Afeef, waxa aan daawaday filimkan, oo ay soo baahisay Astaan TV, filimkan waxa uu daarran yahay ama uu ka hadlayaa mowduuc aad loogu baahi qabo ka bulsha ahaan, waxa aan ka cudurdaaranayaa filimkan haddii uu leeyahay qayb kale oo aanan wali soo bixin, QORMADAN aan ku faaqididoono, walow aan muuqaalka lagu dhex sheegin in uu leeyahay qeybo kale.
Ugu horrayn, waan ku bogaadinayaa bahda Astaan TV in ay bulshada la wadaagaan muuqaallada wacyigalinta ah, oo ay inta badan bulshadeennu u baahan tahay, sidoo kale waan ku dhiirrigalinayaa in ay dedaalka halkooda kasii wadaan. 
Intaa ka gadaal, haddii aan usoo laabto filimka Aano-Qabiil, waxa uu dirayaa farriin loo baahan yahay sidaba magacyaraha laga dheehan karo (Lama arag nin loo aaray oo iil kasoo baxay), bulshadeennu waxa ay la daallaadhacaysaa aano qabiil in laysku laayo, iyada oo aan la eegayn qofkan la dilayo bulshada wax tar ma u leeyahay, waxa aan aragnaa amaba maqalnaa waxaa la dilay qof reer hebel ah, iyada oo looga aarayo qof kale oo reer hebel ah, lagana yaabo dhan ka waxtarka haddii laga eego in uusan u dhigmin, isla filimka dhexdiisa waxaa ku jirta hadal uu leeyahay mid ka mid ah, jilaayaaha qaybta qabqablayaasha qabiil; “nagadaa kuwa mooryaanta ah, waxa aan dhaqan u leenahay, ragga midka ugu qiimaha badale in aan iilka dhigno”, dhabtii waa hadal beertaabad ah, bulshadana u gaysatay dhaawac muddo badan.
Filimka, waxa uu ka turjumayaa sida ay u dhaqmaan qabqablayaasha qabiil, ee waqtigooda ku lumiyay wax aanan afnacayn adduun iyo aakhiro midna. Doorka labada wiil ee la isugu aaray ee saaxiibada ah, waxa ay iyana ka turjumaysaa in aysan qabqablayaashu ka fiirsan dadka ay la isugu aarayo maxay isu yihiin, ma rag is garabsadaa mise cadow, waxaa dhacda sidaba filimka ku jirta, labo qof oo joogta miiyiga, isuna dishay wax aan saa u weynayn, in loogu aaro qof magaalada jooga, waxaana dhici karta in labadaas qabiil sidaa qoorta igu galaan oo lays laayo, haddana dadkii dhintay ee anan ogayn wixii ay u dhinteen qabriyadooda lagu dul heshiiyo. Qasaara adduun iyo mid aakhiro.
Filimku intaaba wuu sheegayaa, balse dhaliisha uu leeyahay waxa ay tahay, kaliya filimka in lagu sheegay dhanka xun ee aanada ah, balse uu ka maqan yahay dhankii wanaagsanaa ee xal u raadinta ahaa, waxaa igu maqaala ah, in uu jilayaasha filimka mid ka mid ahi, waliba jilayay doorka ah in aanay wanaagsanayn dilka qof qabiil dartii; in isagiiba loo dilay aano qabiil, Alle ha u naxariisto. Filimka kaliya waxa uu xoogga saaray dhanka qabiil u hiillinta ama dilka qabiil dartii. Dadka wax magaratada ah ee filimka daawanaya waxa ay u qaadanayaa cashar ahaan, iyagoo tijaabo ahaan u adeegsan kara amaba u qaadan kara in lagu dhiirrigalinayo aanada qabiil. 
Ugu dambayn, waxa aan leeyahay; farriinta uu filimkan bixinayo waa halis, waliba u baahan in laga feejignaado, kollay Astaan waxa ay ula jeedday wacyigalin, balse waxa ku hoos duugan ayaa ka badan, horayna waan uga afeeftay haddii ay jirto qayb kale oo isla filimkan ah walibana dheellitiraysa farriinta uu filimkan sido, haddii aysan jirinna, dib ha igu laabato, waayo? Filimka, kaliya waxaa lagu matalay dhankii xumaa, mana laha xumaantii ahayd aanada qabiil wanaaggii lagu tiri lahaa ama xal u raadinta aanada qabiil, waana dhaliil u baahan in la soxo.
Wabillaahi towfiiq.
Cabdimaalik Saciid.
		
		
			



