayb al-Ruumi (RA)
Wuxuu ahaa saxaabi danyar ah, laakiin aad ugu adag iimaanka. Markii uu hijrooday, mushrikiintu way hor istaageen, markaasuu hantidiisii u huray.
Wuxuu tusaale u noqday in hantida loo huro Islaamka. Wuxuu muujiyay in qiimaha mu’minka uu ku jiro iimaanka, ee aan lagu qiimeynin qabiil ama midab.
6. Cali binu Abii Daalib (RA)
Waa saxaabigii ugu horreeyay ee Islaamka qaatay isagoo 10 sano jir ah. Wuxuu guursaday Faadumo binti Muxammad (RA), wuxuuna noqday Khaliifkii afaraad.
Wuxuu ka qayb qaatay dagaallo badan oo ay ka mid yihiin Badar, Uxud, iyo Khandaq. Wuxuu ku shahiiday magaalada Kufa.
7. Dalxa ibnu Cabdillaahi (RA)
Wuxuu ka mid ahaa Tobankii Jannada loo ballanqaaday. Nabigu wuxuu ku naanaysi jiray “Dalxa al-Khayr.”
Wuxuu si geesinimo leh uga qayb qaatay dagaalkii Uxud isagoo difaacay Nabiga (SCW). Wuxuu ku dhintay isagoo u shahiiday diinta Islaamka.
8. Anas binu Maalik al-Ansaari (RA)
Wuxuu ahaa adeegihii Nabiga muddo 10 sano ah. Hooyadiis ayaa Nabiga u gaysay si uu ugu adeego.
Wuxuu ka mid yahay xafidayaasha ugu muhiimsan ee xadiisyada. Wuxuu ku dhintay Basra, wuxuuna ka mid yahay saxaabadii ugu dambeysay ee dhimatay.
9. Sacad binu Abii Waqaas (RA)
Wuxuu ka mid ahaa tobankii ugu horreeyay ee Islaamka qaatay, wuxuuna ahaa saxaabigii ugu horreeyay ee dhiig ku daadiya jidka Alle.
Wuxuu hoggaamiyay dagaalkii Qaadisiyah ee muslimiintu kaga adkaadeen boqortooyadii Faariis. Wuxuu ku dhintay Ciraaq isagoo cimri dheer.
Gunaanad
Saxaabadaan waxay ka shaqeeyeen faafinta diinta Islaamka. Dhiiggooda, waqtigooda, iyo hantidooda waxay u hureen ilaalinta iyo xoojinta Islaamka.
Waxayna inoo noqdeen tusaalayaal wanaagsan. Dhammaan dhallinyaradii Nabiga waxay ku dadaaleen faafinta diinta, ilaalinta sunnada, iyo difaaca Rasuulka (SCW).
Mid walba wuxuu lahaa saameyn gaar ah, sida dagaallo geesinimo leh, xadiisyo, iyo hoggaan diineed. Waxayna dhammaantood ku mutaysteen Jannada. Alle haka wada raalli noqdee.
Anshaxa iyo Diinta Islaamka
Diinta Islaamku waa diin dhameystiran oo wax ka qabata dhammaan nolosha bini’aadamka. Anshaxa (akhlaaqda) wanaagsan waa tiir muhiim ah oo sal u ah dhaqanka Muslimka. Diinta Islaamkuna waxay si weyn u muujisay qiimaha akhlaaqda wanaagsan, waxayna ka dhigtay qayb muhiim ah oo ka mid ah cibaadada. Rasuulkana (NNKH) wuxuu yiri:
“Waxaa la ii soo diray in aan dhammeystiro akhlaaqda wanaagsan.” — Xadiis
Rasuulka (NNKH) wuxuu ahaa tusaale anshaxeed oo aad u wanaagsan. Akhlaaqdiisuna waxay ahayd Quraanka Kariimka. Anshaxa iyo diinta Islaamkuna waa laba aan kala go’in.
■ Waxyaabaha ay Diinta Islaamku ina amrayso
Diinta Islaamku waa diin dhammaystiran oo hagta nolosha bini’aadamka dhammaan dhinacyadeeda. Waxyaabaha ay diintu ina farayso waa kuwo badan, waxaana qaarkood ka mid ah:
1. In la rumeeyo Alle (SWT) iyo waxyigiisa, kaas oo ah kan kaliya ee xaq lagu caabudo. In la rumaysto malaa’igtiisa, kutubtiisa, rusushiisa, maalinta qiyaame, iyo qaddarka.
2. In la tukado salaadaha shanta ah. Waana ku waajib qof kasta oo Muslim ah, sidoo kale waa tiirka labaad ee Islaamka.
3. In la bixiyo sakada.
4. In la soomo bisha Ramadaan.
Soonku waa waajib sanadle ah, bisha barakaysan ee Ramadaanana waa bil barako badan.
5. In la xajiyo haddii la awoodi karo.
6. In la wanaajiyo akhlaaqda.
Islaamku wuxuu farayaa wanaajinta akhlaaqda sida run sheegidda, xiriirinta waalidiinta, iyo dulqaadka. Akhlaaqduna waxay ina reebaysaa beenta, xaasidnimada, iyo xanta.
7. In loo baari noqdo waalidiinta.
Waalidiinta daryeelkooda iyo maqalkooda waa ammar Qur’aanka ku cad: “Wa bil waalidayni ixsaanan.”
8. In la cadaalad falo.
Islaamku wuxuu ina farayaa in aynu cadaalad u samayno qof kasta, xitaa cadowgeena.
“Inna Allaaha ya’muru bil-cadli wal-ixsaan…”
9. In la barto diinta Islaamka.
Waa waajib in qof kastaa wax ka barto diintiisa si uu ugu caabudo Eebbe.
10. In la is xasuusiyo wanaagga oo la iska reebo xumaanta.
Amar ku faridda wanaagga iyo ka reebidda xumaanta waa dhaqan muhiim ah oo Muslim kasta laga rabo.
Intaas iyo kuwa kalaba waa waxyaabaha ay ina farayso diinteena suubban.
■ Dhallinyarada iyo Baraha Bulshada
Dhallinyarada maanta waa kuwa ugu badan ee isticmaala baraha bulshada sida Facebook, Instagram, TikTok, X (Twitter), iyo Snapchat. Intuba waa goob ay si joogto ah ugu wada xiriiraan. Inkasta oo barahaasi ay leeyihiin faa’iidooyin badan — sida in qofku qoyskiisa ka maqan kula xiriiro — haddana waxa ay bixiyaan fursado badan, oo ay ka mid yihiin in si online ah wax looga barto. Baraha bulshada waa seef laba afle ah, waxayna wataan caqabado u baahan in si qoto dheer loo fahmo.
■ Faa’iidooyinka Baraha Bulshada ee Dhallinyarada
1. Bar xiriir iyo isgaarsiin degdeg ah:
Dhallinyaradu waxay si fudud ula xiriiraan saaxiibbadooda, qoyskooda, iyo dadka kale ee dunida dacalladeeda kala jooga. Isticmaalkaasi wuxuu kor u qaadaa is-dhexgalka bulshada iyo samaynta saaxiibbo kala duwan, si loo fahmo dhaqamada dunida.
2. Helitaanka xog iyo wacyigelin:
Baraha bulshada waxaa si joogto ah loogu faafiyaa warar, xog kala duwan, sidoo kalena waa madal aqoon kororsi ah iyo wacyigelin ku saabsan arrimaha caafimaadka, waxbarashada, deegaanka, iyo dhacdooyinka caalamka.
3. Fursado shaqo, aqoon fogaan arag ah, iyo horumar shaqsiyadeed:
Dhallinyaradu waxay baraha bulshada ka heli karaan fursado shaqo, tababbaro, aqoon kala duwan, ganacsiyo online ah, iyo inay si togan u kasbadaan magac iyo mansab.
Tusaale ahaan, baraha Facebook, TikTok, iyo YouTube ayay magac ka samaysan karaan, taasoo sababi karta in ay yeeshaan magac, dhaqaale, iyo xirfado hal-abuur leh.
Sidaas darteed, kobcinta hal-abuurka iyo hibada waxay dhallinyarada fursad u siiyaan inay muujiyaan hibadooda – sida sawir-qaadista, sameynta muuqaallo, qoraallo, ama hal-abuur kale – taasoo dhiirrigelisa kalsoonida nafta iyo horumarinta xirfadahooda.
■ Dhibaatooyinka Baraha Bulshada ee Dhallinyarada
☐ Luminta waqtiga:
Waqtigu waa hantida ugu qaalisan ee uu qofku haysto. Dhallinyaro badan ayaa saacado badan ku luminaya baraha bulshada taasoo si xun u saameysa waxbarashadooda. Waxaa hoos u dhaca diiradda ay saaraan waxbarashada iyo yoolalkii nolosha. Qofkii aan waqtigiisa maareynin, wuxuu waayaa mustaqbalkiisa. Luminta waqtigu waa luminta nolosha.
☐ Nolol been-abuur iyo is-barbardhig dadeed ah:
Dad badan oo isticmaala baraha bulshada waxay arkaan muuqaalada nolosha quruxda badan ee dadka kale, taasoo dhalinyaro badan ku keenta kalsoonidarro, niyad-jab, iyo in ay dareemaan in noloshoodu aanay qiimo lahayn.
☐ Faafinta warar been-abuur ah:
Baraha bulshada waxaa lagu faafiyaa warar aan xaqiiqo ahayn ama marin habaabin ah. Taas waxaa ka dhalan kara go’aan khaldan. Tahriibka iyo qaxootinimada dhalinyaro badan waxay ka bilaabataa xogaha been-abuurka ah ee ay baraha ka helaan.
☐ Caafimaad darro iyo indha-xanuun:
Isticmaalka xad-dhaafka ah ee shaashadaha wuxuu sababi karaa:
Indhaxanuun (Digital Eye Strain):
•Indho qalalay.
•Arag daciif ah.
•Madax xanuun.
•Wareer iyo daal.
•Hurdo la’aan, murugo, iyo walaac.
Xanuunno jidheed: sida qoorta, dhabarka, iyo gacmaha oo la xiriira fadhiga aan isbeddelin iyo ku dhegganaanta taleefanka.
Kaligood nolol u noqosho: Qofku wuxuu saaxiib ka dhigtaa baraha bulshada halkii uu dadka la noolaan lahaa.
Baraha bulshada waa aalado awood leh oo dhallinyarada u adeegaya haddii si togan loo adeegsado. Waxay noqon karaan dariiq horumarineed, balse sidoo kale khatar haddii aan si caqli leh loo isticmaalin. Sidaas darteed, waxaa lagama maarmaan ah in la helo dheelitirnaan u dhaxeysa isticmaalka baraha bulshada iyo nolosha dhabta ah.
■ Dardaaran Dhallinyarada ah:
Dhallinyaroy, waxaad tihiin ubaxii dalka, iftiinkii berrito, iyo tiirkii ummadda.
Gunaanad
Buugga Kaabaha Dhallinyarada waa buug wanaagsan oo mudan in laga faa’iidaysto, gaar ahaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee doonaysa in ay isbeddel noloshooda ku sameeyaan. Waa buug kor u qaadaya waaqica dhallinyarada.



