Gorfeeye: Abdi Yusuf Abdi
Bogaga: 214 bog
Ugu horayn mahad oo idil waxay u sugnaatay Allah SW oo inaga yeelay umad muslimiin ah, rumeysan Alle, adeecsanna rasuulkii loo soo diray. Allihii kownkan ina keenay nakala garad siiyay xaqa iyo baadilka, na siiyey awood aan wax ku qabsano, maskax aan ku fekerno, iyo caqli aan ku kala saarno samaanta iyo xumaanta.
Buugga dhaxal waa buug xikmado badan xambaarsan si guud, xikmadahaasi waxaa leh culumadii islaamka qaar kamid ah, Buuggan waxa uu si guud u bidhaaminayaa akhristayaashiisa inay wax ka bartaan taariikhda iyo xikmadaha ay ka tageen dhammaan culumadii islaamka.
Buugga si guud waxa uu ka kooban yahay 10 Cutub, cutub walba oo aad dul tagtana waxaad ka baranaysaa qisooyin cajiib ah, sidoo kale xikmado badan ayuu quudinayaa maskaxdaada.
Cutubka 1aad: Abuubakaru sadiiq : Madiina ayuu ku dhashay 573M, Hooyadii waa salma bintu sakhar (Ummul-Kheyr), waxa uu ahaa qofkii ugu horeeyay ee isagoo xor ah rumeeyay Nabi Muxamed (NNKH), sidoo kale waxa uu ahaa khaliifkii 1aad ee Khulufaa’u raashidiin, waxa uu dhintay kadib 2sano, 2 bilood iyo 14 maalmood oo uu dawladda islaamka xakumayey. Qaar kamid ah xikmadihiisa ku booqo bogga 34-42 ee buugga dhaxal.
Cutubka 2aad: Cumar binu khadhaab: Makka ayuu ku dhashay 586 C.D, waxa uu ahaa khaliifkii 2aad ee Khulufaa’u raashidiin, waxa uu ahaa ruuxii ugu horeeyay ee sameeyay kaalendarka taariikhda islaamka ee hijriga, waxa uu ka qeyb galay duulaano badan isla markaana waxa uu furtay dhul badan, Ugu dambeyn cumar waxaa dilay nin majuusi ah (Abuu lu’lu al-majuus) 26-Carafo-23H kuna beegan 644M. Qaar kamid ah xikmadahiisa ku booqo bogga 54-59 ee buugga dhaxal.
Cutubka 3aad: Cusmaan binu cafaan: Xijaaz ayuu ku dhashay 576M, Hooyadii waa Arwa bintu kurayz, waxa uu ahaa khaliifkii 3aad ee Khulufaa’u raashidiin, sanadkii 644H ayuu xukunka la wareegay, cusmaan waxa uu ahaa nin ganacsade ah oo garab iyo gaashaanba u ahaa muslimiinta (Muhaajiriin & Ansaarba), Ugu dambeyn June-17-656H ayuu geeriyooday. Qaar kamid ah xikmadahiisa ku booqo bogga 78-84 ee buugga dhaxal.
Cutubka 4aad: Cali bunu abii dhaalib: Makka ayuu ku dhashay jimce-13-Rajab, Hooyadii waa faaduma bintu asad, waxa uu ahaa khaliifkii 4aad ee Khulufaa’u raashidiin, waxaana xilka loo dhiibay 23-dulxaj-35H. Cabdiraxman ibnu muljam ayaa dilay 21-Ramadan-40H. Qaar kamid ah xikmadahiisa ku booqo bogga 98-110 ee buugga dhaxal.
Markasta oo uu i edbiyo waqtigu, waxa uu i tusaa maanyarideyda! ~ Imamu Shafici.



