Sheekadaan waxa ay ka mid tahay taxanaha Sheeko Sheeko (10) oo uu qoray Shilke Shariif
Dabayaaqadii qarnigii tagay ayaan ku dhashay miyiga fog. Waxaan ku soo barbaaray nolol kacaakufku uu ku badan yahay, nolol aan nasiino lahayn, xilliyada abaarta baadi-doonka xoolaha iyo soofintooda oo ay sahaminta iyo geeddigu dheeryihiin ayaa caado noo ahayd, xilli-roobaadkana nasiino ma jirin’e, ciyaar gudid iyo haasaawe dhul dheer loo gayaan-raacayo ayaan ku mashquulsanayn.
Abaaro badan oo is xig-xigay iyo cudurro ku soo laalaabtay ayaa xoolihii naga mariyey, siddeed iyo toban jirkaygii ayaanan magaalo soo galay. Dhagta mooyee wali isha ma aanan saarin, inkastoo uu dalku burbursanaa haddana aniga indho-daraandar ayey igu ahaayeen wixii aan arkayey, waxaase mar walba igu taagnaa nabar ah halkii aan nolosha ka bilaabi lahaa iyo sidii aan ula qabsan lahaa magaalada.
Ma jirin qoys aan ku soo dagay oo qaraabo ii ah, waxaan ka billaabay in aan maalintiina u shaqi tago suuqa oo wixii qaraab aan heli karo aan qabto habaynkiina hadba meeshii aan ka gaaro aan go’ayga fidsado. Wakhti badan iguma aysan qaadan intii aan guri ka kiraysanayey aan dhaxamaha ka galo, inkastoo aysan gogol ii dhex oolna hu’ iyo hoyba waa uu ii ahaa. Cammiran, oo xaas iyo carruurba waan ku yeeshay, se wali lama liibaanin oo biilka reerku maalinna wuu go’ayey maalinna waa la helayey.
Habaynimo ayaan ku soo kacay hugunka yeeraya, ma ogayn cidda ay dirirtu dhex martay se meel walba dhawaaqa xabadda iyo hugta hoobiyaha ayaa is qabsatay. Qolkaygii ayaan si dhiifoon uga soo baxay si aan u hubiyo waxa dhacay, markii aan albaabka is taagayna hoobiye uu mid darani soo riday ayaa reerkii ii daba maray, xaaskii iyo saddexdii carruur ahayd ee uu Alle SW igu arsaaqayba way go’een.
Dhaawac aan halis ahayn ayaa anna I soo gaaray, muddo ayey igu qaadatay in aan ka soo kabto jabkaas, se Alle mahaddii wax walba sidoodii ayey ku soo noqdeen oo xaas kale ayuu Alle igu arsaaqay, hal gabarna wuu iga siiyey. Gabadhu waxa ay ku dhalatay cudurka qallalka illaa hadda la tacaalideeda ayaan u taagannahay. Allihii ina abuuray, ina irsaaqay oo ina nooleeyey ayaa wax walba awooda.



