Sheekadaan waxa ay qayb ka tahay Taxanaha Sheeko Sheeko (02) oo uu qoray Shilke Shariif.

Qaabka uu u dhankoolo ee uusan muddada isku dhaqaajinayn ayaad ka garanaysaa in uu dhib wayni haysto. Kursi xeebta kulaalaya ayuu fadhiyaa oo marar badan oo ay biyuhu lugihiisa soo gaareen isma uusan nuuxin.
Hirarka badda ku laacdamaya iyo kuwa gudihiisa ka dhex guuxayaa waa isku mid. Walbahaarka ka haysta shaqa la’aanta baahsan ee dalka ka jirta waxaa u dheer xiriirkiisii jacayl ee uu maanta soo duugay.
Xirsi heerka labaad ayuu jaamacadaha ka gaaray, weligiisna ma shaqayn, dadka qaar liidnaantiisa ayay u sababeeyaan asaguse in la musuqay xaqqiisii oo dad aan u qalmini ay boosaskii uu ku habboonaa ay joogaan ayuu maqaaxiyaha ka sheegaa.
Raggu ka wada simane Xirsi gayaankii ayuu Canab ka calmaday, muddo shan sano kor u dhaaftayna haasaawe-wadaag ayey ahaayeen. Inkastoo uu bar yaryahay soddonkii ayuu baarka ka jaray halka gabadha uu la haasaawaa ay toddobo iyo labaatan sannadkaan gashay.
Calafka lama eedee, Canab guur ayey u soo jeedsatay, dhawr mar oo ay Xirsi kala hadashayna in uusan shilin hayn ayuu ku cataabay. Danu kuma sugto’e, Canad waxay go’aansatay in inta ay goori goor tahay ay guur u hollato da’deedana ay ka faa’iidaysato.
Daba mar ma jirin si cad ayey Canab doonisteeda u soo bandhigatay, Xirsise madaxa ayuu ciidda ka ceshtay wuxuuna u ballan qaaday in uu laba bilood gudahood ku aroosi doono.
Wakhti badan ma qaadan markii ay laba bilood soo moodday, Xirsi oo fiidninadii meel cafateria ah dawladda ka maagaya oo ku eedaynaya in aysan dhallinta shaqo u yeelin la soo ag dhigay baqshad ay ku xusnayd casuumaad Meher.
Ma uusan sii furin baqshadda, ee meeshii ayuu iskaga qaxweeyey markii uu dheelmadayna wuxuu damcay in uu la hadlo gacalisadiisii se taleefanku uma dhicin mase baasaysan’e, wuu nabad seexday.
Subaxdiina xilli hore ayuu is diyaariyey, khamiis uu meherrada lagu casuumo kaga qayb galo oo jeeb dheere ahna wuu isku soo taagay, xarrago kama aha’e marka boqolka kun ee shilin Soomaaliga ah la siiyo ayuu jeebkaas dalaq ku siistaa, goobtii oo afka looga sheegayna wuu soo abbaaray.
Inta uusan hoolka u gudbin ayuu boorka ku arkay sawirradii caruusyada, waaba gacalisadiisa Canab. Wuxuu ku tacaabay in wax uu socdaba uu meherka xaaskiisii u soo quraac doontay. Shallayto waa camal shaydaane wuu iska adkaystay meherkiisiina qayb ka qaatay.
Se markii uu ka soo baxay ayaa xis fiyow ugu danbaysay, wuu meehanaabay oo uu iswaayey meel uu joogana saani uma oga.



