NOVEMBER, 2023
Magaca buugga: Mangalool Daabacaaddii: 1aad
Magaca qoraaga: Senator Cismaan Abukar Dubbe Goobta: London
Shirkadda daabacday: Garanuug Bogaggiisa: 358
Sanadka la daabacay: 2022 Jaadka: Suugaan
Ugu horreyn, qoraagu waxa uu gogoldhigga buugga ku billaabay sharraxaadda dareennada iyo dulucda ay xanbaarsan yihiin boqolka tixood ee maankiisa ka soo maaxday, kuwaas oo ku billaabmaya duco hooyo, kuna dhammaanaya baroordiiq hooyo iyo naqshadda qaabdhismeedka ee uu u samaysan yahay mangalool. Sidoo kale waxa uu hordhaca ku qeexay magaca buugga oo ka kooban labada eray ee kala ah: Man iyo Galool. ‘Man’ waxa uu ku macneeyay ubaxa kiisa cad ee ka baxa dhirta qodaxlayda ah sida: galoolka, qudhaca, maraaga…IKK. Galoolna waa geed magaciis. Sidaas darteed, Mangalool oo ah isugeynta labada eray waxa uu ku fasiray ubaxii ka baxay geedka galoolka ah. Waxa uu sheegay in kolkii uu yaray lagu naynaasi jirey mangalool, sidaasna uu magacu ku yimi. Dhanka kale, waxa uu halkaas ku xusay hilaaddii uu hal-abuurka billaabay iyo halka uu ka hiddaystay. Wuxuuna sheegay inuu 1984-tii curinta suugaanta billaabay, uuna ka soo jeedo reer afka, dhaqanka iyo suugaanta caan ku ah.
Intaas kaddib, Mangalool waa buug uu curintiisii suugaaneed ku soo aruurshey macallin, wasiir, senator, qoraa iyo maansayahan Md Osman Dubbe. Waa diiwaan sida boqol maanso, oo isugu jira: gabayo, geeraarro, jacburro, jiiftooyin, Heellooyin, saar iyo godad kale oo dhawr ah. Suugaanta buuggan lagu weeleeyay waa mid ka kooban: wacyigalin, waddaniyad, taariikh, dhaqan, juquraafi, guubaabo, boorin, jacayl IWM. Buuggu waxa uu ku ibo-furmayaa maansada, “Dhulka waayo noo joog” oo hooyo loogu ducaynayo, waxa uuna ku soo abyamayaa maanso kale oo la yiraahdo, “Kummee hooyooy, kummee?” oo ah baroordiiqduceed hooyo lagu sagootinayo.
Diiwaankani waa mid aan akhriskiisa laga gayoonayn, maansooyinka ku qoran dhammaantood waa kuwa taabanaya dareenka akhiste kasta si toosa ama dadban. Qof welibana waxa uu ka helayaa jaadka maanso ee uu xiiseeyo, jacaylkaase aad ugu badan, mid qoraaga helay iyo mid saaxiibadiis haleelayba. Waxaana ka mid ah; Sadriga Deeqa, Ubixii Jamaame…IKK Nafdhisku kuma yaro, waxaana calanka u sida gabayga Hinqasho oo si cajiib ah u sawiraya baaxaaddegga nolosha bini aadanka lagu bineeyay iyo sida ay muhiim u tahay inaan marna la isku dhiibin weerarrada waqtiga.
Sidoo kale, waxaa ku jira maansooyin aad u badan oo wadani ah, kuwaas oo geyiga Soomaaliyeed gacanka Tojaara ilaa webiga Taana taxan, gobol iyo degmo kastana sifo togan ka bixinaya. Waxaana ka mid ah gabayga, “Qiime-Badane” oo ah mid quruxda, qiimaha, qaabsamida, qaninimada iyo qaalisanaanta dhulka hooyo qaadaadhigaya iyo qaar kale oo abwaanku ku taageeray gobanimo u diriirkii Afrika sida Nelson Mandeella iyo kuwa Carbeedba sida Maxamuud Darwiish. Taasina waxa ay qayb ka tahay hanweynida iyo hadafka fog ee hal-abuurka Soomaaliyeed oo abwaankuna ka mid yahay ay weligoodba caanka ku ahaayeen. Waana waxa koowaad ee aniga aadka ii soo jiitay intii aan buugga akhrinayay.
Mucjisada mangalool! Waxa la yaabka leh ayaa ah in abwaanku maansooyinkiisa u sameeyay ugaaso ama boqorod taajka u sidda maansooyinka idilkood. Malayka waa maansada 99aad ee buugga, bogga 327-341aad. Waxa ay ka kooban tahay kun beyd, waxayna leedahay ilaa lix magac, jaad ahaan waa saar ku socda xarafka ‘M’. Haddii Mangalool yahay mankii galoolka ka baxay, Malaykana waa mirtii mankaas ka dhex baxday. Waana mid soo koobaysa qaybaha nolosha ee kala duwan, xalna ku raadinaysa xaalad kasta oo adag, xujo kastana furaysa. Qaybaha dambe curiyuhu waxa uu xoogga ku saaray ayaamihiisii waxbarashada iyo adduun araggiisa imminka, isaga oo aragtidiisa cuskiyay xaddiisyo, xikmado iyo xeernololeedyo xiriir la leh hadba xaaladda uu ka hadlayo. Sidaas awgeed, akhrinta maansooyin faro badan oo ay sameeyeen abwaanno tiro badan, waxaad kaga kaaftoomi kartaa adiga oo akhriya Malayka. Sababtuna waa in aad ka helayso inta badan ujeeddooyinka abwaannadu u curiyaan suugaanta.
Walow ay Malayka aad u dheer tahay, haddana mucda iyo miidda ku maran ayaa ka dhigtay mid meel mar ah, oo minidyo lagu akhriyo, marar badanna lagu soo celcelsado.
Inkasta oo Mangalool buug qiima badan yahay, buug suugaaneedyada dhiggiisana wax badan uga horreeyo, sida suugaanta caruurta oo aan abwaanada dambe wax badan ka allifin siina dabar go`aysa, raabka oo dhallinyaradu aad u xiiseeyaan laakiin hal-abuuradu ay curintiisa ka gaabsadaan, haddana waxa jira gondaloolooyin yaryar oo qoruhu ebyidooda ka gaabshey. Sida: Maansooyinka qaar oo aan miisaan ahaan sugnayn, qaafiyad ahaanna saxnayn, haba u badnaadeen kuwii suugaan curinta uu ku billaabay, dibna uusan u sixin, taas oo keentay laaxin iyo deelqaaf hoos u dhigay xalladii iyo macaanidii maansada. Boqolka maanso oo uu isku xiriirshey, halkii ay wacneyd inuu intii isku jaadaba cutub gaar ah ka dhigo. Arrintani dadka aan hibo ama aqoon suugaaneed lahayn waxa ay ka dhigaysaa kuwa ku dawakha akhrinta boqolka maanso ee isku bixiska ah. Sidoo kale waxaa jira qalad qoraal naxweed meelo kooban ah.
Ugu dambayntiina, buugga Mangalool waa mid af Soomaali sax ah iyo eray suugaaneed aad u ashqaraar badan ku qoran, eray iyo astaanna loo ebyey. Suugaanta ku jirtana waa mid jaad walba leh oo si afshaxannimo leh loo curiyay, si farshaxannimo lehna loo qoray, siddana dareen qofnimo, qoysnimo, qarannimo, qowmiyadnimo iyo mid aadaminnimo oo aad u qaro weyn sinnana aan looga xiiso goynayn, akhristahana ku qasbaysa inuu mid mid u dul istaago maansooyinka dhan. Waana mid la jaan qaadaysa waqti tegey, mid taagan iyo timaaddo loo toog hayaba.
Intaad akhrinayso, waxaad baran doontaa erayo iyo oraahyo ku anfici doonaa, dalal iyo dadyow aadan horay u aqoon, doon, diyaarad iyo daabadba waad raaci doontaa, adiga oo dalxiis ku tegi doona dunida inteeda badan, ilaa aad ka noqoto waayo arag wax badan og. Waadiga waddaniyadda ayaad weel darsan doontaa, waayaha jacaylna waad u wadoobi doontaa, farxadda iyo murugtana kolba mid ayaad faraqa ku shuba doontaa, marar badanna waad is weyndoontaa!
WD: Shukri Maxamed Xasan.



