Waa buug ka hadlaya waaqic ama dhibaato maanta ka taagan wadankeena kana mid ah dhibaatooyinka aan horay uga socon la’nahay muddo 30 sano iyo kabadan ah. Taasoo ah heybsooca, midabtakoorka iyo sinji naceybka. 
Erayga Eeqa-beersi micnihiisu waa NABSI. buuggaanina wuxuu u doodayaa, dhibaatada haystana soo muujinayaa dad maskiin ah, muslimiin ah, Soomaali ah, laguna reebay haybsooc iyo faduul, dadkaasi oo ah Soomaalida kuwa ay ugu baahi badan yihiin. Dadka haybsoocaya ayaa dhibka ugu wayna yahay ayagii oo aan ka maarmin hadana raba inay hayb soocaan dadkaasi waa kuwa layiraa midgaan, gabooy, tumaal iyo wixii lamid ah.
Qisooyinka buugga ku xusan oo runtii ah kuwa cibra qaadasho ah waxan idinkala wadaagi doonaa kuwa ugu xanuunka badan uguna cibra qaadasho mudan. Waxaan hubaa ama yaqiisanahay in wax badan iska kaa badali doonaan dareenkaaga iyo damiirkaaga hadii aad buuggaan akhrisid. Haddaba, Aan gudo galo qisooyinka.
Qisada koowaad: GOBAAD:
Gobaad waa gabar qurux Rabbi ku manaystay, karti iyo dadaal badan, aqoon meel fiican ka joogto, leh inta astaamood ee dumar wanaag lagu sheego. Balse nasiibkeed waxay kasoo jeedaa qabiilada la haybsooco waxay jeceyl u qaaday wiil dhalinyaro ah dhankiisuna wuu jeclaa, kaddibna ayagoon waalidkood ogayn ayey ismahersadeen. Waa masiibo bilaawgeede, Gobaad waxaa caloosha u galay uur waxa ayna u sheegtay wiilkii ay isjeclaayen asiguna wuxuu usheegay sido kale waxay u sheegtay aabaheed. Aabihii dhalay Gobaad oo ah nin naxariis badan ayaa u tagay odaygii dhalay wiilka  arrinka siduu u jiray markuu u sheegayna wuxuu indhaha kasaaray hadal aan u cuntamin. “wiilkayga gabadhaada inuu guursado geeri ayan ka xigaa” hadalkaasi wuxu uur-kutaallo ku noqday aabihii gabadha dhalay, xanuunki uu ka qaadayna u geeriyooday, waxaa isku soo haray Gobaad iyo hooyadeed dheeho oo wixii hanti ay haysteena ku dhamaadeen intay odayga cafimadkiisa ka daba wareegayeen. Ugu danbayna waxaa tii alle u timid gobaad hooyadeed waxana meel cidla ah kusol dhacay Gobaad oo xaamilo ah, ciirsi qof ay biddana aysan jirin. Gobaad oo ahayd gabar karti badan waxay dhaxda u xiratay inay cunuggeeda oo wiil u noqday ay koriso, dhib walba ay martay wuu koray waxbarashada sarena dhameeyey, jaamacad soo gaba gabeeyey  dhibkii hooyadiis martana dheef ugu baddaley, balse qisada waxaan u so qaatay ayaa ah, in odaygii shalay isku diiday Gobaad iyo wiilka ay jecleyd, sababna u noqday dhimashada labadeda waalid, in asigii oo cayr ah xoolihii ka dhamadeen xanuunsan miyi ku dhibaatoonaya wiilkii gobaad dhashay uu gacantiisa kuso qaaday dhaqtar geeyey daweeyey asigo aan ogayn ninkani inuu yahay awoowgiisa aabihii dhalay hadana ah ninkii ka danbeeyey dhibka hooyadiis Gobaad martay.
Qisada labaad: DUNIYO:
Duniyo waa gabar qurux inta dumar lagu tilmaamo u dhamaystirantahay, akhlaaq u dheertahay, daganaasho iyo dhega nuglaal usii dheertahay, qofkii mar qura arkaana uusan ka jeesan karin, balse nasiibkeeda waxay kasoo jeedaa dadka lahaybsooco, aabaheed wuxuu caan ka yahay magaalada ay daggan yihiin, waana xurfadle kabo-tollida iyo tumaalnimada yaqaanna. Duniyo waxay is jeclaadeen bishaar oo ah wiil uu dhalay duqa magaalada ugu caansan waxay xiriirkoda qariyaanba waxaa ogaaday odaygii kedibna wuxuu wiilkii u sheegay hadii uu gabadhaas ka hari waayo in uu nafta dhaafinaayo. Duniyo waxay caan ku noqotay magaca dhalinyarada magaaladu u bixiyeen o ah “caddow aan la cunin” oo ay ula jeedeen qurux qasaartay madaama ay ka faanayaan inay shukansadaan. Duniyo iyo bishaar waxay go’aan ku gaareen inay isla baxsadaan, oo ay aadaan meel aan laga aqoon, go’aankii ayey qaateen waxay tageen tuulo u jirta meesha ay katageen 100km, halkaas ayey shiikha magalada u tageen, iskuna xirteen, Bishaar oo ahaa nin aqoonyahan ah wuxuu ka shaqo bilaabay iskuul Ilaah mahadiisna noloshooda way qurux badnaatay, nabsi meel magaaree galab galbaha kamid ah ayuu bishaar arkay laba oday oo daruuf ba’ani kamuuqato oo gacanta is haya suuqana dhex maraya, gacanta ayuu u haatiyey madaama uu bishaar ahaa nin naxariis badan markii ay usoo dhawadeena waaba uu aqoonsaday waa abihiis iyo adeerkiis waa uu kaxeeyey wuxuna u geeyey Duniyo oo nolol qurxoon kujirta, Ilaahna siiyey 6 caruur ah Ugaaz Faarax oo ahaa Bishaar aabihiis ayaana isku duubay gabadhuu sodoga u ahaa iyo Bishaar, kuna cataabay inay iska cafiyaan qaladkii uu ka galay.
Waxaa xaqiiq iyo wax aan indhaha laga qarsan karin ah in dhibaatooyinkaas iyo kuwa kabadan ay ka dhaceen wadankeena. Waxaa bogaadin iyo u mahadcelin mudan qoraaga sharafta leh mudane Yaxye Daahir Colow Sigane oo bidhaaminta, wacyigelinta iyo ka hortagga heybsooca u hibeeyay buuggaan qiimaha badan. 
#Barnaamijka #Nuxur
W/Q:Saabir Abdi Yuusuf Xikmaawi
Xubin kamid ah Naadiga Akhriska & Qoraalka ee Garaadkobac. 
Q/B: Yaxye Daahir Coloow Sigane
Yaxye Sigane
7-May-2020.
		
		
			



