Gorfaynta Buugga maandhow ee uu Tarjumey CabdimaaliK Siciid Shiikhow

Buugga Maandhow waa buug yare, kaa oo ah dhambaal uu qoray Imaam Al – Qasaali waxaana afkeenna hooyo usoo tarjumay Cabdi Maalik Saciid. Dhambaalka buuggu, waa jawaab ka dhalatay su’aal u soo waydiiyay mid ka mid ah aradaydiisa, kaa oo u qidmayn jiray Skeekha, kana bartay culuum fara badan. In muddo ah kadib ardaygi ayaa fakaray oo is waydiiyay waqtigaagi dhallinyaranimo waxaad ku qaadatay barashada cilmiga iyo ururintiisa, iminkana waxaa lamahuraan ah inaad ogaato culuumtan kee baa barri wax ku taraya, oo qabriga kugu wehlinaya iyo kee baan ku anfacayn oo ay tahay inaad iska dayso? Iilleen Nabigu NNKH waa kii ku ducaystay: “Allow waxaa aan kaa magangalayaa aqoon aan waxba tarin”.

Fikirki waxa uu noqday mid muddo maskaxdiisa ka dhex guuxayay, illaa uu Sheekha uu u qoray farriin uu ku way diisanayo dardaaran iyo duco. Sidoo kalana uu kaga doonayo inuu uga jawaabo su’aasha ku taagan. Markaa kadib Sheekhi farriinti waxa uu uga soo jawaabay dhambaalkan, oo uu ugu wanqalay “أيها الولد” tarjumuhuna uu u rogay Maandhow.

Sidaa darteen dhiganahan waa dhigane gabi ahaanba ka gadisan habka inta badan buuggaagta loo qoro, oo malahan cutubyo ee waa farriin sida aan horay usoo sheegnayba, marka qoraagu wuxuu qaybta hore kula dardaarmayaa ardayga, wuxuuna ku gabagabaynayaa ducadii uu ka dalbaday. Sidaa darteed waxaan kasoo qaadanaynaa dhowr qodob uu muhiim ah kuwaa oo uu sheekhu kula dardaarmay ardaygiisa.

1. Maandhaw; waanadu waa mid fudud, balse qaadashadeeda ayaa ah caqabad. Waayo? Waa mid qaraar oo aan u dhadhamin dadka hawo raaca ah, maxaa yeelay qalbiyadoodu waxa ay jecelyihiin waxa uu Alle reebay. Si gaar ahna qofka cilmiga u barta in uu sharaf adduun ku gaaro, waxa uu u maleeyaa cilmiga oo qudha in uu ku badbaadayo maalinka Qiyaame, sidoo kalana uu ka deekhtoonyahay ku dhaqmid. Nabiga NNKH waxa uu yiri: ” waxaa maalinta Qiyaamo ugu cadaab daran ruuxa caalimka ah, balse uusan Alle ku anficin cilmigiisa”.

2. Cilmiga shareecada waa in aad ka barataa inti aad ku fulin lahayd amarka Alle ama aad uga dheeraan lahayd wixi uu kaa reebay. Intaa wixii kasoo hara ma aha waajib, intaa ka gadaal baro culuumta kale oo ay badbaadadaada ku jirto.

3. Cali Ibnu Abii Daalib waxa uu yiri ” Qofkii maleeya dhib la’aan in uu jannada ku gaarayo, waa mid wax iska yididiishaday uun. Sidoo kale qofkii maleeya dadaal uu bixiyay in uu jannada ku gaarana, waa mid daalay”.

4. Xasan Al Basri waxa uu yiri: ” Jannada oo dadaal la’aan la doonaa, waa mid ka mid ah gafafka waawayn”.

Intaa kagadaal waxaa uu qoraagu, dardaaranka kadib ku soo gabagabaynayaa, ducadii uu ka codsaday ardaygiisi. Dhammaadka buuggana waxaa ugu tagaysaa maansadii “Dadaaran” oo uu allifay tarjumaha buugga Cabdimaalik Saciid Sheekhow.

W/Q: Ayaan Maxamed Cabdi

Sawirka Tarjumaha Buugga

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top