Sheekadaan waxa ay qayb ka tahay Taxanaha Sheeko Sheeko (03) oo uu qoray Shilke Shariif.

Isku-dhexdaadsanaanta iyo shiirka aan urta laga mari karin, caawa waxaa u sii dheer buuqa iyo bulaanka ka soo baxaya qolka. Cali waxaa caawa weheliya saddex saaxiibadiis ah oo markii ay waayeen kistii ay shaaxa iska bixin jireen ku ballanay in ay caawa qolka Cali laadhuu ku camirtaan.
Cali heerka labaad ee jaamacadda ayuu shahaado ka wataa weligiise ma shaqo tagin. Wuxuu ku doodaa in aysan dalka ka jirin fursad shaqo oo u qalanta heerkiisa, inta badanna wuxuu afka ku hayaa jidadka iyo tabaha lagu tago qurbaha, inkastoo uu rumaysan yahay in uusan haysan shilin uu ku baxo haddana dhawr mar ayuu isku dayey in uu tahariibo fashil ayeyse ku soo wada dhammaadeen.
Taleefanka Cali ayaa soo dhacay, inta uu joodari ka gadaaleeyey ka laacay ayuu hal mar dhallintii ku amray in ay aamusaan “Waa iyadii” ayuuna cod naxdini ka muuqato ku yiri. Mid dhallintii ka mid ah baa ku yiri “Ha qaban” isana kama uusan laba-labayn e, wuu dhigay ciyaartii ayeyna sii wateen.
Is-jooxaarinta iyo jaakayntiisa badan ayuu gabdho badan ku siray. Waa shabeel-naagood hadba tii kub leh la caweeya inkasta oo uusan dhacdhac badnayn. Cali shan bil ka hor ayuu meher-xaday Samiira oo shaqaale ka ahayd guri dariskiisa ah, in uu aroosan doono ayuuna ugu sheekeeyey.
Samiira uur ku soo baxay dartiis ayey maalmahaanba Cali u raadinaysaa, wax ay reerkeedii u sheegtayna way la’dahay, halka Cali uu ka meermeerayo in lagu ag arko gabar shaqaale ah sida uu aamminsan yahay laangaab ah. Taas se waxaa ka sii daran in uusan ba heli karin wax uu ku meelaysto.
Habaynimadii oo dhan Cali waxa ay u ahayd fikir, waxa uu maskaxda ku hayey halkii uu ka keeni lahaa lebbiskii uu kula kulmi lahaa Caasha oo ay berri galab xeebta ku ballansanyihiin. Jooggiisa horay ayey ugu aragtay kaas kaliyana ma ahee joog kale oo uu dorraad saaxiibkiis ka soo amaahday isla shala ayey Caasha ku aragtay oo kuma laaban karo, saaxiib kale oo ay isku dhiriryihiinna meel kuma oga.
Waxaa kale oo uu ka gam’i la’yahay arrinka Samiira iyo qaabkii uu uga bixi lahaa dhiiqada uu lugaha kula jiro. Intaas se waxaa u sii dheer kutaanka mudadaanba qolka kula jiray oo dhankii uu isku rogaba ka qaniinaya.



