Waxaa naga bannaan fursad shaqo iInternship ah oo hal sano ah, xafiisyada kala duwan ee Naadiga Garaadkobac
Fursaddaan waxa ay qaas u tahay Xubnaha Naadiga Garaadkobac.
Inaad ka mid noqoto howlwadeennada Naadiga Garaadkobac waxaad ka faa’ideysaa 6 arrimood:
- Waxaad baranaysaa oo aad la macaamilaysaa bulshooyin iyo xarumo kala duwan
 - Waxaad qabanaysa shaqo joogto ah oo leh caqabado, layliyo iyo diyaarinta warbixinno kala duwan
 - Waxaad baranaysaa isticmaalka aalado iyo systems kala duwan oo aan kushaqeyno
 - Waxa aad heli doontaa Aqoonsi ku siinaya garowshiiyo iyo tixgelin
 - Waxa aad Sooyaalkaaga Nololeed ku biirin doonta khibrad shaqo oo weyn
 - Waxa aad nagu matali doontaa shirar, safarro iyo goobo muhiim ah.
 
Haddaba haddii aad xiisaynayso fursaddaan la xiriir Guddoomiyaha Cusub ee Naadiga si uu kuugu daro Golihiisa Fulinta, adigoo sooyaalkaaga Nololeed ku diraya club@garaadkobac.com iyo info@garaadkobac.com.
Wixii faahfaahin toos ula xiriir Guddoomiyaha WhatsApp ahaan: +252618404870
