Dhiganaha: WAAN KU SALAAMAY SAAXIIB

Waan ku salaamay saaxiib.

Mid ka mida barayaasha jaamacadda ayaa xidhan jiray saacad dumar, ardeyduna ka_sheekeyntiisa goloyaasha nusu saacaha ayey ku camiran jireen, illaa ugu danbeyntii uu arday kula dhacay su,aal uu barahaas ku weydiiyay sababta uu u xidhan yahay saacadda dumarka.
Waxa uu u sheegay barihii, in ay tahay saacaddii inantiisii oo ka dhimatay!

Saaxiib qof kastaba waxa ku taagan waran haddii uu dadka kale tuso ay oohin darteed ilmada seydhi lahaayeen.

Balse in uu udulqaato warankaas oo ku samro ayuu door bidayaa, maadaama udhibridda ay dadku kuu naxaan lafteedu ay xanuun tahay, waliba ay aad u xanuun kulushahay!

Noloshani waa dagaal qadhaadh, ee yaaney muuqaalada guud ku dagin (khiyaamin)!

Dhoolacadeyntaas aad arkeyso waxa ka danbeeya dhaawacyo iyo dakharro badan oo ay dadku dadka kale ka qarsadaan!

Qosolkaas waxa ka danbeeya illin haddii aad arki laheyd aad odhan laheyd “sidee ayuu u qoslayaa qofkan ilmada ka socota daraadeed in uu qalalo ku sii siqayaa?!

Dadku waa sida buuraha saaxiib, kama aha dhanka adkaanshaha, ee waxa ay ka yihiin dhanka inta qarsoon.
Waxa ay yidhaahdeen aqoon yahannada cilmiga dhulka ee Geology_gu, buurta inta laga arkaa waa un sedexmeelood meel ahaan, oo labada kaleba dhusinka hoose ayey ku aasan yihiin.
Innaguna sidaas ayeynu nahay!
Inta aynu qarsanno ayaa ka badan inta aynnu muujisanno!

Xanuunadeenu ma aha waxyaabaha aynu cuneyno, ee waa waxyaabaha innaga ina cunaya!

Saaxiib; qofkastaaba waxa uu la nool yahay dhibaabo xanuujinaya si kasta oo uu u dafariba, qalbi kastana waxa ku yaalla nabar dhaawacan oo qallan, si kasta oo uu u qariyaba!

Yaaney muuqaallada guud ku dagin, waxyaabaha aad aragtaa ma aha sida ay kuugu muuqdaan’e!

Qofka degan ee aad ku majeerato isu_dheelitirnaantiisa, laga yaabaa inuu qalbigiisa ka holcayo dab illaahey cid aan aheyni aanay ogeyni!
Qofkaas aanu dushiisa qiiqu ka baxeynin, macnaheedu ma aha in aanu gubaneyn!

Ka caasiga ahina kuma raaxeysanayo macsiyadiidaas, ka mudeeca ahina dhayal kuma aha qof sugan oo jidka uu Rabbi ujeexay raacaya!

Ka haysta qof jecel oo si adag uheysta oo in aanu waayin darteed wax walba uhurayaa, nafis iyo raaxo kuma jiro.

Ka qalbigiisa bohosha gacallaha ubaahani ay ka banaantahay ee aan qofna faraha ka hayninna, waa sidoo kale!

Dhowr jeer ayaan kaaga warramay qiso aan akhriyay oo aheyd, nin maalin ugalay farmasii oo uga cabanayey xanuun jidhka ka haya, ruuxdiisana bahda ka saaraya oo diiqad iyo nafis darro u horseedaya.

Dhakhtarkii markii uu si kastaba ubaadhay waxba wuu ka waayay.

Markaasuu u sheegay in dhibtiisu ay tahay nafsi, ee uu isku dayo in uu naftiisa u raaxeeyo!
Waxa uu u sheegay dhakhtarkii, inuu wax akhriyo, socdaalo, oo asxaab cusub barto.

Waliba waxa uu ugu daray tallo ah, in uu magaallada yimi majaajiliiste aad u maad badan oo layidhaahdo Carolina, dadkana sida uu uga qoslinayo uu gaadhsiiyo heer ay wixii dhibaatooyin heystayba illaawaan, ee uu ninkaas aado, oo uu soo daawado majaajiladiisa.

Ka dibna ninkii bukaanka ahaa dhakhtarkii ayuu eegay oo uu ku yidhi isaga oo ilmeynaya “waa aniga Carolina digtoore”

Nabaadiino saaxiib.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top